Qaramada Midoobay Iyo Dawladda Farmaajo Oo Isu Seegay Xadhigii Mukhaar Rooboow

0
1492

Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Haysom, ayaa dowladda Soomaaliya ka dalbaday in ay sharraxaad ka bixiso wixii ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed laga soo billaabo 13-kii ilaa 15-kii bishii Disembar.

Nicholas Haysom oo warqad u qoray wasiirka amniga ee dawladda  Soomaaliya, Maxamed Abuukar Islow, ayaa ka hadlay saamaynta ka dhalan karta wararka sheegaya in ciidamo Soomaali ah oo ay taageerto Qaramada Midoobay ay ku lug lahaayeen xarigga Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, 13-kii bishii Diseembar, iyo dhimashada 15 qof oo rayid ah iyo sidoo kale dhaawaca laba qof oo kale.

Arrinta kale ee lagu xusay warqaddaasi ayaa ah xadhigga 300 oo qof oo kale oo la sheegay in ay ku lug lahaayeen dibadbaxyo ka dhashay xadhigga Sheekh Mukhtaar Roobow oo qaarkood la sheegay in xabsiga lagu hayay wax ka badan 48 saac balse markii dambe la sii daayay intii u dhaxaysay Diseembar 18 ilaa 22.

Sida ku cad warqadda uu wakiilka gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Haysom u qoray wasiirka amniga Soomaaliya, dadka ay ciidamada ammaanku u qab-qabteen rabshadihii ka dhacay Baydhabo ayaa inta badan ahaa carruur.

Nicholas Haysom ayaa sheegay in kaalmada Qaramada Midoobay ay ku xidhantahay ilaalinta xeerarka xuquuqda aadanaha, haatanna Qaramada Midobay ay taageerto ciidamada booliska dowladda Soomaaliya  iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed.

Haysom ayaa sidoo kale sheegay in Midowga Yurub, Jarmalka iyo UK ay ku wargeliyeen in ay hakinayaan kaalmadii ay siin jireen ciidamada booliska maamulka Koonfur Galbeed sababa la xidhiidha hab-dhaqanka ciidankaasi ee xilligii doorashada madaxtinimada ee maamulkaasi iyo hadallo sida uu sheegay uu jeedyey taliyaha booliska maamulkaasi.

Warqadda Nicholas Haysom, wakiilka gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, ayaa u muuqata mid shaki gelinaysa sharciyadda xadhiga  Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur waxa uuna sheegay in warar lagu kalsoon yahay ay u sheegeen in ciidamo Itoobiyaan ah ay gacan ka geysteen qabashda Roobow.

Hawlgalka nabad ilaalinta ee Midowga Afrika ee AMISOM iyo dowladda Soomaaliya ayaa hore  u beeniyay in ciidamo Itoobiyaan ah ay ku lug la haayeen qabashada Sheekh Mukhtaar Roobow.

Balse dad goobjoogeyaal ah iyo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa BBC-da u sheegay in ciidamo Itoobiyaan ah ay qabteen Sheekh Mukhtaar Roobow isla markaana ay jidhdil u geysteen.

Nicholas Haysom ayaa sheegay in haddii la xaqiijiyo eedeymahaasi ay yihiin kuwo culus, waxa uuna warqaddiisa ku xusay in ilaa haatan aanan Sheekh Mukhtaar Roobow la hor geyn maxkamad oo aan lagu soo oogin dambi, sidaa awgeedna waxa uu dalbaday in sharaxaad laga bixiyo sharciga loo cuskadaay xadhigga Roobow iyo suurtagalnimada in ciidamo Itoobiyaan ah ay gacan ka geysteen xadhiggiisa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here