Prof. Axmed Ismaaciil Samatar Oo Ka Hadlay Arrimaha Tahriibka Iyo Sida Ay Somaliland Ku Xalin Karto

0
527

Picture5Hargeysa(Geeska)-Akhristayaal cadadyadii hore mid ka mid ah, waxaanu idiinku soo gudbinay waraysi aanu la leeyahay Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, oo ku sugan wadanka Maraykanka, kaas oo uu kaga hadlay arrimaha siyaasadda. Maanta, waxaanu idiin soo gudbinaynaa su’aal aanu ka weydiinay arrimaha tahriibka, waxaanu isagoo ka hadlaya tahriibka iyo dhallinyarada uu Prof. Samatar yidhi, “Dhalinyaradu haddii aanay shaqooyin haysan, oo aanay mustaqbal wanaagsan arkayn, waxa ay ku kelifaysa Tahriib,Tahriibkana waxa la igu sheegay Gabiley, oo Haweenka Gabiley ayaa ii sheegay dhibaatada Tahriibtu ku hayso Dhalinyaradii, Somaliland oo qudha maaha, meelo badan ayaa laga tahriiba, sida Somaliya, waxa kale oo laga tahriiba Wadamo badan oo Afrika ah iyo meelihii Dhalinyaradu aanay mustaqbal ku arkaynin, ee shaqo la’aantu ay aad iyo aad u balaadhan tahay, qofku waxa uu u baahan yahay inuu ku noolado nolol wanaagsan ama inuu arkaayo mustaqbal wanaagsan oo soo socda, oo markaas loo baahan yahay inuu shaqadeeda galo, laakiin haddii aan waxba gacanta lagu hayn, mustaqbalkuna uu aad iyo aad u xun yahay, gaar ahaan xaga shaqada, markaas waa laga ordayaa,oo nolol ayaa loo raadsanayaa meel kale, markaas waa  arin aad looga xumaado.  Prof:Axmed Ismaaciil Samatar mar uu ka hadlaayey sida lagaga hortagi karo tahriibka, ayaa yidhi “Anigu waxa aan ku gubaabiyaa dadkeena reer Somaliland iyo Madaxdeeda, hawlaha ina hortaagani waxa weeyaan in laga fikiro sidii loo balaadhin lahaa Dhaqaalaha, ee badhaadhe loo keenayo, ee Dhalinyarada ka soo baxday Dugsiyada iyo Jaamacadaha ay u arkayaan, in mustaqbalkoodu yaalo Somaliland, waana in arintaas aad loo wado, oo lagu hamiyo xaga Dawladda iyo xaga Baayac-mushtarkaba waa lagama maarmaan, taas ayaa lagu joojin karaa arintaas dibada lagu ordaayo, ee Dadku Badda isku gurayaan, inagiina khasaare ayey inoo tahay oo Dhalinyaradeenii ayaa tahriibaysa, markaas hawlaha Shaqo abuurku waa arimaha ugu horeeya”.