Odayaal Iyo Waxgarad Reer Hargeysa Ah Oo Madaxweynaha Ugu Baaqay Dib U Dhiga Shirka KULMIYE

0
582

Picture2Hargeysa(Geeska)-Odayaal iyo wax garad kale oo reer Hargeysa ah kana soo jeeda waqooyiga iyo galbeedka hargeysa ayaa Madaxweyne Siilaanyo ugu baaqay inuu dib u dhigo shirka KULMIYE ee qorshaysan inuu furmo Salaasada toddobaadkan.

Odayaashan iyo wax garadkani waxay sheegeen in shirka oo dib loo dhigaa ay ku jirto danta iyo mustaqabalka xisbiga KULMIYE.

Oday Xasan Habane Gadhweyne oo halkaasi ka hadlay ayaa Yidhi ''Keligii talisku ha dhaco, digtaatooriyadu ha dhacdo cadaalado ha noolaato maanta inakoo askari Siyaad barre soo marnay si wax loo dilo iyo si wax loo canaado mooye wax kale aan aqoon uma baahna Somaliland, waxay ubaahantahay nin udhibriya caruurta agoonta ah iyo umadda isku haya ee nin afka taagaya amar askari mooye wax kale aqoonin somaliland maanta itaal uma haysee, ilaahay haynaga qabto.''

Sidoo kalena Eng Baashe Cabdi Gaboobe oo kamid ahaa asaasayaashi Xisbiga KULMIYE oo isaguna munaasibadan ka hadlay ayaa ku baaqay in si cadaalad iyo hufnaani ku jirto loogu tartamo xisbiga KULMIYE. ''Madaxweynaha ayaynu la hadlayna, Cida kulmiye maanta mindida daabkeeda haysa ee waxna dooranaysa iyo kuwa hanka leh baynu la hadlaynaa, waa in si cadaalad iyo hufnaani ku jirto loo tartamo oo cidii guuleysata loo quudho siday somaliland weligeed ku caana maashay'' ayuu Yidhi Baashe

 Aqooyahan Cabdi maraykan oo isaguna xafladaasi ka hadlay ayaa sheegay inaan jujuub iyo afduub lagu qaban talada Madaxweyne nimo sidoo kalena Mr maraykan wuxu ku baaqay in dib loo dhigo shirka xisbigaasi KULMIYE ''marku qofku usoo badheedho in uu madaxweyne Noqdo oo is sharaxo, jujuub laguma noqdo, anigaa lehda waa wax laga xishoodo waxanuna leenahay ninka caynkaaso ka noqo anigaa dabaakhii ah anigaa karinaya anigaana maqalkii fadhiya, taasi kaa socon mayso madaxweyne Shirka golaha dhexe Dib udhig adigaanu kula hadlaynaa ee''

 Madaxdhaqameed aqoon yahano iyo xubno kale oo tiro badan oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa isku mid ah madaxweyne SIILAANYO ugu baaqay in dib loo dhigo shirka golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE.