Qiso Si Maadays Iyo Xikmad Isugu Jirta U Muujinaysa Dhibta Uu Leeyahay Damacu

0
773

Hargeysa (Geeska)- Wargeyska Geeska Afrika waxa uu maanta akhristayaashiisa la wadaagayaa qisadan oo laga soo xigtay qisaska carabtii hore. Waxa ay xambaarsan tahay xikmad si dadban u muujinaysa dhibta ay leedahay damaacinimadu. Haddaba qisadan oo uu wargeyskan Geeska Afrika u rogay faka hooyo, sidan ayaa ay u dhacday:

Nin reer miyi ahaa oo ka mid ah carabtii hore ayaa mar uu magaalo u soo safray waxa uu u yimi nin Kabo-tole ah oo magaciisa la yidhaahdo Xunayn, waxa aanu ka baayacay laba kabood. Ninkii reer baadiyaha ahaa iyo Kabo-tole Xunayn waxa ay muddo isku mari la’aayeen qiimaha kabaha, sida muuqatana Xunayn waxa uu ka cadhooday ninkan reer baadiyaha ah oo si uu fool xumo u arkay u bakhsay, markii uu qiime aad u hooseeya oo aanu raalli ku ahayn ku qasbayna haddana aan ka iibsan ee iskaga tegey.

Ninkan reer baadiyaha ahaa oo lagu tilmaami jiray bakhaylnimo xad dhaaf ahi in kasta oo uu xiiseeyey kabahan haddana waa uu u quudhi kari waayey lacagtii loogu sheegeay qiimahooda, sidaa awgeed waa uu iskaga tegey, oo ma’ uu qaddarin waqtigii badnaa ee uu la gorgortamayey Xunayn iyo qiimihii hoose ee isagu uu qabsaday ee laga ogaaladay.

Xunayn oo ah kabo tolihii oo arrinkan aad uga cadhooday ayaa markiiba fikiray khiyaamo uu kaga aargoosto ninkan reer baadiyaha ah.

Xunayn waxa uu dabagalay ninkii reer miyiga ahaa, si uu ula socdo goorta uu ka baxayo magaalada, meel kasta oo uu ka alaabaysanayo iyo cid kasta oo uu sii marayaba waa uu daba socday, markii ay gaadhay xilligii uu reerkiisa ku noqon lahaa ayaa uu ninkii reer miyiga ahaa ka baxay magaaladii isaga oo wata awrkii oo uu safar fiican ku soo rartay, Xunayn markii uu si fiican u fahmay jidka uu ninkii magaalada uga baxay ayaa isaga oo iska qarinaya inta uu ka dheereeyey, uu jidka uu soo marayo meel ah oo xagga hore sii ahayd dhigay mid ka mid ah labadii kabood ee ninkan reer miyiga ahi ka baayacay. Haddana inta uu hore u sii socday ayaa uu meel cabbaar u sii jirta dhigay kabtii labaadna, isna meel aan halkan dambe ka fogeyn uu geed ugu soo gabbaday.

Markii uu ninkii reer miyiga ahaa waxoogaa soo lugeeyey isaga oo wata awrkiisii oo uu ku raran yahay safarkii uu magaalada kala yimi, ayaa uu si lama filaan ah u arkay kabtii koowaad, inta uu yara dul istaagay oo uu aad u eegay, ayaa uu is weydiiyey, ‘Kabtu kabtii u ‘ekaa…!!” laakiin waa kab keliya oo anfac uma ay lahayn, sidaa awgeed waa uu iska dhaafay, markii uu haddana cabaar socday ayaa uu mar labaad ku soo baxay kabtii labaad oo taalla waddadii, inta uu dul istaagay oo uu hubiyey in kabtu kabtii hore teedii kale tahay, ayaa uu isweydiiyey sida ay kabahani halkan ku yimaaddeen. Waxa aanu isku qanciyey in qof kale oo reer baadiye ahi uu kabahan soo iibsaday, kadibna markii uu halkan safarka ku marayey ay kabahan midiba mar ka dhacday.

Inta uu isku canaantay sababta uu kabtii hore uga yimi ayaa uu bakhaylkii reer miyiga ahaa go’aan ku gaadhay in uu awrka sii xidho, kadibna doonto kabtii kale ee uu soo dhaafay si ay ugu noqdaan kabo uu intifaacsado.

Xunayn oo u dhuumanayey, ayaa markii uu ninkii reer baadiyaha ahaa tegey si uu kabtii hore u soo qaato, ina waxa uu furtay awrkii rarnaa ee ninka reer miyiga ahaa sii xidhay waxa aanu kula noqday magaaladiisii. Ninkii reer miyiga ahaa oo kabtii sita ayaa ku soo noqday goobtii uu awrka ku xidhay, si uu kabtii labaadna u qaato, awrkiisana kaxaysto, laakiin nasiib darro awrkii rarnaa ma joogo. Waa uu raadiyey, meel uu u saarana waa uu garan waayey, isaga oo daalay, ayaanu maalin kadib reerkiisii ku soo noqday isaga oo sita laba kabood awrkii iyo safarkii saarnaana sidaa ku galbadeen.

Ninkii reer baadiyaha ahaa markii la weydiiyey, waxa uu magaaladii kala soo noqday iyo sababta faro-madhnaanta baddayna waxa uu si kooban ugu jawaabay “Waxa aan la soo noqday kabihii Xunayn” ereygaas oo noqday hal-ku-dheg carbeed oo illaa maanta caan ah, looguna soo tusaale qaato ruux kasta oo damac galay awgii iyo isaga oo islahaa wax badso awgeed hantidiisii ku waayey.