Qalinkaa Wax Suureeya 17…W.Q. Axmed Cabdiraxmaan Sh. Bashir

26
1885

Qalinkaa Wax Suureeya   17

 

Axmed Cabdiraxmaan Sh Bashiir

 

Taariikhdu ma Naxariisato

 

Falgalka kulmiya dhacdada iyo aminta ayaa wax ka unkama taariikhda markaas la joogo, wakhti ka dib taaiikhdaas waxa lagu dabraa inay tahay mid la soo dhaafay, waxaana lagu tilmaamaa taariikh tagtay, dhacdooyinka nolosha ee wakhtiga la joogo waa taariikh hadda taagan, kuwa la odorosaayo inay iman doonaan waa taariikh la filaayo, waana mustaqbal.

 

Nolosha uumanaha oo dhan waxa ay ku xidhan tahay aminta, dhacdooyinka nolosha laga helaayo waxa sameeya uumanaha, isaga ayaa sabab toos ah u noqda inay dhacaan, hadana waxa furdaaminta iyo la tacaalka dhacdooyinkaas looga fadhiyaa uumanaha, natiijada ka dhalata sida uu u agaasimo la dhaqanka dhacdooyinka  ayaa noqota taariikh.

 

Da’ walba oo ku nool adduunka waxa ay sameysaa taariikh, waxa ay sabab u noqotaa horumar iyo dib u dhac nolosheeda siyaabo kala duwan u haleela, kuwaas oo hordhiga da’daas go’aamo u baahan inay ku furdaamiso sidii ay uga jawaabi lahayd dhacdooyinka horyaal ee berri u dhigmaaya taariikh ahaan, waxaana hubaal ah in da’daas jawaabo muran badan dhexdeeda ka aloosa ay kaga jawaabaan su’aalahaas, murankaas intiisa badan waxaa sal u ah sababo aan si toos ah ula xidhiidhin xa lraadinta.

 

Taariikh walba xukunkeeda waxa leh da’da aan joogin taariikhdaas, da’daasi waxa go’aanka xukunkaas in badan ka caawiya iyadoo aanay uga kordhayn wax maslaxad ah oo toos ah iyo natiijadii go’aanadaas kala duwan ka soo baxday oo taariikhdaas tagtay ka caawinayso inay si fudud u tilmaami karaan go’aankii ku haboonaa dhacdadaas.

 

Hadaba, maanta waxa ka jira dhulka soomaaliyeed xaaladdo is huwan oo leh deymooyin kala duwan aadna loogu kala tagsan yahay, xaaladahaas waxa abuuray dad soomaaliyeed, ha lagu kala duwanaado sababaha, ujeeddooyinka iyo cidda raadeynta ku leh, waxaase hubaal ah in fulinta iyo jirsiinta nolosha maanta ee waayaha badan ay tahay mid ka dhalatay taariikho la abuuray oo hadana go’aankii lagu aagaasimi lahaana aan si quman loo qaadan.

 

Bulshadu iyada ayaa masuul ka ah waxa ka dhasha falka ay sameyso, haddii ay la timaado fal wanaagsan ama ay dhibaatooyinka nolosha ee ka hor imanaysa ku furfurto tabo iyo xeelado horseedaaya wanaag, waxa hubaal ah in wanaagaas uu iyada dib ugu noqonaayo, haddii ay la timaado fal aan suubanayn ama ay isku maaweeliso inay dariiq aan sax ahayn xal ugu raadiso dhacdooyinka nolosha ee u baahan in si hufan ay u maareyso waxa hubanti ah in qadhaadhka qaloocaasi uu iyada dib ugu noqonaayo.

 

Xaaladdu marka ay sidaas tahay waxa aan is waydiin karnaa ka hor inta aynaan go’aankaa taariikhdan maanta aan joogno aynaan la sugin da’da iman doonto su’aasha ah: waa maxay kaalinta aan kaga jirno bulshooyinka aan wadaagno nolosha adduunka? Waxa aan filayaa in jawaabta su’aashaasi aanay ahayn mid dhib badan ama u baahan garasho qoto dheer, waxa aan jawaabtaas toos uga dheegan karnaa maqaamka la dhigo qof walba oo soomaali sheegta marka uu waddankiisa ka maqan yahay iyo gurigga soomaaliyeed sida uu baylahda ugu yahay cid walba.

 

Maanta waxa jirta taariikh qormaysa oo aan dad badan wax war ah u hayn, waxa ay noqonaysaa dhaxal looga tegi doono bulshooyin iman doona, waxa in badan arrinka noocan ah oo muhiim u ah nolosha qofka iyo bulshadaba lagaga mashquulsan yahay waxyaabo aan miisaan weyn lahayn, taas waxa ku lumaaya hankii sababta u noqon lahaa in si geesinomo iyo xikmad badani ku jirto loogu furdaamin lahaa taariikhda murugada badan ee maalin walba is qoreysa, taasoo mustabalka dhaxalsiin doonta da’da soo socota in aanay yeelan taariikh ay ku faanaan iyo soo jireen ay halbeeg ka dhigtaan.

 

Taariikhdu ma Naxariisato, si aan madmadow ku jirin ayey kuu tilmaameysaa, xukunkeeda adigu ma lihid, waxa kula mid ah qofka aad ku kala tagsan tihiin go’aanka ku saabsan furdaaminta dhacdooyinka taariikhda gelaaya ee markaas idin horyaal, haddii aad laba gebi oo kala fog fuushaan oo mid walba qumanihiisu qoorta u sudhnaado waxa iman doonta maalin idin kala saareysa.

 

 

 

qsuureeya@live.com

Comments are closed.