Obama Oo Sheegay In Uu Bilaabayo Mashruuc Ballaadhan Oo Lagu Tirtirayo Cudurka Kansarka

0
602

Washington (Geeska)- Madaxweynaha dalka Maraykanka Barak Obama oo ku jira bilihii u dambeeyey ee xukunkiisa siddeedo sano ahaa ayaa salaasadii ina dhaaftay oo uu jeedinayey khudbad sannadeedkii labada gole ee Baarlamanka uu sheegay in uu bilaabi doono dadaal qaran oo cusub oo lagu daweynayo cudurka kansarka. ol’olahaas heerka qaran ahna waxa uu sheegay in uu hoggaamin doono ku xigeenkiisa Joe Bidden.

Sida uu sheegayo war uu Guriga Cad ee Maraykanku faafiyey oo Geeska Afrika turjumay Obama waxa uu khudbaddaas oo ah tii nooceeda ugu dambaysay ee uu jeediyo inta aanu xilka ka deign ku yidhi, “Dadkeennii aynu jeclayn ee dhammaanteen aynu ku weynay cudurka Kansarka dartood iyo qaraabadeenna illaa hadda cudurka qabta ee aynu wax u qaban karno dartood aynu isu kaashanno sidii aynu Maraykanka uga dhigi lahayn dalkii cudurka Kansarka u heli lahaa dawada dabargoysa”

Madaxweyne Obama waxa uu intaas ku daray in uu golaha Kongareeska ee Maraykanka ku cadaadin doono in ay miisaaniyad u sameeyaan la dagaallanka cudurka Duumada ee Afrika ka jira.