Qaramada Midoobay Oo Ka Hadashay Hoos U Dhaca Ku Yimid Lacagta Somaliland Iyo Sababaha Keenay Oo Ay Soo Bandhigeen

26
3529

Hargeysa(Geeska)-Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in hoos u dhac weyni ku yimid qiimaha lacagta Somaliland, marka la eego halkii ay taagnayd sannadkii hore.
Warbixin ay soo saartay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cuntada ee WFP oo ay kaga hadashay xaaladda nolosha ee guud ahaan Soomaalida, ayaa waxay ku sheegtay in lacagta Somaliland ay 32% hoos u dhacday marka la barbar dhigo halkii ay taagnayd sannadkii hore ee 2016, waxaanay Qaramada Midoobay sababta ku sheegtay lacago la soo daabacay oo suuqa soo galay iyo doollarka oo ku yaraaday suuqyada. Warbixintu waxay tidhi “Shilinka Somaliland boqolkiiba 32 ayaa uu qiimihiisu hoos dhacay marka la eego sida uu ahaan jiray hal sano ka hor, sababtuna waa lacagaha la soo daabacayo ee suuqa soo gelaya oo kordhay iyo doolarkii suuqa lagu qaboojinayey oo yaraaday, kadib markii uu hoos u dhacay dhoofkii xoolaha iyo dakhligii dhoofku.”
Warbixintan Qaramada Midoobay ee qiime dhaca lacagta Somaliland ayaa ah mid ay shacabka Somaliland arkayeen sannadihii u dambeeyay, waxaana suuqyada ka baxay noodhadh badan oo ah lacagtii, iyadoo inta badana suuqyada Somaliland wax lagaga iibsado lacagta Dollarka.
Warbixintu waxa kale oo ay sheegtay in roobabkii deyrta ee la filayay ay aad u yaraayeen, inkastoo deyr kooban oo da’day ay qaboojisay abaar jirtay, haddana waxa ay Qaramada Midoobay tilmaantay in roobabkii la filayay ay aad u yaraayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here