Muuse Iyo Saylici: Waxay Guul Ku Gaadhi Karaan Madaxtooyada Oo Daadihisa Iyo Isku Filnaansho Siyaasadeed & Dhaqaale Oo Ay La Yimaadaan

0
542

Picture4Hargeysa(Geeska)-Labada murashax ee madaxweynaha iyo madaxwene-xigeenka KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici, waxay hadda ka soo gudbeen marxalad siyaasadeed oo adag, waxaana si rasmi ah loogu caleemo saaray inay xisbigooda KULMIYE metelaan doorashooyinka sannadka 2017.

Waxase weli sugaya jid adag oo ay caqabado yaalaan, waxaanay u dhowdahay inay la loolamaan labada murashax ee kala ah Jamaal Cali Xuseen iyo kuxigeenkiisa Cabdirashiid Mataan oo iyaga laga doortay xisbiga UCID iyo Waddani oo la filayo in loo cimaamado Cabdiraxmaan-cirro iyo qofka nasiibka u yeesha inuu ku-xigeen u noqdo.

Muuse iyo Saylici, waxa ay ka socdaan xisbul xaakim ay ka tageen siyaasiyiin culus oo deegaanadooda iyo dalkaba miisaan ku leh, lagana yaabo inay si adag uga horyimaadaan in la doorto labadan masuul,haddana waxa uu weli xisbigooda KULMIYE u muuqdaa inuu leeyahay awood uu ku soo bixi karo.

Muuse iyo Saylici, inkastoo uu dadaal badani ka muuqdo, islamarkanaa ay golaha xukuumadda ka baxeen rag badan oo si weyn uga soo horjeeday, haddana waxa dadka siyaasadda odorosa u muuqata inay weli u baahanyihiin taageero iyo taban-taabo ay xukuumaddu la garab taagnaato. Tusaale ahaan in ay madaxtooyada iyo xukuumaddu ay dhisaan oo ay weliba ka tallaabiyaan jidka markan labaad ka horeeya oo dabcan kii hore ka adag, sidaas oo ay tahay haddana taageero shilis oo ay madaxtooyada iyo xukuumadda ka helaan waxa ay midho dhal noqon kartaa marka ay iyagu marka koowaad muujiyaan isku filnaansho siyaasadeed iyo dhaqaale islamarkaana la yimaadaan qorsheyaal ay ku gaadhi karaan halka ay u socdaan. Waxa aanay u dhowdahay inay madaxtooyada iyo dadka ka ag-dhawi eegayaan sida ay Muuse iyo Saylici u tirtiraan xanafta uu kaga tagay khilaafkii ka dhashay shirkii KULMIYE ee lagu doortay.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa doorashadiisii murashaxnimada KULMIYE dhexdiisa waxaa sidan oo kale iskugu seegay xisbiga KULMIYE iyadoo la isku maandhaafay xulashadii Cabdiraxmaan Saylici. Laakiin Madaxweyne Siilaanyo oo wakhtigaas ahaa hoggaamiye mucaarad ah wuxuu guntiga u xidhay sidii uu daawo ugu heli lahaa khilaafkaas islamarkaana uu u soo ceshan lahaa ragga ay siyaasadii xulashadu ka fogaysay. Taas oo uu ku guulaystay inuu intoodii badnayd ku qanciyo inay la qabtaan salaankii uu kursiga madaxweynaha u fuulay.

Waana taas ta’ laga yaabo inay madaxtooyadu ka doonayso Muuse Biixi iyo Cabdiraxmaan Saylici inay dib u soo ceshadaan ragga xisbiga ka tirsanaa ee cugashadooda ka xanaaqay, kuwaas oo ah siyaasiyiin ka soo kala jeeda deegaano kala duwan oo dhaawac u gaysan kara isku duubnimadii xisbiga KULMIYE rajada guushiisa doorashada madaxtooyada. Waxa kale oo ay Muuse iyo Saylici madaxtooyada uga baahanyihiin sawirka xukuumad la jaanqaadi karta isbedelada KULMIYE ka dhacay oo kala shaqaysa ka dhabaynta hammiga murashixiinta KULMIYE.

Si kastaba ha ahaate Muuse iyo Saylici waxa weli hadda ka sii muuqda dakharadii ka dhashay shirkii golaha dhexe ee KULMIYE, waxaanay taageerayaashoodu ka sugayaan inay deg deg u dhayaan nabarada gaadhay oo ay haddana la yimaadaan siyaasad  soo jiidasho leh. Waxa laga doonayaa inay ka dhabeeyaan oo ay ficil u bedelaan hadalada ay baahinayaan ee ah inay soo ceshan doonaan taageerada ay kala tageen ragga ay isa seegeen. Haddiise ay ragga ka tagayna u arkaan kuwo aan cudud badan lahayn iyo  rag ay ka nasteen xasaradahoodii siyaasadeed, taasi waxay ku keenaysaa dhaawacyo mustaqbalka la arki doono.