Puntland Oo Sheegtay Inay Qorshanayso Inay Qabsato Laascaanood, Shalayna Soo Bandhigtay Ciidamo Iyo Gaadiid Dagaal

0
550

Garoowe (Geeska) – Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland, ayaa sheegay inay wadaan Qorshe ay ku doonayaan inay ku soo weerarraan Caasimadaha Gobollada Sool iyo Sanaag, iyagoo aaminsan inay qabsadan karaan.

Puntland oo sheegata Mulkiyadda dhuleed ee Sool, Sanaag iyo Buuhoodle, ayaa Wasiirkeeda Arrimaha gudaha Maxamed Cabdiraxmaan Dhaban-cad wuxuu sheegay inay wadaan qorshe ay ku doonayaan inay dib gacantooda u gasho Magaalada Laascaanood oo Somaliland xoog kaga saartay sannadkii 2007-dii, halka buu yidhi la wado Qorshe ku aaddan Magaalada Ceerigaabo.

Wasiir Dhaban-cad, ayaa sheegay in inta badan Dhulka Gobolka Sanaag uu ku jiro Gacanta Puntland, Magaalada Ceerigaabo ay wadaan qorshihii ay gacantooda ku soo geli lahayd  “Gobolka Sanaag si dhamaystir ayuu ugu jiraa Gacanta Puntland, marka laga reebo Degmada Ceerigaabo, Ceerigaanaba hawsheedu way socotaa oo way dhamaanaysaa.” Ayuu yidhi, Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland oo ka hadlayey bar-kulanka loo yaqaano Clubhouse, waxaanu intaa ku daray in sidoo kale Puntland waddo qorshe ay ku doonayso inay ku qabsato Laascaanood “Sidoo kale, Laascaanood iyadoon hawl badan laga marin ayay dhamaanaysaa oo way socotaa…”

Wasiirku ma faahfaahin siday ku suurto-gelayso arrintaasi, laakiin Maamul-goboleedka Puntland, ayaa isla Shalay Magaalada Gaalkacayo ee Xarunta Gobolka Mudug ku soo bandhigtay Gaadiid dagaal, Taangiyo iyo Ciidamo, arrintaasi oo abuuraysa shaki kale oo la xidhiidha suurto-gelnimada damaca Puntland, wallow Somaliland heegan ugu jirto difaaca dhulkeeda Sool, Sanaag iyo Buuhoodle.

 

Geeska.net/Hargeisa Office