Nin U Jeellan Baan Ahay: Abokor jirde Cabdi

0
518

Waxaan majeertaa misna jantaa isla jeerkaasna, u hammuun qabaa bulshadayda oo hayaanka ku furta meel masno ah oo ka caaggan; macaluusha gaajo, mugdiga aqoon li’i, magaw la’ fekerkiyo, meehanawga baahida gasiin. Door bidkayguna, degaan san iyo daryeel san weeye. U jeelkaygu waa siddig ku ahaanta iyo isku soohnaanta, intan: hoggaamiye hoggaan san tubta horumarka, iyo hore u socodka nagu haga. Bulsho aannu ma tashade u talin, siyaasi beenlow ahina, af-gobaadsi ku hodin. Suldaan, caaqil, iyo boqor aan siyaasadda ku milmin kuna jaan jaamin. Warbaahin beenta ka gil gilata xaqiiqda se, ku indho kuulata. Dhalin yar cuddoon oo uurkooda iyo ficil koodu is imanaayo. Bulsho goobo wax akhris leh, oo wax akhrida. Bulsho aan la garaad ahayn, hal-xidhaale hadal haynta maalinkaas. Nin u jeellan baan ahay bulsho aan u seetaysnayn qabyaalad iyo qudhunkeed bal ka xor ah. wad-aad aan ahayn khamiis ku macaash(la iskuma jiree wad-aad xumeha, ayaan u golleeyahay). U jeellani jaalle bulsho Isku dhererisa/gardaadisa bulshooyinka caalamka, lana tartanta hammigeediinna leh. Nin hilaadsha baan ahay, oo u jeellan hanashada, bulsho hanata doorkeed. Bulsho adinno adag oo dhumuc iyo awoodba leh isku taagta kaligeed, oo gondaheedda araggiyo, dhaafisa u jeedkeed. Haaheey! Boowe. W/Q: Abokor jirde Cabdi Email: Abokorjirde@gmail.com Fb: