Hargeysa(Geeska)-Guddigii ay golaha guurtidu dhawaan u saareen inay warbixin golaha uga geeyaan shaqaaqadii biyo yaraanta ahayd ee dhawaan ka dhacday Hargeysa, ayaa shalay warbixintooda golaha horgeeyay.
Shaqaaqadaas oo keentay dhimasho iyo dhaawac waxa ay sababta koowaad ahayd booyadaha biyaha udhaamiya caasimadda oo cabasho ay ka qabaan cashuur lagu kordhiyay u joojiyay shaqadii ay shacabka u hayeen. Guddoomiyaha gudigan xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho-indho) oo warbixinta golaha u akhriyay ayaa waxay warbixinta oo dhammaystirani u dhignayd sidan: “Waxaanu halkan idiinku soo Gudbinaynaa Warbixin la xidhiidha shaqaaqadii iyo Mudaharaadkii la xidhiidhay shaqo joojintii ay ku dhaqaaqeen dhawaan Dirawaliinta Gaadiidka Booyadlaydu ee Magaaladda Hargeysa, taasoo ay ka dhalatay khasaare sahlani balse si dhib yar loo xaliyay loona maareeyay iyo halka imika xaalkeedu marayo.
Anagoo gudanayna Waajibaadkii Qaran ee aad noo xil-saartay inaanu soo baadhno Warbixin sugana Golaha uga keeno waxaanu kulano Xog-waraysi ah la yeelanay Wasiiradda Arrimaha Gudaha, Maaliyadda, Maayarka Caasimadda iyo Maareeyaha Wakaaladda Biyaha, halka sidoo kalana aanu la kulanay Guddi ay leeyihiin Gaadiidka Booyladdu.
Ugu horaynba, Mudanayaal, Masuuliyiinta Xukuumadda ee aanu la kulanay waxay na siiyeen isla markaana noo sheegeen Warbixino Ujeedadoodu iyo sida ay wax u jiraan ay aad iskugu dhow-dhowdahay haddiiba aanay isku mid ahayn.
Xog-waraysiyadii aanu la yeelanay Masuuliyiinta Xukuumadda iyo Guddida Booyadleydu waxay u dhaceen sidan:-
Maareeyaha Wakalaadda:-
Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa oo aanu kulankii ugu horeeyay la yeelanay wuxuu noo sheegay in Gaadiidalayda Booyadaha Biyuhu gebi ahaanba aanay wax Biyo ah ka qaadanin xidhiidhna aanay la lahayn Wakaalada, balse ay ka soo dhaansadaan Deegaanadda Xumbo Wayne, Aw-barkhadle, Dararweyne iyo Arabsiyo, sababta ay Wakaaladda uga dhaansan waayeena ay tahay Istaan Beebka Xarunta Wakaaladda agteeda ku yaal ay tahay in Booyaddo u dhaamiya Xarrumo Daruuri ah oo Qaranka Meeqaam Sare ku lihi inta Biyahaasi socdaan oo qiyaastii gaadhaysa 6-7 saacaddood ay heegan ku yihiin oo isa sugaan waxaana ka mid ah Xarumahaasi Taliska Ciidanka Qaranka, Taliska Ciidanka Booliska, Taliska Ciidanka Asluubta, Cisbitaalka Dhalmada ee Edna, Cisbitaalka Manhal iyo xarrumo kale oo muhiim ah, balse haddiiba ay Gaadiidleyda Booyaduhu fursad ka helaan ay u dhaamiyaan.
Maareeyaha Wakaaladdu wuxuu sheegay in foostada Biyaha ah ay ku iibiyaan 1,900/= halka booyadleydu ay ku iibiyaan 8,000/=.
Waxa kale oo uu sheegay in fursada hadda ugu wanaagsan ee dadweynaha Booyaduhu u dhaamiyaan ay biyo jaban ku heli karaan una wanaagsan Booyadaha ay tahay sidii loo hagaajin lahaa jidka taga Geed-deeble oo 8 Kilomitir oo ka mid ahi uu raf didib ah yahay oo Gaadhiga hal mar maraa aanu mar kale mari karin, sidii loo hagaajin lahaa, kaasoo uga dhow Goobaha kale ee ay ka soo dhaamiyeen Booyaduhu, kharashka shidaal ee kaga baxayaana uu ka yar yahay, lagacata Biyaha ay ka Wakaalad ahaana ay ka jaban tahay kuwa Ceelasha kale ee ay ka soo dhaamiyaan.
Wasiirka Arrimaha Gudaha
Wasiirka Arrimaha Gudaha oo isna kulan xog-waraysi ah kula yeelanay Hoolka Shirarka ee Golaha ayaa noo sheegay inuu la gaadhay heshiis ku meelg-gaadh ah si dhibaatadii u damto, Dadkuna Biyo u helaan, si wakhtina loogu helo oo loo gaadho xal kama dambays ah, Guddi Shan Xubnood ahna ay Booyadlaydu soo magacawdo xagga Xukuumadana ay la munaaqashoon doonaan Shan Xubnood oo kala ah Wasiirka Arrimaha Guddaha, Maaliyadda, Maayarka Caasimadda, Maareeyaha Wakaaladda Biyaha iyo Taliyaha Ciidanka Booliska, Guddidaasina ay si dhakhso ah u kulmi doonto.
Wasiirka Arrimaha Gudaha wuxuu si mug leh ka Guddi ahaan noo sheegay kolba wixii dhibaato ah ee soo kordha in ka Gole ahaan wada-shaqayn buuxda ka wada yeelano.
Wasiirka Maaliyadda:-
Wasiirka Maaliyadda oo isagana aanu kulan Xog-waraysi kula yeelanay Hoolka shirarka ee Golaha 31/12/2013 ayaa si faah-faahsan ka Guddi ahaan nooga waramay shaqada ay Wasaaradiisu Qaranka ugu xil-saaran tahay isagoo sheegay in Muhiimadooda koowaad tahay Dakhli ururinta iyo Cashuur qaadista Dalka wixii khuseeya.
Wasiirka Maaliyaddu isagoo ka hadlaya shaqaaqadii dhowaan dhacday wuxuu noo sheegay in haba yaraatee Cashuur ay kordhiyeen aanay jirin tu ay hoos u dhigeen mooyee, Cashuuro fara badan oo ay hore u qaadi jireen ka daayeen sida:
· Qalabka Biyaha
· Qalabka Kalluumaysiga
· Gaasta (taasoo Deegaanka lagu bad-baadinayo)
Waxa kale oo Wasiirku noo sheegay in korodhka Miisaaniyaddu ay ka timid oo kaliya Dakhli ururin intii hore ka badan iyo dedaal ay ka Wasaarad ahaan ay sammeeyeen, Cashuuro aan hore loo qaadi jirin oo lala baxsan jirayna soo xareeyaan, balse si ay Ganacsatada iyo guud ahaanba loo dhiiri-geliyo ay 30-50% hoos u dhigeen Cashuuraha ay qaadaan, adeega cabasho ka timaadana ay ka fiirsadaan oo haddii ay suurta-gal noqoto hoos u dhigaan cashuurtiisa.
Wasiirku isagoo ka hadlaaya lacagta Tacriifadda ah ee Gaadiidlayda Booyaduhu ka cabanayaan ay tahay Xeer ka Gudbay Golaha Wakiiladda oo wax ka bedel wayn ku sammeeyay markii ay ansixinayeen Madaxweynuhuna saxeexay oo Dhaqan-gal ah, taasoo ka Wasaarad ahaan ay ugu xil-saaran yihiin oo qudha qabashada lacagtaasi, Lacagtaasin si toos ah loogu fuliyo Horumarinta Waddooyinka oo qudha.
Wasiirku waxay noo sheegay in iyadoo aan Tacriifadda Xeerkaasi ku qoran wax ka bedel lagu sammaynin ay suurta-gal tahay in si kale wax looga dhimo.
Gaba-gabadii Wasiirku wuxuu soo jeediyay in loo caqli celiyo Gaadiidleydaasi Booyadaha Biyaha, Guud ahaan Dadweynahana la baro muhiimadda ay Qaran ahaan u leedahay Cashuurta la qaado.
Maayarka Caasimadda:-
Sidoo kale, waxa kulan Xog-waraysi ah ka Guddi ahaan kula yeelanay 31/12/2013 Maayarka Caasimadda, isagoo sida uu noo sheegay markii cabashada Booyadlaydu soo baxday uu aad ugu dedaalay inay xaliyaan kulamo dhowr ahna la yeeshay Guddida si aanay Caasimaddu u Biyo beelinin, intii ay shaqo-joojinta ku jireen kooxdaasi Gaadiidleyda ahina uu isku dayay in wixii karaankooda ah ee ay Booyaddo ay heli karaana ay dadweynaha jilicdasan u waraabiyaan.
balse koox ka tirsan Gaadiidleyda Booyaduhu ay isku dayeen inay hor istaagaan, kuwaasoo qaarkood ay khasaare sahlan gaadhsiiyeen Booyadihii naga la shaqaynayay waraabinta dadweynaha.
Duqa Caasimaddu isagoo ka hadlaya Cashuuraha ay ka qaadaan Gaadiidleyda Booyadaha wuxuu sheegay inay ka qaadaan 2,000/= oo ah xaqal-xashiish iyo 30,000/= oo ah Diiwaangelinta Gaadiidka sanadkii.
Guddida Gaadiidleyda:-
Waxa kale oo aanu kulan la yeelanay Guddida Gaadiidleyda Booyadaha oo ah dhinaca cabashada iyo shaqo-jintu ka timid, iyagoo noo soo gudbiyay warbixin la xidhiidha cabashadooda oo ah Cashuurta Tacriifadda Horumarinta Waddooyinka, taasoo markii Golaha Wakiiladdu ay ansixinyeen noo sheegay in aanay warba ka haynin oo hoos loo eego cabashadooda.
Wasiirka Biyaha:-
Wasiirka Biyaha wuxuu ka Guddi ahaan noo caddeeyay in Biyaha Jaleelo iyo Xumbo Wayne aan Geed Deeble la gaynayn, arrinkaasina uu ka mid ahaa waxyaabihii kiciyay shaqaaqadii, sidaasi darteed Biyahaasi inay si toos ah Beriga iyo Koonfurta Magaaladda Hargeysa uga soo geli doonaan, iyagoo Waa Wasiirka Biyaha iyo Maareeyaha Wakaaladdu naga codsadeen inay Golaha hor yimaadaan si ay warkaasi u sii bayaamiyaan anaguna ka Guddi ahaan waanu la qaadanay
Tallo soo-jeedin:-
Guddoomiye iyo Mudanayaal,
Waxa aanu Golaha u soo jeedinaynaa
1- In la hagaajiyo 8 kilomitir ee ka xun jidka isku xidha Geed-deeble iyo Hargeysa si ay Booyaduhu u helaan dariiq ka dhow kan imika ay ka doonaan iyo biyo ka jaban oo Wakaaladu ka iibiso kana nadiifsan kuwa kale.”