Nuxurka Qodobo Heshiis Ah Oo Ay Dawladaha Somaliland Iyo Itoobiya Kala Saxeexdeen

0
545

soal

Hargeysa(Geeska)-Somaliland iyo Itoobiya ayaa shalay heshiis Is afgarad Kala saxeexday kaas oo ka kooban Lix Qodob, waxaanu diirada saarayaa kaabayaasha Dhaqaalaha sida wadooyinka, dekeda Berbera, Haamaha shidaalka Berbera, Gegida diyaaradaha iyo korontada, sidoo kale waxa uu xoogga saarayaa Ganacsiga labada dal iyo Maalgashiga iyo kobcinta ganacsiga gaarka loo leeyahay.

Waxa kale oo heshiiska lagu dhisay Gudi laba Geesood ah oo heer wasiiro ah kuwaas oo dhinaca Somaliland ay ka mid yihiin Wasiirka wasaarada maaliyada, wasiirka wasaarada ganacsiga iyo maal-gashiga,Wasiirka wasaarada arrimaha dibeda iyo xidhiidhka caalamiga,wasiirka wasaarada Qorsheynta iyo horumarrinta, wasiirka arrimaha Gudaha, Wasiirka Hawlaha guud iyo Guryeynta iyo wasiirka Madaxtooyada.

Sidoo kale, dhinaca Dalka itoobiya waxay gudidaasi ka kooban yihiin Wasiirka Maaliyada iyo Horrumarinta Dhaqaalaha, Wasiirka Gaadiidka, Wasiirka Biyaha iyo tamarta, wasiirka ganacsiga, Wasiirka horumarinta reer miyiga iyo Dibu-dhiska, Wasiirka Wershedaha iyo wasiirka arrimaha dibeda, waxaana dhinaca Somaliland guddida Guddoomiye looga dhigay wasiirka wasaaradda Maaliyadda Somaliland. waxa kale oo lagu heshiiyey in la dhiso gudi labada dhinac ah oo farsamo kana kooban Wasaarada Maaliyada, wasaarada Ganacsiga iyo wasaaradaha kaabayaasha dhaqaalaha isla markaa waxa la isla qaatay in gudida farsamo ay kulmaan 08/12/2014 iyagoo ku kulmi doona magaalada Adis ababa.

Wasiirka Arimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa sharaxay waxyaabaha Labada dhinac kawada hadleen islamarkaana ay isla garteen “Waxaanu isla fahanay sidii aanu uga wada shaqayn lahayn waxyaabaha naga dhexeeya ee ay ka mid yihiin Jidka Isku xidha Berbera iyo Wajaale ee Berbera Koridor,Arinta Korontada sidii ay noogu soo galin lahaayeen maadaama Korontaddoodu jaban tahay taayaduna qaali tahay,waxaanu ka wada hadlay sidii ay Dekedayada Berbera horumarinteeda iyo Isticmaalkeeda uga qayb gali lahaayeen,Madaarka Berbera iyo sidii ay u isticmaali lahaayeen iyo sidii aanu isla eegi lahayn Maalgashiga iyo ganacsiga waxa xagayaga uga imanaya iyo waxa iyaga inooga umanayaba” ayuu yidhi Wasiirka Khaarajiga Somaliland

Dhanka kalena Wasiirka Khaarajiga Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, waxa uu sheegay inay labada dhinac magacaabeen guddi farsamo oo ka shaqaynaysa arimaha labada dal iska kaashanayaan,kuwaasi oo hawshooda bilaabaya 8-da bisha soo socota.

Sufian Axmed Wasiirka Maaliyadda Ethiopia, ayaa isna sheegay in Guddidani dardar galin doonto qodobada labada dal ku heshiiyeen waxaanu yidhi “Waxaanu magacawnay Guddi farsamo oo ka shaqeeya waxyaabaha khuseeya Qodobada heshiiskan,taasina waxay keenaysaa inaanu fulino waxyaabaha aanu ku heshiinay.waxaan filayaa in heshiiska labada dhinac dhaqaalaha labada wadanka dhigi doono mid si wanaagsan isugu soo dhawaada”

Waxa Dhinaca somaliland heshiiska u saxeexay Wasiirka wasaarada arimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah Mudane Maxamed Biixi Yoonis, dhinaca dalka Itoobiyana waxa u saxeexay Wasiirka maaliyada iyo Horrumarinta Dhaqaalaha Mudane Sufian Ahmed Gebagebadii waxay shalay galabnimadii Ka duuleen weftigu Itoobiyaanka ahi Madaarka caalamiga ah ee Cigaal international Airport.