Qawmiyado Ninka Ka Dhashay Ku Qasban Yahay In Uu Maro Imtixaan Caddaynaya Ragannimadisa (1)

0
903

Hargeysa (Geeska)- Waxa hubaal ah in akhriste dhaqankeennu aanu innaga inagu qasbin in aynu ficin ku muujinno xaqiiqada ragannimadeenna. Waxaaba dhacda in in badan aynu isku qaladno ninka (Labka) iyo ragannimada oo rag iyo dumarba u siman yihiin. Qormadan oo uu Geeska Afrika afsoomaali u rogay waxa ay soo bandhigaysa dhaqanno ka jira meelo kala duwan oo dunida ah, kuwaas oo ninka ku qasbaya in uu sameeyo ficillo hidde ay u leeyihiin oo marka uu ka soo baxo uun la garanayo in ay ragannimadiisu taam tahay.

1. Qabiilka Fulaani oo dega dalka Suudaan:

Ninka inta shaadhka laga bixiyo waa in dhabarka si arxan darro ah looga garaaca jeedal, kii u adkaysa ee aan jileec iyo damqasho laga garan ayuun baana xaq u yeelanaya in lagu daro liiska ragannimada. Laakiin xasuusno in aan loo diidanayn in uu nin yahay, balse ragannimo ayaan jirin weeye.

2. Qabiilka Masaay ee dalka Kenya:

 Ninka u dhashay qabiilka Masaay ee dalka Kenya ragannimo looma qirayo dumarka iyo carruurtuna kama haybadaysanayaan haddii aanu marka uu qaangaadho inta uu qaatay waran keliya libaax soo ugaadhsan. Qabiilkani waxa ay caan ku yihiin xirfado kala duwan iyo geesinnimo aanay ka waaban libaaxa oo aad ugu nool deegaannadooda. Wax weyn kama dhex aha qabiilkan in ninkuu libaaxa si fool-ka-fool ah u waajaho oo inta uu warankiisa ku liishaamo labada indhood dhexdooda kaga taago isaga oo aan wax cabsi ah ka qabin.

Dad badan oo qabiilooyinka kale ee Kenya ah ayaana aaminsan in libaaxa qudhiisu bartay in ninka qawmiyaddan ahi ka adag yahay, sidaa awgeed waxa uu si gaar ah u bartay urta dhididka qawmiyaddan, markaa marka uu uriyo in dhididkii Masaaygu soo dhowaaday ayaa uu ka sii baqaa oo ka durkaa dhulkaas.

3. Qabiilka Sambuuri ee dalka Kenya: Qabiilkani waxa uu dhaqan u leeyahay in ninka la gudo marka ay da’diisu 15 sano jirsato, waxaa ka sii yaab badan in aan mid kasta gaarkiisa loo gudin. Maalin cayiman ayaa uu qabiilku isu soo ururiyaa dhammaan wiilasha da’dan gaadhay, kadib meel fagaare ah oo deegaanka qabiilka ka mid ah oo rag iyo dumarba loo daawasho yimid ayaa lagu gudaa wiilashaas. Waxaana la aaminsan yahay in gudistaasi ay tahay baasaboorka uu wiilku ugu gudbi karo ragannimada, haddii kale uu sii ahaanayo nin aan ragannimo lagu ogeyn.

Mid kasta oo wiilashan ka mid ah oo geesinnimo iyo calool adayg ku suga inta laga jarayo balagta, waxaa lo oaqoonsadaa in uu leeyahay ragannimo. Laakiin haddii uu cabaado ama fulaynimo laga dareemo wiilka la gudayo markaba waxaa lagu boobaa dhagax, sidaas ayaana qabiilka lagaga eryaa, oo inta badan magaalooyinka ayaa ay dib-jirnimo ku soo galaan, wax uu mustaqbalkoodu noqdaba. La soco…