Hargeysa (Geeska)- Haddii aad tahay dadka arrimaha dhaqaalaha dhugmada u leh ama sida gaarka ah u dareema kala fogaanshiyaha dhinaca nololeed ama dhaqaale ee aadamaha u dhexeeya, nala xisaabi kharashka ku baxaya safarka uu madaxweynaha dalka Maraykanka Barak Obama oo wata xaaskiisa Michelle iyo labadiisa hablood muddo toddobaad ah ku joogayo saddex dal oo ka mid ah qaaraddeena Afrika, gaar ahaan dalalka ka hooseeya lama degaaanka oo ah qaybta ugu faqiirsan qaaraddeenna.
Sida lagu caddeeyey warbixin ay baahisay shabakadda wararka ee Al-Carabiya, ilbidhiqsi kasta oo ka mid ah socdaalkan ay Obama iyo qoyskiisu ku joogaan Afrika waxaa ku baxaya lacag dhan 133 doolarka Maraykanka ah, daqiiqaddii keliya waxa ay noqonaysaa 8 kun oo doolar, saacaddii waa 480 kun oo doolar, marka maalin kasta la yidhaahdana waxa ay noqonaysaa 11 Milyan iyo 480 kun oo doolar, tirada guud ee kharashka toddobaadkuna waxa ay noqonaysaa 80 Milyan oo doolarka Maraykanka ah.
Kharashkan waxaa xisaabiyey wargeyska Washington Post ee ka soo baxa dalka Maraykanka isla markaana aanu beenin guriga Cad ee dalka Maraykanka looga arrimiyo, iyada oo mar arrintaas wax laga weydiiyey gacan-yaraha la-taliyaha amniga qaranka ee Obama Ben Rods uu ku gaabsaday, “Annagu ma jaan goyno kharashka ku baxaya amniga madaxweynaha. Waaxda ilaalada madaxweynaha ee gaarka ah ayaa qaadda tallaabooyinka ay u aragto in ay lagama maarmaan u tahay sugidda amnigiisa.
Haddaba kharashkan ku baxaya safarka madaxweyne Obama oo noqonaya kii taariikhda dalkaas ugu badnaa ee ku baxa socdaal toddobaad keliya ah oo uu madaxweyne dalkaa soo maray dibadda ugu baxay ayaa xataa ka batay kharashkii buuqa badan ka dhaliyey dalka Maraykanka ee sannadkii 1998kii ku baxay booqasho tan oo kale ah oo uu madaxweynihii hore ee dalkaas Bill Clinton ku yimi isla qaaraddan Afrika, xilligaas oo lacagta ku baxday lagu qiyaasay 42 Milyan iyo 700 oo kun oo doolarka Maraykanka ah.
Sidee loo ilaalinayaa?
Sugidda amniga madaxweyne Obama oo lacagta toddoba maalmood ku baxaysaa ay ka badan tahay miisaaniyaddii lagu maamulo qaramo ka dhisan dunidu, waxaa ka qayb qaadanaya ciidamo, qalabka milateri, qalab tiknoolajiyada iyo kumanaan sirdoonka dharka cad ah, tusaale ahaan saddexda dal ee uu Obama booqanayo intii aanu tegin waxaa diyaaarado lagu sii geeyey 56 baabuurta gaashaaman ah oo uu madaxweynuhu isticmaali doono inta uu joogo, waxaa ka mid ah 15 nooca qaaliga ah ee xaragada ah, waxaana dib u habayn iyo tayeyn lagu sameeyey daaqadaha hudheellada iyo guryaha kala duwan ee ay madaxweyne Obama iyo qoyskiisu degi doonaan inta ay saddexdan dal joogaan. Sida uu ku warramay talefishanka CBS News ee dalka Maraykanku waxaa safarka madaxweyne Obama dartii loo soo dhaqaajiyey Markab Milateri oo ah kuwa diyaaradaha iyo doonyaha dagaalka qaada oo hadba dalka uu Obama saddexdan dal joogo xeebihiisa ku soo dhowaan doona, waxaa kale oo markabkan saaran markab yar oo ah cisbitaal ay u dhamaystiran yihiin dhammaan baahiyaha adeegyada caafimaad ee casriga ah ee daruuriga u ah, si madaxweynaha dhaqso loogula cararo haddiiba ay ta darani dhacdo.
Maxaa laga ilaalinayaa?
Warbixinaha kala duwan ee warbaahinta waaweyn ee dalka Maraykanku ka qorayaan sugidda amniga madaxweyne Barak Obama ee safarkani waxaa kale oo ay sheegayaan in mar kasta oo uu Madaxweyne Obama dibadda uga soo baxayo hoyga uu deggen yahay, gaadhiga uu saaran yahay ama goobta uu kulamada ku leeyahay ay dul haadi doonaan saddex diyaaradaha kuwa qumaatiga u kaca ah oo mid ka mid ahi ay tahay ta madaxweynaha u gaarka ah iyo laba amnigu wato, si uu iyaga ugu badbaado haddiiba ay dhacdo xaalad baabuurta lagu aamini waayo naftiisa, iyada oo la og yahay in baabuurta uu madaxweynuhu watana ay lix ka mid ahi yihiin kuwa sida adag u gaashaaman, gaar ahaan ka isaga loogu talo galay oo iska caabbin kara xataa haddii weerar gantaallo ama hubka kiimikada ah lagu soo qaado. Obama waxaa gaadhiga ugu dhex rakiban qalab is-gaadhsiineed oo uu si toos ah ugula xidhiidhi karo ku-xigeenkiisa iyo hadba masuuliyiinta kale ee qaranka ciddii uu u baahdo, waa isgaadhsiin casriya oo aanay cid kale dhegeysan karin oo xataa aamin u ah in uu ka bixin karo amarrada la xidhiidha furayaasha sirta ah ee qumbula durriyaha dalka Maraykanka. Madaxweyne Obama waxaa safar kasta ku weheliya 30 ey oo si aad u heer sarraysa loo tababaray oo mid kastaa ku hawlan yahay shaqo u gaar ah oo la xidhiidha khataraha ku iman kara madaxweynaha.
Heerka uu gaadhsiisan yahay ka fikirka ilaalada madaxweyne Obama waxaa tusaale inoogu filan safar uu sannadkii 2010ka ku tegey dalka Hindiya, markii khubarada amnigiisu ay sii dejinayeen tallaabooyinka ay qaadayaan, xataa waxa ay xisaabta ku darsadeen in marka uu madaxweynuhu booqanayo Carwada Gandhi ay suurtogal noqon karto midhaha qumbaha ee dhirta carwada ku xeeran ku yaallaa in mid ka mid ahi si aan ku talo gal ahayn inta uu isaga soo go’ uu madaxa kaga soo dhici karo madaxweynaha oo bilaaba hoos maraya, si arrintaas ay xal ugu helaanna waxa ay waraysi gaar ah la yeesheen maamulaha carwadan oo ay weydiiyeen bal haddii ay hore u dhacday in qumbe iska soo dhacay oo uu qof ku dhacay iyo meelaha ugu badan ee uu inta badan ka soo dhaco, taas oo masuuliyiinta dalka Hindiya ku kalliftay in ay booqashada Obama ka hor jaraan tobanaan geed oo ay ka shakiyeen in ay midho ka soo daadan karaan.
In kasta oo wararka dhinaca dhaqaalaha ee maalmihii u dambeeyey ka soo baxaya dunidu ay ku bishaaraynayaan in waxoogaa horumar dhaqaale ahi ka jiro meelo badan oo qaaraddan Afrika ka mid ah, isla markaana ay lix dal oo qaaraddan ahi ka mid noqdeen tobanka dal ee kobocooda dhaqaale ugu xawliga badan yahay, haddana waxaa jira dad badan oo si adag u naqdiyey safarkan madaxweyne Obama oo ay ku tilmaameen dalxiis nin iyo saddex xubnood oo qoyskiisa ahi ay ku kharash garaynayaan lacag wax u tari lahayd 23 Milyan oo carruurta Afrika ah oo la sheegay in ay dugsiyada aroortii tagaan iyaga oo gaajaysan, ama dadka boqolkiiba 47ka ka badan ee Qaaradda Afrika inta lama degaanka ka hoosaysa maalintii ku nool lacag u dhiganta 1.25 doolar oo keliya.
Comments are closed.