Hargeysa(Geeska):-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md:Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha Midawga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya Mr: Michele Cervone d'Urso oo ay sida oo kale wahelinayeen wafti balaadhan oo uu hogaaminayey iyo Safiirka dawlada Ingiriiska u qaabilsan Somaliya.
Kulankan oo ahaa mid ay warbaahintu dibad joog ka ahayd ayaa markii uu soo idlaaday waxaa warbaahinta la hadlay Wasiirka Wasaarada Arrimaha dibada Somaliland Md:Maxamed Biixi Yoonis,waxaana uu sheegay in Madaxweynaha iyo Masuuliyiinta EU-du ka wada hadleen arimo ay ugu muhiimsan yihiin wakhtiga doorashooyinku dhacayaan iyo Guddida Madaxweynuhu u magacaabay Komishanka.
“Waxyaahaba ugu waaweyn eenu ka wada hadalay waxaa ka mid ahaa Doorashooyinka iyo wakhtiga ay dhacayaan iyo Dadka Cusub ee loo magacaabay Komishanka Doorashada oo ay aad ugu faraxsan yihiin inay dumarna ku jiraa.” Ayuu yidhi Maxamed Biixi Yoonis.
Md:Maxamed Biixi Yoonis oo hadalkiis sii wata ayaa waxaa uu intaasi ku daray “Waxa kale oo aanu ka wada hadlay Cilaaqaadka iyo Mashaariicda ay Midawga Yurub nala wadaan.Madaxweynaha iyo Safiirku waxay isla garteen in Doorashooyinku wakhtigoodii dhacayaan, Dadaal xoog lehna aanu samaynayno oo aanu ku dededaalayno in doorashadu wakhtigeedii dhacdo”.
Dhanka kale Danjiraha Midawga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Somalia Mr:Michele Cervone d'Urso ayaa isna sheegay in kulanka Madaxweynaha uu la qaatay ay xoogga ku saareen sidii loo sii wadi lahaa hanaanka Dimuqraadiyadaynta iyo in wakhtigoodii ugu dhici lahaayeen doorashooyinka soo socda. Waxaana uu sheegay in uu sida oo kale uu Kulamo uu la yeeshay Xisbiyada qaranka, Warbaahinta iyo Bulshada rayidka ah islamarkaana ay ka go’an tahay in doorashada la qabto sanadka loo asteeyay ee 2015-ka.