Nuxurka Khudbadii Cabdiraxmaan-Cirro Ee Shalay

0
715

Hargeysa(Geeska)-Waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa khudbadda uu guddoomiyaha xisbiga Waddani Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ka jeediyay munaasibad loo sameeyay siyaasiyiin culus oo shalay ku biiray xisbiga Waddani, waxaanu ku bilaabay sidan “Maanta waxa farxad weyn u ii ah una ah Xisbiga WADDANI inaynu xaflad u sameynayo siyaasiyiin can ah oo wada garanaysaan, aqoon yahano , ururo dhallinyaro iyo kuwa haween iyo qurbo joog  oo ka soo kala jeeda Gobolka maroodi jeex, Gobolka hawd, Gobolka Saaxil, Gobolka  Toghdeer iyo Gobolka daad madheed. Mudanyaal iyo Marwooyin, waxaan idinku soo dhaweynayaa farxad, qalbi iyo gacmo furan  anniga oo hadlayaa  magaca bahweynta Xisbiga WADDANI gudo iyo dibed

cc

Waxaan u mahadnaqayaa Dhamaan dadkii ka shaqeeyey soo gelinta munaasabadan taariikhiga ah ee kala dal gudihiisa iyo dibediisaba. 

Maanta xafladani maaha ku soo biiris waa bilowgii iskaashi, talo wadaag iyo wax wada lahahaansho. 

Waxad ka warqabtaan tacabkii iyo naf huristii aad geliseen Xisbiga KULMIYE iyo in taladiisii la idinkala jeestay. Cawil naqii insha allah waxaad ka heli doontaan Xisbiga WADDANI. Xisbigan taladiisa  wax baad ku yeelanaysaan iminka iyo hadhawba. 

Waxaad taariikhda Somaliland ku xusan in Caasimadda Gobolka Haw dee balligubad leh ahaa xaruntii halgankii adkaa ee shacbiga Sonaliland. Waxa la doortay balli gubad leh talo loo dhan yahay oo ah in halgan xaruntiisa la geeyo meel lagu badbaadin karo.

Wxaad shacbiga Somaliland ka warqabaa in beesha aad ka soo jeedaan ahayd beeshii ugu horeysay ee hubka wareejisay si loo dhiso qaran nabad ah. 

Imiitinkiinu wuxuu ifafaale u yahay in halgankii mar labaad guuleysan doono si loo helo qaran nabad gelyo ah oo mideysan bari iyo galbeed. Waxa kale oo calaamd u yahay Guusha Xisbiga WADDANI.

Xisbigu waxa uu soo bandhigay Barnaamijkiisa siyaasiga ah oo qabyo qoraal ah. Shacbigu wuu soo dhaweeyey gudo iyo dibed. Wixii talooyin ee cusubna waa lagu kaabaya.  Waxaa barnaamijka siyaasiga ee Xisbigu yahay in la dhiso dal taladiisa iyo khyraadkiiisa u siman nahay oo wada leenahay, hela ictiraaf caalamiya kuma dhisan cadaalad. Caadaalad guri kasta gaadha oo muwaadin kasta gaadha, anna waxaan idiin sheegayaa hore u ahayn hadana noqon doonin nin reer. Hiigsiga WADDANI waa Jamhuuriyadda Somaliland oo ku waarta dal iyo dad mideysan.  Barnaajiku waxa uu ka kooban yahay shan tiir :

1. Ictiraafka iyo xidhiidhka caalamiga ah

2. Dib-u-qaabeynta iyo siyaasadda (political reform)

3. Xaqiijinta koboca Dhaqaalaha iyo shaqo abuurka

4. Arrimaha Bulshada

5. Kor u qaadida heerka noloshada Bulshada

Si ay u helo doorashooyin xor oo xalaal ah, waxa sharcigu waajibeyey in la sameeyo diiwaan gelinta codbixiyeyaasha. Markii labaad oo la sameynayaa diiwaan gelinta codbixiyeyaasha oo bilaabmeysa bisha kowaad 2016. Waxaan u soo jeedinaynaa dhamaan shacbiga Somaliland bari iyo galbeed inay isdiiwaangeliyaan. Xisbiga WADDANI waxa uu teegeersan yahay in diwaan gelinta laga dhaqan geliyo meel kasta oo nabad gelyo iyo amaan lagu geyn karo sanduuqa codbixinta. 

Waxa Xisbiga WADDANI farayaa dhamaan madaxdiisa iyo taageryaashiisa inay u hogaan samaan shuruucda, xeerarka , dastuurka iyo xeer habdhaqanka xisbiyada siyaasadda ee diiwaan gelinta codbiyeyaasha ( Code of Conduct). 

Waxa Xisbiga WADDANI ugu baaqayaa shacbiga ilaalinta nabad gelyada iyo sailoonida xiliga 

diiwaangelinta. Waxa kale oo uu xukuumadda u soo jeedinayaa inay inay sugta amaanka qaranka xiliga diiwaan gelinta. 

Xukuumadda Jamhuuriyadda inoomayn jeexin wada cad oo ay ugu talo gashay in lagu gaadho ictiraafka Somaliland. Mararka qaarkoodna waxa soo baxa warwar mugdi gelin kara rajada ictiraafka sifa kuwii ku soo baxay WIKI LEAKS. Waxaan dhamaanteen dareemaynaa hoose u dhac ku yimi cilaaqaadka JSL iyo dalaka aan deriska nahay. Siyaasiga Xisbiga WADDANI waxa  weeye in aan shacbiga ka saaro werwerka una jeexno wado lagu gaadhi karo ictiraafka. 

Waxaan ka digeynaa dib dhac ku yimaadda diiwaan gelinta  codbixiyeyaasha iyo doorashooyinka madaxtooyada iyo golaha wakiilada . 

Waxaan eebbe ka baryeynaa inuu abaaraha inaga qaboojiyo, raxmadiisa waasaca ahna ina siiyo. 

Xukuumadda JSL waa inay u gurmataa  shacbiga abaaruhu saameeyeen beesha caalamkana baaq uguma dirta , shacbiguna gacan ka geystaa gurmadkaas. 

Xisbiga WADDANI waa Xisbiga rajada Shacbiga Somaliland. Sidaas darted, ayaa shacbigu ugu soo biirayaa WADDANI.  Waxaad  qalabka warbaahinta kala socoteen, in khamiistii 24.12.2015 Gobolka AWdal, magaalada Borama kaga soo biireen cudud xoog oo isu jira siyaasiyiin, aqoon yahan, haween iyo dhallinyaro. Xalay waxa laana Cusub oo Xisbiga WADDANI laga furaya Dalka Ireland. Maanta waxa laan Cusub laga Furayaa Dalka Switzerland. Hargeysana dhul gariirka ka dhacay waad u jeedaan.

Dhamaan Shacbiga reer Soaliland albaabada Xisbigu waa u furan yihiin gudo iyo dibed.”