Muuse Iyo Saylici Oo Xalay Hargeysa Loogu Qabtay Xaflad Balaadhan Oo Lagu Soo Dhaweeyay Doorashadooda

0
779

Picture3Hargeysa (Geeska)-Munaasibad lagu taageerayo tanaasuulkii uu Madaxweynuhu ka tanaasulay xilka Musharaxnimada Madaxweynaha Xisbiga Kulmiye iyo  sidoo kale taageero loogu muujinaayo Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Musharaxa Madaxweyne ku xigeen ee Xisbiga Kulmiye Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa lagu qabtay Magaalada Hargeysa.

Munaasibadan oo ay soo qaban qaabiyeen Taageerayaasha Gobolka Maroodi-jeex ee Xisbiga Kulmiye ayaa xalay lagu qabtay Green Plaza Hotel, waxaana Munaasibadan ka soo qayb galaly taageerayaasha kala duwan ee XIsbiga Waddani ee Gobolka Maroodi-jeex gaar ahaan Degmooyinka kala duwan ee Caasimadda iyo sidoo kale garabyada kala duwan ee Xisbiga.

Mukhtaar Maxamed Obsiiye oo isagu ka mid ah Garabka Dhalinyarada ee Xisbiga Kulmiye oo munaasibadaas ka hadlay ayaa u mahadnaqay Madaxweynaha, waxaanu ku amaanay tanaasuulka uu sameeyey, waxa uu sidoo kale taageero u muujiyey Labada Musharaxa ee Xisbigia Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Saylici, oo uu sheegay inay u qalmaan xilkan.

Cabdiraxmaan Colaad oo isna ku hadlaayey afka Dhalinyarada ayaa isna dhankiisa waxa uu amaan balaadhan u soo jeediyey Madaxweynaha, oo uu sheegay inuu sharaf iyo karaamo mudan yahay, isla markaana uu yahay geesi dalkiisa iyo dadkiisaba u hiiliyey, waxaanu sidoo kale taageere u muujiyey labada Musharaxa ee Xisbiga Kulmiye.

Dhanka kale waxa iyana Munaasibadaas ka hadlay taageerayaasha Xisbiga Kulmiye, waxaana afka degmooyinka ku hadlaayey Xamse Xasan Cabdiraxmaan oo ku hadlaayey afka Degmada Ibraahim Koodbur ee Xisbiga Kulmiye, Kawsar Jaamac oo ku hadlaysay afka Xisbiga ee Degmada Axmed Dhagax, Nimco Cabdi oo ku hadlaysay Degmada 26-june, Maryan Aadan oo ku hadlaysay afka Degmada Maxamuud Haybe iyo sidoo kale Xuseen Qalax oo isna ku hadlayey afka Xisbiga Kulmiye ee Degmada Gacan Libaax, waxayna dhammaantood si gaar ah amaan, bogaadin iyo hambaliyo u soo jeediyey Madaxweynaha oo ay ku amaaneen sida uu tanaasulka u muujiyey, oo ay sheegeen in isaga oo xaq u leh inuu mar kale isa soo sharaxo, inuu haddana tanaasulay, waxa kale ay taageero iyo niyad wanaag u muujiyeen Musharaxa Madaxweynaha Muuse Biixi Cabdi iyo Musharaxa Madaxweyne ku xigeen Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil oo ay Bulshada Somaliland ugu baaqeen inay codkooda ugu hiiliyaan, isla markaana ay yihiin laba hogaamiye oo dalka hogaamin kara.

Dhanka kale waxa ay baaq u direen Garabkii cadaalada darada ka muujiyey Shirkii Golaha Dhexe, oo ay ugu baaqeen inay Xisbiga dib ugu soo noqdaan, iyaga oo xusay in aan laga maarmi karin.

Dhanka kale waxa iyana halkaas ka hadlay Masuuliyiin ka tirsan Xisbiga Kulmiye, waxayna dhammaantood u mahadnaqeen Madaxweynaha, waxay taageere u muujiyeen Labada Musharaxa, waxayna si gaar ah ugu mahadnaqeen Taageerayaasha  soo qaban qaabiyey munaasibadan.

Munaasibadan waxa sidoo kale lagu soo bandhigay suugan, gabiyo, maansooyin iyo heeso lagu taageerayo Madaxweynaha iyo labada Musharaxa