Putin Oo Internetka Ku Tilmaamay Xero Ay CIAda Maraykanku Iska Leedahay

0
612

Picture1Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa Internetka ku tilmaamay mashruuc hay’adda sirdoonka ee Maraykanka CIA ay leedahay, waxaana uu dadka Ruushanka uga digey in ay isticmalaan mashiinka baadhitaanka ee Google.

Khudbad uu u jeedinaayey Saxaafaadda ayuu ka sheegey in Internetku u noqdey meel ay ilaashato CIA, wax kasta oo Google aad ka baadhidna uu yahay mid u keydsan iyaga, taas beddelkiisana ay isticmalaan Yandex.

Putin ayaa tilmaamey in ay fududahay in la fahmo barta ugu caansan Ruushka ee Internetka wax looga baro ee loo yaqaan Yandex. Inkasta oo uu ku dhaleeceeyey in ay iska diiwaan geliyeen dalal dibadda ah si ay uga baxsadaan canshuur. Yandex ayaa inta badan dalka Ruushka laga istimaalaa waxaana la sheegaa in uu Googlr ka horeeyo marka Ruushka gudihiisa la joogo.

Hadaalka Putin ayaa imaanaya iyada oo dhawaan Baarlamaanka Ruushku meelmariyey shirkadaha iska leh Websiteyada xidhiidhiya bulshadu  Bukshadu in Serveradooda ay u soo waeejiyaan Ruushka isla markaana macluumaadka dadka Ruushka aan lagu keydin karin meel ka baxsan Ruushka.

Madaxweynaha Ruushka Putin ayaa hore u ahaan jirey basaasu shaqeyn jirey hay’addii sirdoonka ee Midowga Sofiyeeyti KGB, waxaana uu ka hawlgeli jirey Jarmalkii Bari.