Hargeysa (Geeska)- Diyaaradaha dagaalka ee Yuhuudda ayaa weerar ay qaadeen arbacadii toddobaadkii dhowaa ee 14ka Noofambar waxa ay ku dileen Axmed Jacbari oo mid ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha muhiimka ah ee garabka milateriga ururka Xamaas oo ka taliya marinta Qaza ee dhulka Falastiiniyiinta. Weerarkan oo ah kii noociisua ugu horreeyey muddo dheer ayaa ay dadka arrimaha siyaasadda u dhuun daloolaa ku macneeyeen mid uu raysalwasaaraha Yuhuudda Benjamin Netanyahu ugu talo galay in uu saamayn ku yeesho doorashooyinka dhowaan ka dhacaya Israel, kaas oo uu uga tusaale qaatay dilkii Osama Bin Laden ee uu madaxweyne Obama ku galay tartankii doorashooyinka ee uu dhowaan ku guulaystay.
Weerarkan oo ay Israel raacis garaac dhinaca badda, berriga iyo cirka ah oo ay u geysatay goobo kala duwan oo ka mid ah magaalada ugu ballaadhan dhulka Falastiiniyiinta ee Qaza waxaa ku naf waayey 11 Falastiiniyiin rayida ah oo ay ku jiraan carruur da’doodu ka yar tahay hal sano, waxaana ku dhaawacmay dad shacaba oo ka badan 100 ruux.
Si kastaba ha ahaato ee xasuuqan ayaa u muuqda in cadhada caalamiga ah ee ka dhalatay iyo jawaabta milateri ee Falastiiniyinta ka timid midkoodna aanu la mid noqon doonin kuwii ay hore Yuhuuddu u geysatay. Isla maalintii xigtay dilka Jacbari dagaal yahannada Xamaas ayaa markii abid ugu horraysay Israel ku riday gantaalo gaadhay magaalada caasimadda u ah ee Tel Aviv waxaana ku dhintay saddex ruux oo Yuhuud ah, intaa wixii ka dambeeyeyna tiro gantaalaha Fajr5 ah ayaa ay Xamaas la beegsatay Tel Aviv in kasta oo ay Israel si aad ah u qarisay khasaaraha ka dhashay oo weji gabax ku ah dawlad sidaa u awood badan.
Aminga Israel:
Gantaalaha ay Xamaas ridayso ee gaadhay Tel Aviv oo cabsi badan ku beeray Yuhuudda ayaa sabab u noqday in maalintii Jimce ee shalay iyo khamiistii ka horraysay ay masuuliyiinta waaweyn ee Israel oo ay ku jiraan raysawlasaaraha Natanyahu iyo wasiirka difaaca Uhud Barak ay joojiyaan kulamadoodii iyo shaqadii xafiisyada, waxaana la geeyey goobaha loogu talo galay in xaaladaha degdegga ah gabbood ahaan loogu qariyo madaxda. Dhuumashada madaxda Israel waxa ay bilaabatay markii maalintii khamiista Benjamin Netanyahu isaga oo ka hadlaya shir ka dhacayey guriga xukuumadda ee Tel Aviv mar keliya lagu war helay dawanka digniinta ee magaalada Tel Aviv oo la qaylinaya gantaalaha Xamaas, Netanyahu shirkii waa uu xidhay isaga, wasiiro muhiima oo kale iyo taliyeyaasha sare ee ciidamada ayaana si degdeg ah loola cararay gabboodka amniga madaxda sida uu ku warramay wargeyska Macaarif oo ay leedahay Israel, taas oo noqonaysa markii ugu horreysay tan iyo sannadkii 1991kii markii Saddaam Xuseen gantaalaha ku tuuray Tel Aviv ee ay madaxda Yuhuuddu gabbood amni gasho, sidoo kale waxaa aad loo yareeyey dhaqdhaqaaqii shacabka ee magaalada.
Jawaabta dunida ee xad gudubka Israel:
Madaxweynaha dalka Masar ayaa noqday madaxweynihii carbeed ee abid ugu horreeyey ee sida ugu adag u naqdiyey xasuuqa ay Yuhuuddu ka geysatay marinka Qaza iyo weerarka daandaansiga ah ee ay dagaalka ku bilowday. Madaxweyne Mursi oo jimcihii ka hadlay salaadda Jimce ayaa ku hanjabay in aanu dalkiisu Qaza kelideed cadowga uga tegeyn, Madaxweyne Mursi waxa uu dib u soo celiyey safiirkii dalkiisa u joogay Israel waxa aanu marinka Qaza khamiistii u diray raysalwasaarihiisa oo noqday masuulkii carbeed ee ugu horreeyey ee gaadha Qaza masiibada kadib, arrintaas oo aan ka farxin Israel iyo Maraykanka oo hadda ka hor Masar ku ogaa hoggaamiye saaxiib adag la ah oo aan dabac u muujin Falastiiniyiinta. Waxa aanu weerarkaasi dhiirri geliyey dalalka Tuuniisiya iyo Marooko oo labaduba ku dhawaaqay in ay Qaza u dirayaan wasiirradooda arrimaha dibadda.
Farqiga u dhexeeya weerarkan iyo kuwii ay hore Falastiiniyiintu u qaadi jireen ayaa ah in labada dal ee Carbeed ee keliya ee heshiiska nabadgelyo la wadaagaya Israel oo ah Masar iyo Urdun labadaba is beddel ku yimi, Masar waxaa gacanta ku haya Islaamiyiin Urdunna waxaa ka jira kacdoonno qasab kaga dhigay boqortooyada dalkaasi in ay u hoggaansanto waxa ay doonayaan Islaamiyiintu, waxaana la saadaalinayaa in mar kasta oo is bedellada gu’ga carabtu sii ballaadhaba Yuhuuddu ay ku qasbanaan doonto in ay ka fiirsato tallaabooyinkeeda axmaqnimada ah ee ka dhanka ah Falastiiniyiinta si ay amnigeeda u ilaashato.
Waxaa kale oo weerarkan ka soo baxay in culayska caalamiga ahi uu ku sii badan doono Israel, waxaana dhirbaaxo diblumaasiyadeed ku noqotay jawaabta diidmada degdegga ah ee si aan hore loogu baran weerarkeedan kaga yimi dalal badan oo dunida miisaan ku leh iyo dalalka Carabta oo hadda ka hor afka ka dhowrsan jiray balse hadda ay qasbayso cabsida ay ka qabaan gadood dadweyne, dalalka naqdiyey waxaa ka mid ah, Qadar, Iraan, Urdun, Libya, Ruushka, Faransiiska, Turkiga, Tuunisiya iyo Marooko iyo dalal kale. Dhanka kalana waxaa la saadaalinayaa in rabshadaha Qaza haddii ay sii socdaan ay xumayn doonaan xidhiidhka madowga badani ku jiro ee Israel iyo Maraykanka oo isku dhan ah iyo dalka Masar.
Dhaqdhaqaaqyo nabadeed:
Rabashadaha ka dhacaya Qaza waxa ay imtixaan adag ku yihiin madaxweynaha Masar oo la halgamaya sidii uu isu waafajin lahaa fikirkiisa Islaamiga ah ee ka dhanka ah siyaasadaha reer galbeedka iyo duruufaha ku xeeran ee ay ka mid yihiin dhibaatooyinka dhaqaale ee dalkiisa ka jira oo ku qasbaya in aanu si toos ah uga hor iman Maraykanka. waxase imtixaan aan kaa ka yarayn uu ku yahay madaxweynaha hadda la doortay ee Maraykanka oo qudhiisu jecel in uu dambabaso xaqiiqada ay mucaaradkiisu sheegayaan ee ah in kacdoonnadii gu’ga Carabtu wiiqeen awooddii diblumaasiyadeed ee Maraykanku ku lahaa dunida Carabta.
Maraykanka oo aanay weli ka madhnayn u xaglinta Israel waxa uu markii ugu horreysay garwaaqsaday in uu dalalka Akhwaanku ka taliyaan ee Masar iyo Turkey ka baryey in ay Xamaas la hadlaan si ay dagaalka u joojiso, in kasta oo ay hoggaamiyeyaasha Xamaas oo hadda dunida carabta iyo dunida Muslimka garab badan ku lihi ay ku hanjabayaan in dagaalka ay Israel bilowday balse joojintiisa aanay iyadu ka masuul noqon doonin. Dalal reer Yurub ah ayaa iyaguna durba bilaabay xidhiidho diblumaasiyadeed oo ay isku dayayaan in Xamaas lagu qanciyo in Israel iyo Xamaas ay labaduba joojiyaan weerarrada, waxase ay u eeg tahay in xaaladdu ay ku xidhnaan doonto hadba sida ay Israel ugu hoggaansanto in ay joojiso xasuuqa Falastiiniyiinta taas oo haddii ay halka xaalku hadda marayo ku joojiso u muuqan doonta weji gabax milateri iyo diblumaasiyadeed oo Israel ay kala kulantay Qaza.