Xildhibaan Xuseen Ismaaciil Yuusuf
Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Xuseen Ismaaciil Yuusuf, oo ka mid ah Xidlhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa sheegay in nidaamkii iyo hogaamintii dalku meesha ka baxeen, waxaanu xusay in Xukuumaddu sharcigii dalka jabisay, oo hantida qaranka lagu takrifalayo,waxaanu tilmaamay inay dib u dhac ku yimaadeen Siyaasadii Arrimaha Dibadda iyo Arrimaha Gudduba.
Xildhibaan Xuseen Ismaaciil Yuusuf, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn yidhi “In dalka ictiraaf loogu maqan yahay Dawladdani ma hadal hayso,mana oga, wada hadaladii Somaliland iyo Somaliya, halkii ay ku dambeeyeen, Dawladdani ma hadal hayso, waan arkaayey Madaxweynku ku xigeenka, oo Xisbigii uu ka sharaxnaa u ololaynaya, isagoo madax qaran ah, in olole aan wali la gaadhin lagu arkana may ahayn, Doorashada la ogol yahay mooyaane inuu muuqdo may ahayn, Siyaasadii arrimaha guddaha iyo Siyaasadii arrimaha dibadaba, markaas dib u dhac aad u balaadhan baa ku yimid, sababtoo ah Beeshii Caalamku dhabarkay inoo soo jeedisay, dawladdo badan oo aynu xidhiidh lahayn ayaa meesha ka baxay, sicir barar aan hore dalka loogu arag baa imika jira, waxaa muuqda in nidaamkii iyo hogaamintii dalku meesha ka baxeen,oo hantii umadda sida la doono ayaa loogu takrifalayaa”
Xildhibaan Xuseen oo ka hadlaya hantida umadda ayaa yidhi“Sicir bararka, macaluusha, abaaraha dhacaya ee dadkii ka bakhtiyayo, waxa inoogu wacan hantida umadda ee sida doono laga yeelayo, ee lagu takrifalayo, Xukuumaddana maaha Xukuumad dadka wax u qabatay, ee waa Xukuumad hanti boob ku jirta”.
Xildhibaan Xuseen ayaa mar uu ka hadlaayey Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye ayaa ydhi “Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye xaalooda waa wax aan la qiyaasi karin, Xukunkii Dawladda, Lacagtii Dawladda iyo Hantidii umadda sida la doono, ayaa laga yeelaya, oo xuduudba la maha waxay Xukuumadda iyo Kulmiye sameeynayaan, kolay dabaylo ayaa dhacaya, dabaylahaas dhacayaana waxa weeye in dadku kalsooni ku qabaan Xisbiga Waddani, oo dadku waa is bedel doon, dadkuna waxay doonayaan Xsibiga Waddani ee is bedelka keenaya, marka ay Xukuumadda iyo Xisbiga kulmiye arkeen sida loo taageersan yahay Xisbiga Waddani, ayey is daba yaacaan, oo inta ay kolba boqolaal qof halkan ka qaadan, ayey kolba halkay doonayaan geeyaan”.
Xildhibaan Xuseen oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Xidiguhu xaggoodii Siyaasada Somaliland wey ka guureen, haddii la isku halayn jiray jeegaan iyo laba is la doona sidaas iyo sidaas, wixii oo dhami halkoodii wey ka kaceen, cida ugu caqliga yari, waa cida qabiil iyo jeegaan wax ku doono, Xisbiyadeenu waxay la mid yihiin, Xisbyada caalamka, gaar ahaan Xisbiyada ka dhisan Wadanka Mareykanka, ee yaan lagu habsamaan reer iyo jeegaan baa wax ku taraya,ee qaranimo ha looga gudbo”
Dhinaca kale Xidhibaan Xuseen ayaa ka digay in Doorashada haddii ALLE idmo marka wakhtigeeda la gaadho, in aan la musuqin, waxaanu Maxkamadda sare ee Somaliland ugu baaqay inay wax ku qaadato go’aankii Maxkamadda Kenya.