Prof. Samater Oo Sheegay in Hoggaanka Kulmiye Ay Ku Heshiiyeen Wada Yeelashada Xisbiga Iyo In Haddii Uu Guulaysto La Dhiso Xukuumad Ay Wadaagaan

0
841

Hargeysa(Geeska):-Proff Axmed Ismaaciil Samatar ayaa ka hadlay sababaha keenay inuu xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye ku biiro, isla markaana uu ka doorto labada xisbi ee mucaaridka ah oo uu wada iyagana wada hadal kula jiray.

1

Proff Samatar oo la hadlay xafiiska warbaahinta ee xisbiga Kulmiye ayaa sidoo kale ka waramay qodobada ay ku heshiiyeen hogaanka xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye.

Proff Axmed Ismaaciil Samatar oo ka hadlaya sababta uu u doortay inuu ka mid noqdo xisbiga Kulmiye ayaa waxa uu yidhi “Sadexda xisbi inta aan ka bartay waa xisbiyo ay ku jiraan dad maamuus weyn leh oo sharaf weyn leh, madaxdooda iyo dadka caadiga ah ee ku jira, kuwaas oo aanu mudo badan sheekaysanayey, Hargeysa ayaanu ku sheekaysanay, wadanka dibadiisana meelo badan oo Yurub iyo Maraykan ah ayaanu isku waraysanay waxaanan isla falanqaynay taariikhda xisbiyada iyo halka ay ku socdaan, Kulmiye-na waxa gooni ahaan ii keenay dhawr arimood oo ay ugu horayso, waxaan arkay wixii xisbigu qabtay mudadii uu xukunka hayey waanan darsay markaa waxa ii muuqatay inay jiraan wax badan oo la qabtay, dad badan oo karti lihina inay ku jiraan xisbiga kuwaas oo doonaya in dedaal cusub la galo, markaa wixii wadanka laga qabtay ee dawlada imika joogta ee Axmed Siilaanyo madaxda ka yahay wax badan oo ay qabatay in kayd ahaan loo qaato oo laga dhigto jalkii lagu safrayey, waddooyin ha noqoto, cusbitaalo la hagaajiyey ha noqoto iyo dekedaa weyn ee Berbera oo imika gacanta lagu dhigay oo noqon doonta meel weyn oo la tartanta aduunyada geeska Afrika ku nool  iyo khaliijka iyo fursado badan oo banaan oo wax cusub lagu soo kordhin karo oo ay noqon doonto meel laga qaban karo, dadkii xisbiga madaxda ka ahaana aanu aad u sheekaysanay, waxaan gartay inay halkani tahay meel aan fadhiisan karo oo aan kaga qayb gali karo mustaqbalka Somaliland.”

Sidoo kale Proff Axmed Ismaaciil Samatar  oo dhinaca kale ka hadlaya qodobada ay ku heshiiyeen hogaanka xisbiga Kulmiye ayaa waxa uu yidhi

“Shayga ugu horeeya ee aanu ku heshiinay waxa weeyaan inaan xisbiga soo galo oo aan intii taagtayda ah ku soo biiriyo maskax iyo maal inuu xisbiga guulaysato, waxa kale oo aanu ku heshiinay wada yeelashada xisbiga, wada yeelashada wadanka iyo inaanu wadaagno wada yeelashada dawlada la dhisayo marka la guulaysto, halka laga dhaqaaqayaana ay noqoto waxa u danta ah somaliland ee aan ahayn wax uu reer wato ama koox yar oo gooni ahi wadato ee dhismaha wadanka somaliland ayaanu ku heshiinay, waxa kale oo aanu ku heshiinay wada jirka somaliland in la sii adkeeyo oo xoog cusub iyo dedaal la galiyo, waxaanu ku heshiinay in cadaalad iyo karti ay noqoto waxa lagu garto xisbiga Kulmiye ololihiisa iyo dawlada soo socota ee uu dhisi doono marka uu xisbigu guulaysto.”

Dhinaca kale Proff: Axmed Samatar ayaa ka hadlay shakhsiyada gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi waxaanu yidhi “ waxa iskugu kaaya danbaysay markii aanu Camuud ku jirnay oo isku wakhti ayaanu ahayn da’ ahaan iyo khibrad ahaan laakiin isaguna wado ayuu maray aniguna mid kale ayaan maray markii la waynaaday waana kii milatariga galay  ee sarkaalka ciidamada  noqday aniguna waanigii idaacadaha galay markii danbana jaamacadaha Professor ka noqday markaa mudo 40 sano ku dhaw aad umaanaan sheekaysan, imika ayey maqaadiirtu isku kaaya keentay waanu is guda galnay aad ayaanu u wada sheekaysanay labadayada oo qudha saacado badan, waxaan arkay oo I deeqday durba Muuse inuu yahay qof in badan ka duwan sida loo haysto, waxa loo haystaa qof is qaad qaad badan oo qab badan, waana laga yaabaa in sida uu u socda iyo qaabka ilaahay u abuuray in sidaa dadka qaarkii u garanayaan laakiin marka aad sheekaysataan ee aad wada hadashaan waa nin aad u dagan, waa qofka ugu horeeya ee siyaasa ee reer somaliland ah ee wakhtigan jooga oo aan la sheekaystay ee ku odhanaya aniga waxaas garan maayee dadkii yaqaanay hala doono waxaanay ku tusaysaa sida uu qofku u bisil yahay wakhtiga uu jooga, waxaan ku arkay Muuse Biixi inuu yahay qof kaftanka yaqaana oo aad wax badan ku dhamaysan kartaan, waxaan ku arkay inuu Muuse Biixi yahay qof aan siyaasada u soo galayn inuu wadanka liqo oo uu urursado kana damqada musuq maasuqa, waxaan ku arkay inuu yahay qof garanaya oo ay damqayso gaajada iyo shaqo la,aanta haysata inta badan dadka somaliland, waxaan arkay inuu yahay qof haddii aad talo meel isla dhigtaan oo aad isla fahantaan qawlkiisu miisaan leeyahay aan bari kuula imanayn wax kale oo dhan kale u jeeda.”