Nuxurka War-Murtiyeed Ka Kooban 16 Qodob Oo Ay Soo Saareen Raysalwasaaraha Itoobiya Iyo Madaxweynaha Soomaaliya

48
2926

Hargeysa(Geeska/W.Wararka)-Waxa shalay magaalada Muqdisho markii u horaysay tagay raysalwasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Axmed, waxaanu kulan la yeeshay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.

Dr. Abiy ayuu socdaalkiisu ahaa mid saacado ah, waxaanay Soomaaliya iyo Itoobiy ka soo saareen war-murtiyeed ka kooban 16 qodob. Kulanka oo ahaa mid aad shalay loo hadal hayay, ayaa qodobadii uu ka koobnaa waxay nuxur ahaan ahaayeen sidan hoos ku qoran:

1.Hoggaamiyaasha labada dhinac waxay ka wada hadleen arrimo badan oo khuseeya labada dal, gobolka iyo guud ahaan caalamka,intii kulankoodi u usocday ayay labada masuul  waxay dib u soo cusboonaysiiyeen balanqaadyadii ahaa xoojinta  xidhiidhka ku dhisan walaaltinimo,dhaqanka,derisnimada iyo istixgelinta labada dal.

2.Waxaa lagu heshisyay in dib loo soo cusboonaysiiyo xoojinta xidhiidhka ku dhisan wada shaqeynta guud, xidhiidhka diblomaasiyadeed ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya iyo iyadoo la dhowrayo madax banaanida labada dhinac.

3.Labada mas’uul waxay soo dhaweeyeen dhismaha guddi ka shaqeeya iskashiga labada dal oo hore loogu heshiiyay,kaas oo ah heer wasiiro oo ka shaqeyndoona horumarintac ilaaqaadka diblomaasiyadeed iyo midka ganacsi ee labada dhinacaba leh.

4.Sidoo kale hirgelinta xafiisyo diblomaasiyadeed iyo qunsuliyado ay labada dowladood si is dhaafsi ah uga furtaan magaalooyinka gobolada dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya,fududeynta isdhexgalka bulshada sida socdaalka,gaar ahaan dhinacyada waxbarashada,ganacsiga,dhaqanka.5.Waxaa la isla gartay muhiimadda iskaashiga horumarinta dhaqaalaha,iyadoo loo marayo maalgashi lagu sameysto labada dal,iyadoo hadafka uu yahay sidii barwaaqo loo gaari lahaa labada dal iyo guud ahaan qaaradda Afrika ugu dambeyntii.

6.Waxaa lagu heshiyay in meesha laga saaro caqabadaha ku horgudban horumarinta ganacsiga iyo dhaqaalaha labada dal,si loo xaqiijiyo sugnaanta isdhexgalka dhinaca dhaqaalaha iyo in laga kala faa’idaysto awooda wax soo saar ee dadka,sidoo kale horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha sida Dekedaha,waddooyinka.

  1. Qodobka todobaad oo la isla soo hadal qaaday ayaa waxaa kamid ah dhiirogelinta maalgaashiga,gaar ahaan ilaa 4 dekedood,waxaa ay isku raaceen in si wada jir ah loo maalgashado ilaa afar dekadood oo muhiim ah oo kuyaala Soomaaliya,dhismaha waddooyinka isku xidha Soomaaliya iyo Itoobiya,waxaana la dhisi doonaa guddi farsamo oo ka shaqeeya hirgelinta qodobada lagu heshiyay.

8.In laga faa’idaysto awooda iyo fursadaha dhaqaale ee xagga suuqa,iyadoo la sameynayo maalgelin shirkadaha sida gaarka ah loo leeyahay,taas oo hadafkeedi uu yahay in fursado shaqo loo abuuro bulshooyinka labada dhinac.

9.In loo baahanyahay xoojinta nabadda iyo xasilooni waarta oo ay kunoolaadaan shacabka labada dal,la iskana kaashado la dagaalanka argagixisada,waxaana si wada jir ah loo cambaareeyey falalka argagixisanimo nooc kasta oo ay ahaadaanba.

10.Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ay uga mahadcelisay dowladda Itoobiya ciidamadeeda oo qeybta ka ah AMISOM sida ay naftoodi ugu hureen in ay shacabka Soomaaliyeed ay ka difaacaan cadowga Alshabaab.

  1. In mudnaan gaar ah la siiyo dowrka AMISOM ee nabadda iyo dib u dhiska Soomaaliya,waxaa la isla gartay muhiimadda ay leedahay in si wada jir ah looga hortago khatar kasta oo ku wajahan gudaha iyo dibadda,waxayna si wada jir ah ugu baaqeen dowladaha kale saaxiibada Soomaaliya in ay kaalintooda ka geystaan dib u dhiska iyo nabadeynta Soomaaliya.

12.Waxay si wada jir ah oo cad u sheegeen in dhankasta oo xushmeeyo madaxbanaanida dalka kale,iyo sharafta dhuleed iyo kala madaxbanaanida siyaasadeed,iyadoo loogu baaqay dhamaan hogaamiyaasha Soomaaliyeed in si dhab ah uga wada shaqeeyaan midnimada iyo wada jirka Soomaaliya.

13.Arrimaha caalamiga ah,waxaa ay ugu baaqeen Qaramada Midoobay in ay la timaado  nidaam waxtar badan oo isku-dhafan oo leh dib-u-habeyn iyo xoojin, Iyadoo sidoo kale isku raacay in loo dodo wadamada Afrika dhibaatooyinka haysat in xal waara loo helo.

14.Raiisul wasaaraha Itoobiya ayaa ku ammaanay hoggaanka dowladda Soomaaliya sida ay uga dhabeeyeen balanqaadyadodi ahaa in dalka horumar lagu soo dabaalo,waxaana uu xusay in dowladdu ay ku guuleysto in ay ka gudubto aqabado badan islamarkaana ay u jahaysatay dhanka horumarka.

15.Madaxweynaha Somaliya Maxamed Cabdillaahi  Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyey raiisul wasaaraha Itoobiya xilka cusub ee loo doortay dhawaan,wuxuuna madaxweyne farmaajo ku booriyay in uu fuliyay qorshihiisa isbedelada ah iyo hadafka dheer,uuna noqdo mid waxtar uleh Itoobiya iyo guud ahaan gobolka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here