Nuxurka Waxyaabaha Ay Ka Wada Hadleen Madaxweyne Biixi Iyo Safiirka Maraykanku

0
1003

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay madaxtooyada ku qaabilay safiirka Maraykanka ee Soomaalida Danjire Donald Yamamoto oo socdaal ku yimid Hargeysa.

Madaxtooyada Somaliland, oo qoraal ka soo saartay kulankaas, ayaa sheegtay inay Madaxweynaha iyo safiirku ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin iskaashiga Somaliland iyo Maraykanka. Madaxtooyadu waxay tidhi  “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wefti uu hoggaaminayo safiirka dalka Maraykanka u qaabilsan dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, Ambassador Donald Y. Yamamoto.

Kulankan uu madaxweynuhu la yeeshay xubnaha weftiga ah ee uu  hoggaaminayo safiirka maraykanku Ambassador Donald Yamamoto, ayaa lagaga wada-hadlay arrimo door ah oo salka ku haya xidhiidhka dalalka Maraykanka iyo Somaliland iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan leh ee labada dal ka dhexeeya.

Arrimaha sida gaarka ah kulankan diiradda loogu saaray, ayaa waxa ugu waaweynaa dardargelinta arrimaha doorashooyinka Jamhuuriyadda Somaliland ka qorshaysan,  sidii ay shirkadaha Maraykanku u maalgashan lahaayeen ugana faa’iidaysan lahaayeen horumarka ay ku talaabsanayso Somaliland, xaaladda gobolka, Amaanka iyo Dimuqraaddiyadda ka hano qaadday Jamhuuriyadda Somaliland.

Safiirka waxa socdaalkiisa ku wehelinaysay madaxa xafiiska ganacsiga iyo dhaqaalaha ee safaaradda Maraykanka, Ms Shella A. Billas iyo madaxa xafiiska hay’adda USAID.

Dhinaca madaxweynaha waxa kulankan ku wehelinayey wasiirrada wasaaradaha Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo horumarinta maaliyadda,  Dr. Sacad Cali Shire, waxana uu kulankaasi kusoo dhammaaday guul.”

Safaaradda Maraykanka ayaa iyaduna dhinaceeda qoraal kooban oo ay ku baahisay twitterka waxay ku tidhi “Safiirka Soomaaliya Donald Yamamoto iyo Madaxweynaha Somaliland ayaa kulmay si ay uga wada hadlaan siyaasadaha gobalka, horumarka iyo kaalmada bini-aadminimo.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here