Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar Oo Qiray In La Xasuuqay Dadkii Lafahooda Laga Helay Waqooyiga Hargeysa

0
608

Picture4Hargeysa(Geeska)-Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar, ayaa ka markhaati kacay in lafaha dadka gaadhaya 42 qof ee laga helay deegaanka waqooyiga Hargeysa ay yihiin dad ay dawladii Maxamed Siyaad Barre xasuuqday dabayaaqadii sideetamaadkii.

Prof. Samatar oo u waramay laanta Afka Somaliga ee BBC, ayaa mar la weydiiyay qalfoolka la helay iyo siduu u arko wuxuu yidhi, “Horta in meesha xasuuq ka dhacay oo dad badan la gumaaday la isma weydiin karo oo waa la ogyahay oo dad aan garanayo ayaa ku dhintay oo ay dawladii hore xasuuqday. Dadka dhintay ee la helay haddii xurmadii maydka la siiyay waa Alle mahadii. Haddii arrintan la doonayo inay taariikhda si quman u gasho in loo yeedho dad khubaro ah si loo ogaado ma rasaas ayaa lala dhacay iyadoo jiifa ma qoortaa laga gooyay waana la ogaan karaa oo waa la faqay imikana la fiqi karaa.”

Prof. Samatar wuxuu sheegay in dadkan la xasuqay ahaayeen dumar iyo carruur, waxaanu ku taliyay in baadhis lagu sameeyo oo la hubiyo sida loo dilay iyo sida loo aasay si taariikhda loo geliyo oo aanay dib u dhicin. “Kuwii jariimadaas gaystayna maalinta qiyaamaha ayay hortaalaa maxkamada ugu weyni.” Ayuu yidhi.