Nuxurka Kulan Dhex Maray Guddiga Doorashooyinka Iyo Madaxda Saddexda Xisbi

0
627

Picture4Hargeysa(Geeska):-Hogaanka saddexda xisbi qaran ee Kulmiye, Waddani iyo Ucid, oo kulan is xogwaraysi ah la yeeshay guddida doorashooyinka qaranka, ayaa ku lafo guray arrimaha u diyaar garawga doorashooyinka ee loo asteeyey in ay dalka ka qabsoomaan badhtamaha sanadka 2015ka.

Kulankan oo ahaa mid albaabadu u xidhnaayeen ayaa ka dib markii uu soo idlaaday, waxaa warbaahinta si wada jir ah uga warbixiyey guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Xisbiga Kulmiye Muj: Maxamed Kaahin Axmed, guddoomiye ku-xigeenka saddexaad ee xisbiga Ucid Muj: Cali Gurey iyo xoghayaha arrimaha dibadda Waddani Dr:Maxamed Cismaan Fadal, waxaana ay sheegeen in ay si fiican isula garteen qorshaha doorashada iyo kuna qanceen qaabka  komishanka doorashooyinku ay wax u wadaan.

Muj:Cali Yuusuf(Cali Gurey), oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa komishanka doorashooyinka ku sifeeyey in ay yihiin komishankii ugu fiicna, isla mar ahaantaana ay dalka doorasho ka hirgalin karaan, isaga oo carabka ku dhuftay in ay dhameeyeen waxii hawl ah ee dhankooda.

 “Waxaan idiin sheegayaa in komishankani yahay kii ugu heer sareeyay kana go’an tahay in ay dalkan doorasho ka hir galiyaan wakhtiga ugu horeeya ee suuro gal ah, waxayna dhameeyeen wixii dhankooda kaga xidhaa oo dhan.”Ayuu yidhi Cali Gurey.

Muj:Maxamed Kaahin Axmed, oo isna sida oo kale halkaasi ka hadlay ayaa waxaa uu yidhi: “Xisbiyadu wixii ay talo hayeen way u sheegeen, arrinta doorashaduna wali qabyo weeyaan, hawshiina way socotaa dhamays tirkeediina waa lagu guda jiraa,gudida doorashooyinka ayaana noo soo sheegi doona, markaa arrinka waxaanu kaga wada shaqayn doonaa si aad u wanaagsan.”.

Dr:Maxamed Cismaan Fadal oo isna ugu danbayntii halkaasi ka hadlay waxa uu sheegay in  bulshada iyo asxaabtuba komishanka uga fadhiyaan in ay cayimaan wakhtiga doorashada iyo qabashada diiwaangalinta codbixiyeyaasha.waxaana uu sheegay in ay hadda ku qanceen qaabka ay wax u wadaan iyo warbixinta komishanku siiyay.

“Waxa ay maanta nooga warameen halka ay hawlaha marinayaan, dadkuna waxa ay ka sugayaan halka ay wax u marayaan,warka ugu muhiimsan ee ay dadku sugayaan waxa uu ahaa in doorashadu wakhtigeeda ku qabsoonto, hawshaasna waanu ku qanac-nay. hay’addaha oo dhan waxa ay rabaan in ay doorashadu dhacdo, waxaana ay dhagta u taagayaan sidii doorashadu u dhici lahayd,hawsha ay wadaan, waanu ku qanac-nay wixii kale ee hawl ah ee u hadhsanaa waa ay noo balan qadeen in ay dhamayn doonaan” Ayuu yidhi Dr:Maxamed Cismaan Fadal.