London (Geeska)- In kasta oo caadi aan ay dadku aaminsan yihiin in kaneecadu ay qaniinyadeeda ka bilowdo uun qofka ugu dhow ee ay fursad ka heli karto, haddana taasi waa ay is beddelaysaa marka la qaato natiijada daraasad uu Geeska Afrika turjumay oo dhowaan shabakadda Al-Carabiya baahisay.
Baadhitaanno cilmi oo arrintan lagu sameeyey ayaa shaaca ka qaadday in kaneecadu aanay qof kasta iska qaniinin ee ay jiraan sababo gaar ah oo ay dadka qaar uun si gaar ah ugu qaniinto. Sababahaas oo aynu qormadeennan ku eegi doonno waxaa ugu xiisaha badan ee ay khubaradu sheegeen ayaa ah in sababaha ay kaneecadu qof gaar ah qaniinyadeeda ula eegataa ay boqolkiiba 85 la xidhiidho hidde-sideyaasha, sidaa awgeed aanu qofku waxba ka qaban karin aan ka ahayn in uu iska ilaaliyo qaniinyadeeda maadaama oo aanu beddeli karin hidde-sidayaashiisa.
Xogtan hoose waxa ay qofka ka caawinaysaa in uu helo habab uu ku yarayn karo sababaha ku soo jiidaya qaniinyada kaneecada:
- Bakteeriyada maqaarka
Bakteeriyada jidhka dushiisa ku dhalataa waxa ay jaangoysaa nooca ay noqonayso urta uu maqaarku samaynayo (Urta dhididka qofka). Caadi ahaan dhididka qofku ma’ laha wax ur ah oo uu qofka kale dareemay, haddii uu yeeshana waa calaamad muujinaysa in ay jirto bakteeriya jidhka dushiisa ku dhalatay oo iyada ayaa ah waxa uraya.
Cilmibaadhisaha la sameeyey ayaa caddaynaya in qaybo bakteeriyadaas maqaarka ku dhalatay ka mid ahi ay leedahay ur si gaar ah u soo jiita kaneecada. Macnuhuna waxa weeye in qofka bakteeriyadaasi ku badan tahay ay kaneecadu si gaar ah jidhkiisa ugu soo ururto xitaa haddii uu dhex fadhiyo dad badan oo kale oo aan iyaga bakteeriyadaasi ku dhalan.
Waxaa iyaduna muhiim ah in la ogaado in kaneecadu aanay urta bakteeriyada ee jidhka oo dhan wada xiisayn ee ay meelo gaar ah urteeda aad u dareento halkaasna eegato. Kaneecada lafteeduna waa ay ku kala duwan tahay jacaylka ay u kala qabto qaniinyada meelahaas jidhka ka mid ah ee bakteeriyadu uga urto. Waa sababta aad u arkayso qof ay kaneecadu lugaha uun ka qaniinto ama gacmaha uun eegato. Halka dadka qaarna kilaankillada iyo bawdyaha ay ka macaansato. Waa arrin ku xidhan nooca urta ay samaynayso bakteeriyada ku dhalatay xubnahaas kala duwan ama in kaneecadu ay eeganayso meelaha ay ku badan tahay nooc urtaas ka mid ah oo ay xiise gaar ah u qabto.
Waxaa muhiim ah in aad ogaato in nooca ay urta jidhku noqonayso marka ay bakteeriyadu ku dhalataa ay ku xidhnaan karto hadba nooca ay tahay cuntada uu qofku cunaa. Cilmi ahaan waxaa la ogyahay in cuntadu ay saamayn ku leedahay bakteeriyada nooca loo yaqaanno Microbiome oo ah bakteeriyo si caadiya dadka iyo xayawaannada kale qaarkoodba ugu dul nool.
Xalka
Haddaba habka ugu fiican ee aad urta maqaarkaaga (Urta dhididkaaga) ku xakamayn kartaa waa in aad isticmaasho cadar xoog badan oo urtaas dila ama kaxeeya. Waxa kale oo talo fiican ah in aad caadaysato xidhashada dharka harqaddoodu dunta tahay.
- Nooca Dhiigga
Waxa ay cilmibaadhayaashu sheegeen in kaneecadu ay kala jeceshay noocyada dhiigga aadamaha. Tusaale ahaan waxa ay khubarada caafimaadku xaqiijiyeen in dadka dhiiggoodu uu ‘O’ yahay ay kaneecadu si gaar ah u raadsato. Haddii aad is weydiinayso cidda kaneecada u sheegaysa nooca dhiigga qofka? Waxaa cilmi ahaan la ogaaday in kaneecadu marka koowaad ay qaniinyo tijaabo ah qofka qaniinto kadibna dhadhamiso dheecaanka / qoyaanka yar ee ka imanaya halka ay micideeda ku taagtay, halkaasna ka garanayso in uu dhiiggaagu yahay noocii ay jeclayd. Arrintaas oo ay si dhaqso ah u samayn karto ayaa u sahashay in ay dhiigga qofka ogaato, oo haddii uu noqdo nooc aanayn doonayn ay iskaga tagto, haddii kalana halkaas ka sii waddo qaniinyada.
Dadka uu dhiiggoodu ‘B’ yahay ayaa ah kuwa labaad ee ay kaneecadu jeceshay qaniinyadooda, laakiin dadka dhiiggoodu ‘A’ yahay waa kuwa ugu dambeeya ee ay qaniinyadeeda xiisayso.
La soco…