Hargeysa(Geeska)-Qaar ka mid ah aqoonyahanka dalka ayaa aragtidooda ka dhiibtay is qiimayntii ay dhawaan Madaxtooyada Somaliland ku sheegtay in fuliyeen 70% ka mid ah balanqaadkii uu xisbiga KULMIYE ku galay ololihii doorashada Madaxtooyada.
Is qiimayntan oo ay madaxtooyadu war-murtiyeed ku cadaysay ka dib saddex maalmood oo uu shir golaha xukuumadda uga socday xarunta Madaxtooyada oo uu Madaxweynuhu guddoominayay, ayaa waxa ka soo noqotay dood ka dhalatay 70%-ka ay xukuumadu sheegtay inay fulisay balan qaadkeedii. Haddaba Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu qaar ka mid ah aqoonyahanka dalka weydiiyay inay aaminsanyihiin inay xukuumaddu fulisay 70% ka mid ah balanqaadkeedii.
Ugu horayn Prof. Cabdixakiim Yuusuf Khayre oo ah aqoonyahan reer Somaliland ah oo si weyn ula socda xaaladaha siyaasadeed, dhaqaale iyo bulshaba ee Somaliland, oo uu Geeska Afrika su’aashan weydiiyay ayaa sheegtay inay xukuumadu mudadii ay xilka haysay qabatay waxyaabo la taaban karo sida bedelaadda lacagtii giimbaarta ee ka shaqayn jirtay gobalka Togdheer, balse aan la odhan Karin 70% ayay fulisay marka la eego buuggii balan qaadka KULMIYE. Isagoo ka hadlaya is qiimaynta xukuumadda, wuxuu Prof. Cabdixakiim yidhi, “Qiimayn khasaartay.”, waxaanu intaas raaciyay, “Waa arday imtixaan isku saxday oo kale, waayo xukuumaddu isma qiimayn karto ee waa shacabka cidda wax qiimayn kartaa, waxaanay iila muuqataa xukuumad ka cabsanaysa aragti madaxbanaan.”
Cali Maxamuud Nuur, waa aqoonyahan reer Somaliland ah oo degen dalka Norway, waxaanu si weyn ula socdaa xaaladaha kala duwan ee dalka, waxaanu isagoo ka jawaabaya su’aasha uu Geeska Afrika ka weydiiyay uu waxba kama jiraan ka soo qaaday inay xukuumadu fulisay 70% ka mid ah balan qaadkeedii. “Dad faro badan oo iga horreeyay ayaa iyagu diiradda saaray inay qodob-qodob u axadhaan been abuurkii qarnigan ugu weynaa ee qaatay recordka faanka ka dib markii ay xukuumaddu ku doodday inay 30% wax ka yari uga hadhsan yihiin badhaadhihii ay ummaddan dhibaataysan ugu baaqeen oo malaha la odhon karo shakhsiyaad baa u muuqda ay noloshooda wax ka beddeleen oo iyagu liibaan gaar ah helay halka ummad weyntu ay nolo ahaan halkii hore meel ka sii liidata ka joogaan.” Ayuu yidhi Cali, waxaanu intaas raaciyay inay xaaladuhu ka liitaan halkii ay wakhtiyadii hore taagnaayeen. “Marka ilaahay laga cabsado laba mashruuc ayaa dawladdan loo tiriyaa marka laga tago kuwa aan mucaawinada ahayn oo diiradda la saaro waxay iyagu karti ku keeneen. In dugsiyada lacag laàan ay ka dhigeen iyo in ay idaacad soo iibiyeen.”, waxaanu intaas raaciyay naqdi uu u tiriyay labadan mashruuc.
Isagoo ka hadlaya dhisamayaasha wadanka laga dhiso iyo kaalinta ay dawladu ku leedahay wuxuu Cali “Dawladdu haddiiba aanay dhisin kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka oo iyada la rabo inay u guntato dee dhismayaasha quruxda badan ee weligood la dhisayay uma noqon karaan waxay ku faanto.”
Cali, wuxuu ku yidhi qoraalkiisa oo dhammaystiran, “Aniga oo ka jawaab celinaya codsi iiga yimid warbaahinta Geeska Afrika oo ku aaddan in aan fikrad dhiibto fadhi dhowaan ay yeesheen golaha wasaaradaha ee Somaliland oo lagu sheegay inuu ahaa qiimayn wixii u qabsoomay iyo waxaan qabsoomin ee ka qabyada ah, islamar ahaanta lagu soo gunaadaday shir madaxtooyada uga socday muddo saddex cisho ah war murtiyeed odhonaya in boqolkiiba 70% ay xukuumaddu ku guulaysatay wax lagu sheegay bernaamijkii xibiga iyo ballanqaadkii doorashada horteed oo haatan laga joogo wax ku sii dhow laba sannadood iyo badh ayaan jeclaystay inaan hal iyo laba ka idhaahdo weydiintan oo ah mid sida qaalibka ah fajicso weyn ku ridday ummadda.
Dad faro badan oo iga horreeyay ayaa iyagu diiradda saaray inay qodob-qodob u axadhaan been abuurkii qarnigan ugu weynaa ee qaatay recordka faanka ka dib markii ay xukuumaddu ku doodday inay 30% wax ka yari uga hadhsan yihiin badhaadhihii ay ummaddan dhibaataysan ugu baaqeen oo malaha la odhon karo shakhsiyaad baa u muuqda ay noloshooda wax ka beddeleen oo iyagu liibaan gaar ah helay halka ummadweyntu ay nolo ahaan halkii hore meel ka sii liidata ka joogaan.
Maadama taa la iiga horreeyay waxan ka eegi doona dhan kale oo aan aan dhigi doono qaab fudud oo cid waliba ay sahlan u fahmi karto farriinta ay xambaarsantahay. Marka shacbigu u doorto madaxddiisa waxay ka sugayaan abaalmarin taasoo ah in NOLOSHOODA ay wax iska beddelaan dhinac walba ama ugu yaraan ay dareemaan in loo dhaqaaqay jihadii saxda ahayd.
Innaga oo meel iska dhigayna mala awaalka bal wax yar aynu indhaha ku biniininno wax qabadka la sheegay . Inta aynaan taa gudo gelin waxan jeclaystay inaan idin xusuusiyo in dalkani u soo maray heerar kala duwan oo hoorukiciisuna ahaa mid aan kala go`in ilaa sannadkii u xoroobay iyo intii u isbeddel soo marayba oo mar walba aynu ogeyn in wax u kordhayeen. Xukuumaddani waxay u timi isagoo jooga halkii ugu wanaagsanayd iyadoo u ahaa dal haykalha dawladnimo u badi si wanaagsan ugu dhisnaa, ilaa maanta dhismaha qaranku waa qabyo oo waxa jira hayado badan oo magac u yaal iyo qaar aan laba yagleelin intaba oo weli inoo dhiman.
Ka dib guushii doorashada ee Kulmiye ayaa ahayd mid ku soo hagaagtay xilli ay beesha caalamku doorashada ka hor innagu tirtirrsiday haddii aynu karti u yeelanno inay qabsoonto doorasho XOR IYO XALAAL AHI ay markaa taasu inoo saamaxi doonta in MUCAAWINOOYINKA ay bixiyaan dawladaha daneeya dalkeenna looga helo gargaarka si toos ah ama habka BILATERAL ah iyadoo ay taana fadligeeda lahaayeen kuwii iyaga ka horreeyay ee suurta geliyay in himiladaa laga dhabeeyo.
xukuumaddan oo heshay fursaddaa qaaliga ah, lagana warqabo in xittaa ay la kulantay mashruuca caalamiga ee MILLENIUM GOAL ama la dagaallanka faqriga ee dunida oo ay UNtu daadahynayso kuna jirno inta laga hirgelinayo, waxay la kowsatay bilowga mashaariic kale oo iyaguna ku aaddan horumarinta dhallinyarada oo shaqo abuur ku jiro oo jihooyin badan ka imanaya sida mashruuca 5 sannadood ee Britain ay waddo iyo qaar kaloo ay wadaan Denmark, Norway, EU UN iwm.
Waxay la kowsataynernaamij kale oo dhallinyarda ku wajahan isna sida ka hor tagga tahriibka, budhcad badeedda iyo xagjirnimada oo iyana loogu talo galay qorshayaal caalami ah oo shirarkooda aynu si caalami ah uga galno wixii la inoooga baahnaa ee xabsiyo iyo iskaashiga mandqaddana la iinagu daray.
Waxa kaloo jirey taakulooyin badan oo ay bixiyeen dalal ay Kuwait ka mid tahay sida dhismayaasha madaarada iwm. Anoo si wadi kara intan iyo ka sii badan oo ah wax la isla qaafaqsan yahay ayaan isleeyahay malaha tusaale innoogu filan iyo inaan fikir ka qaadanno marxxaladda lagu jirey iyo wixii laga filanayay xukuumaddan ee ay ku fashilantay oo aan weli u soo socdo.
Sideedaba maxaa dawlad loo samystaa? Marka laga tago waxa loo yaqaanno in la helo "law and order" ee kala dambayni ay timaaddo waxa laga rabaa inay joogtayso nabadda, SIYAADADA QARANNIMO ama National Soveriegnty oo ay haydaha amniga xoojiso, samynta iyo hirgelinta shuruucda. Intaa wixii ka dambeeya waa diyaarinta adeegyada guud ee asaasiga ah ka dibna jaangooyooyinka dhaqaale, waxbarasho, caafimaad iwm.
Dawladdu iyadaa leh dhulka oo laga rabaa inay sahmiso meelaha ku habboon dhuldaaqsimeedyada, biyo soo saarka, dhul beereeka,jidadka waawayn, biriijyada, garoomada, dekkedaha, cusbitaalada, dugsiyada iwm. Waxa ku waajib ah dejinta iyo dhaqan gelinta siyaadda dalka ee tamarta, deegaanka, dhaqanka iyo diinta, iyo isgaadhsiinta, iyo qaar kaloo badan oo ay kow ka tahay siyaasadda guud ee dhaqaalaha dalku iyo in kaloo ka sii badan oo kulligood ah mattano isku wada ladhan oo aan miduna mid ka maarmi karin.
marka ilaahay laga cabsado laba mashruuc ayaa dawladdan loo tiriyaa marka laga tago kuwa aan mucaawinada ahayn oo diiradda la saaro waxay iyagu karti ku keeneen. In dusiyada lacag laàan ay ka dhigeen iyo in ay idaacad soo iibiyeen. Labadan mashruuc haddii aynu naqdino kan wax barashada waxa laga dhaxlay in tayadii tacliintu ay xumaatay waxaana la odhon karaa fashil baa ka raacay .
Bil wax ka yar uun bay ahayd markii la shaaciyay natiijadii imtixaanaadka ee dugsiyada dalka oo aynu daawnaynay in dhammaan ardaydii ku guulastay 10 kaalmood ee ugu sarreeyaa ay KUULIGOOD ahaayeen arday aan wax ka baran dugsiyada dawladda oo iyaga sawirkaa laga dhex waayay xattaa ilaa 20 ka u horreeya weli waxa ku sii tartamayay oo nasiib u helay shcoolada privateka ah, taasu waxay markhaati ma doon u tahay FASHILKA xukuumaddan ka soo wajahay siyaasaddii wax barashada ee weli ay indho adayg dartii dadka ka dhaadhicinayso in guuldarradaasi ay itada guul u tahay. Tan idaacadda waxaynu la soconna in la rakibay balse aan weli si rasmi ah loo furin marka laga tago tijaabo meelo dhowr ah laga maqlay, waxaana la sameeyay isku dayyo dhowr ah oo ahaa in xilli loo muddeeyay furitaankeeda balse ay iyana ilaa haatan yihiin mid la mid ah mashruucii faanoole.
Dawladdu haddiiba aanay dhisin kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka oo iyada la rabo inay u guntato dee dhismayaasha quruxda badan ee weligood la dhisayay uma noqon karaan waxay ku faanto oo waa ognahay in laàantood Coca Cola iyo McDonalds ay iman karaan goor ay yimaaddaanba.
Hargeisa oo caasimaddii ah marka laga tago guddaafadda tuulan madaxtiooyada agteeda ee aynu ognahay cudurrda laga digay inay magaalada ka dillaacaan ee halista ah oo ay wax ka qaban waayeen sannadaha, marka laga tago in biyo laàani ay ka jirto caasimadda oo harraad loo dhammaaday, marka laga tago in xadhkaha korontadu ay halis weyn ku hayaan dadka siiba xilliyada roobabka iyo dabaylaha oo ay bilicda magaaladana dileen, marka laga tago in taariikhda markii ugu horraysay ay Hargeysa yeelatay dad caydhoobay oo magaalada hareereheeda ku barakacay oo aan waxba loo qaban, marka aynu aragno baahidu sii laba lexaadsatay oo baankii qaranku dejin kari waayay siyaasad u isugu miisaamo sarrifka, dakhliga dadweynaha iyo sicirka oo maceeshaddii ay noqotay mid aan la iibsan karin siiba dan yarta, markaynu aragnay daryeel laàanta ubadka xabagga cabba ee gidaar walba jooga, rag iyo haween waalan, agoomo iyo dabaqadda hoose oo xaalkoodu meel daran marayo, markaynu ognahay in musuqmaasuqa, eexda iyo qaraabo kiilku ay gaadheen halkii abid SARRAYSAY ee aargoosiga iyo cabudhintuna gaadheen ay adduunyadu ku cambaarayso, marka ay shaqo laàantu noqotay mid faraha ka sii baxda ee UNtu sheegtay inu sida fulkaanaha markale u qarxay tahriibkii, marka aynu aragno dayaca ka muuqda magaalooyinka bilaa waddooyinka ah.
Marka aynu ka war haynno in rajadii la qabay ay mudgi gashay dhan walba ee haweenka iyo beelaha la hayb sooco kootadii la isku riixriixayo, marka aynu ognahay xukuumad aan iyadiiba saldhigan oo aad ka marag kacaysaan in kart darro awgeed ay yartahay wasaarad aan tiraba ama shan wasiir aan laga eryin, sidoo kalena ay la qabaan dhammaan hayàdaha kale ee xukuumaddu sida agaasimayaasha wasaaradaha, mareeyayaal iyo dhammaan hayàdaha nabad gellyada sida ABBAANDUULLAHA CIIDANKA QARANKA 4 BEDDELAADOOD, TALIYAHA POLICEKA 3, TALIYAHA CIIDANKA SIRDOONKA 4 JEER iyo badi badhasaabada dalka oo meeshuba ay iska tahay in dhowr biloodba u midina yimaaddo mid kalena ka tago taasoo ah wax ay dawladuhu ka xishoodaan oo ay isla dhammaystaan golaheeda wasaarada ee hawshaa wada bilaaba isku mar, balse waxad ku qoslaysaa markay u qiil samaynayaan ayay yidhaahdaan XILKU WAA MEERTO AMA WAA SUNNAHA DAWLADNIMO weedhahaas oo ah kuwo aad u rakhiis ah oo weliba ceeb ku ah iyaga. xaqiiqada lagu qarinayaana waa iyaga oo wada shaqyn kari waayay uun waayo hadday wada shaqynayaan way wada joogi lahaayeen, tilmaantaasi aan bixiyay oo ah mid caqli kasta oo fayoobi u fahmi karo.
Siyaasadda arrimaha debedda ayaa iyana ah mid jaan gawracan oo bilaa majare ah waayo habarta indhaha la`ayaan yeesheen waxay yeeleen. Iyagoo u eeg kuwo isleh wax sidii hore duwn yeela oo sheegay inay container lagu riday ayay maanta god madow ku hubsadeen. Waxa yaab kuugu filan in qalin loo dhiibay si ay u saxeexaan qorshe ay sooo diyaarisay beesha caalamku oo ka koobnaa qodobbo dhowr ah balse laba kuwaa ka mid ayaa ahaa 1. In Somalia ay ka baxdo kumeel gaadhka una gudubto dawlad rasmi ah. 2. In odaayaasha somaliyeed ay ansixiyaan qabyo qoraalkii dalkaa si u noqdo distoor. Markay sidaa saxeexayaan way ka wr hayaan in distoorkaasu u yahay mid sheeganaya dhuloka iyo dadka Somaliland taasoo xattaa aanu jaahil kastaa qalinka ku duugeen.
Haddii qofka ka tirsan dawladda Somalia ee aynu ognahay in min MP ilaaxukuumad ay kittaab Quraan ah yamiinka ku wada mareen una dhaarteen midnimada Ex-Somalia ay awal hore ka mamnuuc ahaayeen kuwaasi inay dalkeenna yimaaddaan sida caalamka kaleba u yeelo maanta wasiirka debeddu Yusuuf Garaad oo xildhibaan u ah kuwaa kana mid ahaa musharrxiintii madaxweynaha dalkaasi inu Dr. dheereeye Hargeisa gudaheeda hudheel ku casuumo islana sawiro iyo in Duur u si badheedh ah u yidhaa lug baannu ku lahayn doorashadii Xamar sow iyaba la yaabka xukuumaddan maaha ee caqligii ummadda carruuraysay.
Ilaa sahan dambe haddii la yidhaa xaqa ku addin dee hadal ma dhammaado laakiin waxan ku soo afmeeri lahaa wax qabad bal ha u joogee mee kaad doorateen, ma waxa ku qanacsan tihiin in labadii bilood aad mar muuqiisa TVga ka aragtaan, isagoo intaana boqolkiiba 70 ay dhoof ama soo degid tahay ee aan dhaqdhaqqaba laga hayn sidu hawl gabay? ma waxa qanacsan tihiin ninka South Sudan oo madax badani joogtay lana fadhiisiiyay meel dedan oo hadh leh halka Ismail Omer Gheelle laga fadhiisyay bacadka garan waayay lagu soo dhweeye sii yara joog oo la hadal madaxda dunida ee noqday kii ugu hor dhoofay xafladda ka dib. Ma madaxweynaha sidii Siad Barre idinku maaweelo ereyga af talyaaniga ah ee digreeto ayaan soo saaray eris iyo magaacaabis xattaa jagooyinka u hooseeya ee sidii kelitaliskii u dhaqma, ma ninka aan lahayn goàan qaadashada ee sidii baarlamaanada guddiyada iyagu saara hawlahooda sir kasta oo qaran qaar suuqa jooga u igmada ee yidhaa guddi baan u saaray wax kastaba ayaa raba inu weli idinku maaweeliyo heestan shimbarayahow heesa ee guulwadayaashiisuna ay ka daba jiibayaan. Waar dalku faan madhan oo maalayacni ah uma baahnee ama dadkan aad kala dirtay ee qolo qolo aad dibugu celisay caddaalad ku dhaq ama kursiga la iskama caashaqo uune istiqaalad dhiib.”
Prof. Cabdisalaam Yaasiin oo isna ah aqoonyahan iyo siyaasi, ayaa Geeska Afrika u sheegay aragtidiisa ku waajahan is qiimaynta xukuumadda, waxaanu yidhi “Xukuumaddu saddex casho ayay intay meel isku xidheen yidhaahdeen waan is qiimaynaynaa, balse laba-sannadood iyo badh ayay marayeen waxaanay ahayd inay maalin walba is qiimeeyaan, maaha in laba sanadood iyo badh kadib intay meel fadhiistaan yidhaadaan waanu isqiimaynaynaa, haddii ay fadhiisteen oo ay isqiimeeyeen oo ay yidhaadeen 70% ayaanu qabanay waa arin kale oo yaab leh, waayo dalka ninka ku dhex nool ee jooga sideena waa uu arkayaa inta la-qabtay, waxay qabteena haddii boqolay laga dhigo 10% inay ka yaraadaan mooyaane kamaba badan karto, maxaa yeelay waaba la tirin karaa.”
Isago sii wata wuxuu yidhi “Wadanka horumarkiisii wax ka muuqdaana ma jiraan, waxa ugu horeeya oo ay ahayd in wax laga qabtaana waxa weeye dugsiyada, cisbitaalada, wadooyinka iyo waxaas oo dhan wax hore u jiray oo dawladii hore keeneen sida madaarkan Hargaysa ee la samaynaayo oo kale mooyaane, wax ay iyagu qabteen oo horumar ah ma jiraan.”
Wuxuu hadalkiisa ku soo gunaanaday, “Carabtaa ku maahmaahda haddii aad sababta hesho layaabku waa uu kaa ba’aa, markaas layaabku waxa uu inagaga ba’ay markeedii horeba xukuumad aan waxba qabanayn ayay ahayd, waxaana laga filaayay inay runta u badheedhaan oo ay yidhaahdaan waxba maynaan qabane aynu dadaalno, laakiin haddii ay 70% sheegteen waxay noqonaysaa inay daboolayeen wax qabad la’aantoodii.”
Comments are closed.