Hargeysa(Geeska)-Qaar ka mid ah ganacsatada Somaliland ee dibadda ka soo dejisa sharaabka la cabo ee qasacadaysan ayaa duleedka bari ee magaalada Hargeysa ku daadiyay sharaab wakhtigiisu dhacay oo aad u tiro badan.
Ganacsatadan ayaa sharaabka ku daadiyay duleedka xabaalaha Naasahablood, iyagoo si dayacan u daadiyay sharaabkaas oo kartoomo ku xidhan, waxaana ku qamaamay carruur tiro badan oo aan fahansanayn dhibaatada uu leeyahay sharaabka wakhtigiisu dhacay oo la cabaa.
Sharaabka oo u badnaa Maango iyo Tufaax, ayaa ay ganacsatadani muddo dheer ku hayeen bakhaaradooda, waxaanay toddobaadkan ku daadiyeen goobahaas oo ay lug ku gaadhi karaan carruur yar yar, kuwaas oo shalay la arkayay iyagoo isu tilmaamaya oo ay kolba kooxi ka soo guranayso deegaanadaas.
Dad badan oo soo arkay sharaabkaas ay ganacsatadu sida xilkas la’aanta ah u daadiyeen, ayaa la yaabay axmaqnimada ganacsatada Somaliland.
Sharciyan, waxyaabaha dhaca ee quutal daruuriga ah, waa inaan lagu qubin deegaan ay dadku gaadhayaan balse la gubaa si aanay u isticmaalin oo aanay dabadeed ugu waxyeeloobin dad kala duwani.
Geesta kale, ganacsatadan ayaa lala yaabanyahay sababta ay intii aanu sharaabku dhicin ugu qaybin waayeen dadka reer Somaliland ee ay abaaruhu ku habsadeen, kuwaas oo aad ugu baahan caawimo quutal daruuriga ah.
Ganacsatada reer Somaliland ee soo dejiya quutal daruuriga iyo daawooyinka qaarkood ayaa muddooyinkan dambe waxa ay bulshadu iska weydiinaysaa su’aalo ku saabsan tayada waxyaabaha ay wadanka keenaan, waxaana dhawaan saxaafadda lagu soo bandhigay daawo lagu iibinayo suuqyada oo lagu qoray inay soo baxday sannadka 2016, iyadoo markaas lagu jiray badhtamihii 2015.