Nuxurka Kulankii Dhex Maray Obama Iyo Donald Trump

0
509

Madaxweynaha Maraykanka ee xilka ka sii dagaya Barack Obama ayaa khamiistii gelinkii-danbe xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweynaha cusub ee dalkaasi Donald Trump.
1

Trump oo Salaasadii ku guuleystay Doorashada Madaxweynaha ayaa ka soo duulay magaalada xarunta u ahayd ee New York isagoo booqasho ku tagay Aqalka Cad ee looga taliyo Maraykanka iyo xarunta Baarlamaanka Capitol Hill.

Kulankii dhexmaray Obama iyo Trump oo socday hal saac iyo bar ayaa ahaa kii ugu horeeyey oo ay si fool ka fool ah u yeeshaan labada nin oo sanadihii lasoo dhaafay hadalo kulul hawada isu marin jiray. Trump ayaa kamid ahaa dadkii sida weyn uga soo horjeestay Madaxweyne Obama markii xilka loo doortay, isagoo ku doodi jiray in Obama aanu  ku dhalan dalka Maraykanka.

Obama oo warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa kadib kulankii uu la yeeshay Trump ayaa sheegay in wadahadalkoodii ugu horeeyey uu ahaa mid si wanaagsan u dhacay, Madaxweyne Obama ayaa sheegay in waxa ay ka wadahadleen ay kamid ahaayeen arrimaha gudaha iyo dibada. “Arrimaha ugu muhiimsan oo aan ka wada hadalnay  ayaa ah arrinta xil wareejinta iyo hawlaha Aqalka Cad, waxaa sidoo kale kala hadlay Madaxweynaha la doortay safarka aan dhawaan dalal kala duwan ku tagi doono iyo kulamada aan dhawaan la yeelan doono Madaxda Caalamka qaarkood….” ayuu yidhi Madaxweyne Barack Obama.

Donald Trump oo isaguna hadal kooban saxaafada siiyey ayaa sheegay in uu kulan wanaagsan la yeeshay Madaxweyne Obama oo warbixin ka siiyey hawlaha dowlada iyo waliba mashaariicda wanaagsan ee lagu guuleystay iyo kuwa kale ee caqbadaha ka taagan yihiin, isagoona ku tilmaamay Madaxweyne Obama `…Nin Aad u Wanaagsan….`

Booqashadii Aqalka Cad kadib ayuu Trump iyo Kuxigeenkiisa Mike Pence oo ay weheliso Marwada Trump ay booqasho ku tageen Xarunta Baarlamaanka Maraykanka ee Capital Hill halkaasi oo uu ku qaabilay Afhayeenka Baarlamaanka Paul Ryan oo ka tirsan isla xisbiga Trump ee Jamhuuriga.

Afhayeenka iyo Trump ayaa hore xidhiidhkoodu u xumaaday xiligii lagu jiray ololaha doorashada, Paul Ryan ayaa marar badan iska fogeeyey hadaladii qalafsanaa ee uu Donald Trump ku hadli jiray, waxaana la sheegayaa in Donald Trump uu weli cadaawad u hayo Guddoomiyaha Baarlamaanka, balse labada nin ayaa markii ay saxaafada la hadlayeen muujinayey inuu xidhiidhkoodu uu wanaagsan yahay. Dhinaca kale Madaxweyne kuxigeenka cusub ee Mike Pence iyo Paul Ryan ayaa ah rag dhanka siyaasada si weyn isugu dhaw.

Hadal kooban oo ay si wadajir ah u siiyeen saxaafada Afhayeenka Baarlamaanka Paul Ryan iyo Donald Trump ayaa sheegay in kulankooda uu ahaa mid wanaagsan oo ay uga wadahadleen arrimaha ugu muhiimsan ee dowlada horyaal, iyagoo ka dhawaajiyey qaar kamid ah qodobada ugu horeeya oo uu doonayo Madaxweyne Trump inuu wax ka qabto, kuwaasi oo ay kamid yihiin arrimaha Caafimaadka, Shaqo Abuurista iyo waliba dadka soogalootiga ah.

Mashruuca ObamaCare

Donald Trump ayaa hore u sheegay maalinta ugu horeysay oo uu xilka la wareego uu burburin doono mashruucii uu hirgeliyey Madaxweyne Barack Obama ee Caymiska guud ee caafimaad ee loo yaqaan ObamaCare, waxaana arrintaasi si weyn ugu taageersan xildhibaanada Xisbigiisa Jamhuuriga oo iyagu hada heysta kuraasta ugu badan ee labada Aqal ee Baarlamaanka Maraykanka, xisbiga Jamhuuriga ayaa hore u xanibay Mashruucaasi oo uu markii danbe Obama Wareegto Madaxweyne ku hirgeliyey.

Arrintan ayaa keentay in khamiistii ay dad badan oo kamid ah shacabka Maraykanka bilaabeen inay si degdegleh isaga diiwaangeliyaan Caymiska ObamaCare kahor intaanu  xafiiska Madaxweynaha la wareegin Donald Trump, dad ka badan 100 kun oo qof ayaa hal maalin iska diiwaangeliyey Obamacare, iyadoo hada la sheegayo in dad ka badan 20 Milyan oo qof ay ka diiwaangashan yihiin Caymiska Caafimaadka ee Obamacare.

Weli macada waxa uu xisbi Xaakimka Jamhuuriga uu ku bedali doono Caymiska Obamacare, inkastoo ay si fudud wareegto Madaxweyne ugu burburin karaan mashruucaasi, hase yeeshee waxaa adag inay ku bedalaan mashruuc kale maadaama ay markaasi u baahnaan doonaan taageerada Xildhibaanada xisbiga mucaaridka noqon doona ee Dimuquradiga.