Nuxurka Doodii Dhex Martay Donald Trump iyo Hillary Clinton

0
565

Dood culus ayaa dhex martay musharrixiinta madaxtinnimda Mareykanka, Hillary Clinton iyo Donald Trump oo markii ugu horreysay yeeshay dood si toos ah looga baahinayay telefishinnada.

1

Doodan oo socotay muddo 90 daqiiqo ah ayaa waxaa diiradda lagu saarayay dhaqaalaha, canshuurta, xidhiidhka u dhexeeya dadka madowga iyo caddaanka ah ee Mareykanka iyo arrimaha amniga.

Trump ayaa Clinton ku eedeeyay in aanay la hayn kartida ay ku noqon karto madaxweyne, halka Clintonna ay Trump ku eedeysay in inaanu ka war qabinba wacyiga jira oo uu ku nool yahay duni isaga u gaar ah islamarkaana uu diiday in uu shaaciyo canshuur celintiisa.

Clinton ayaa sidoo kale ku eedeysay Trump in uu amaan u soo jeediyay madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin.

"Aad ayaan ug naxay markii Donald Trump uu ka dalbaday Putin inuu u jabsado cinwaanadeyda. Arrintaasi ma ahan mid la aqbali kara. Donald uma qalmo inuu noqdo taliyaha ciidanka" ayay tidhi Clinton.

Donald Trump ayaa isagana ku eedeeyay Hillary Clinton inay khaladaad badan gashay markii ay heysay xilka Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, isagoo si gaar ah uga hadlay heshiiskii Nukliyeerka Iran oo ay Clinton qeyb ka qaadatay wadaxaajoodyadiisa. Heshiiskaasi ayuu ku tilmaamay mid masiiba u ah Mareykanka.

Clinton waxay ku tilmaantay wax lala yaabo in Trump uu isbedalka cimilada ku tilmaamo been uu Shiinuhu abuuray.

 

Bilowgii dooda ayuu Donald Trump si dar darleh u bilaabay balse qeybihii danbe ee dooda ayey muuqatay inaanu si weyn ugu soo diyaar garoobin su’aalaha badan ee la weydiinayey, waxaana muuqatay inaanu si wanaagsan u faah faahin qorshihiisa uu doonayo inuu ku maamulo dalka marka uu xilka qabto.

Dhamaadkii doodan oo Donald Trump la weydiiyey siduu u arko qaabka ay u dhacday ayaa ku dooday in “Microphone” xun la siiyey, wuxuuna sheegay in codbaahiyaha uu ku hadlayey uu ahaa mid kharaabsan oo aanay dadku si fiican u maqli kareyn wuxuu ku hadlayey.

Doodan waa tii ugu horreysay seddax dood oo dhexmeri doonta labada musharraxa ka hor inta codbixiyayaasha Maraykanka aysan codkooda dhiiban 8 bisha Nofeember.

Waxaa la saadaalinayaa in dooddaasi ay daawanayeen in ka badan boqol milyan oo qof.