Muuse Iyo Cirro: Haku Ololaynina Masiirka Iyo Nabadgelyada Qaranka Ee La Yimaada Aragtiyo Siyaasadeed Oo La Idinka Iibsado

0
596

Hargeysa(Geeska)-Maalmahan u dambeeyay waxa ay labada murashax ee KULMIYE iyo Waddani Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, hawada isu marinayeen hadalo xanaf leh oo uu nuxurkoodu ku soo ururayo in midba midka kale ku dhufto waran siyaasadeed si uu taageeradiisa u wiiqo.

2

Laakiin, labadooduba, waxa hadaladan ay jeediyeen u keeneen hoos u dhac  siyaasi ah, marka laga qiyaas qaato rayul caamka guud oo la yaabay hadalada ka soo yeedhay oo aanay midkoodna qalbi furan ku soo dhawayn, maadaama oo ay Muuse iyo Cabdiraxmaanba doodahooda siyaasadeed noqdeen kuwo jaban.

Labada Murashax oo la aaminsanyahay inay noqon doonaan labada nin uu tartanka ugu adagi dhex mari doono marka la gaadho doorashada, ayaa waxay shacabku ka filayeen inay soo bandhigaan barnaamijyo siyaasadeed iyo aragtiyo iidaan leh oo ka iibsama si ay u hantaan quluubta aragtiyaha ka soo horjeeda. Cabdiraxmaan iyo Muuse, lagama sugayn inay la yimaadaan eedayn ay dadku wada fahansanyihiin inaanay macno badan ku fadhiyin balse doorkan taabanaysa arrimaha masiiriga ah iyo amniga qaranka.

Marka ay yihiin labada nin saadaashu tilmaamayso inay isugu soo hadhi doonaan tartanka doorasho ee ugu adag, balse iyadoon doorashaba dhawayn ay wakhtigan hawada isu marinayaan hadalo noocan ah, waxa la isweydiin karaa nooca ay khudbadahoodu noqon doonaan marka doorasho iyo ololayaasha la gaadho, waana arrin walaaceedu isa soo taarayo.

Doodda Muuse Biixi Cabdi iyo doodda jawaabta ahayd ee Cabdiraxmaan Cirro, labaduba may huwanayn dan qaran, midkoodna haddii uurkooda la baadhi lahaa muu difaacayn, umana doodayn dan qaran ee wuxuu qumisanayay dantiisa siyaasadeed.

Sidaas daraadeed, waxa labadan murashax la gudboon inaanay tartankooda iyo baratankooda siyaasadeed soo gelin danaha guud ee qaranka ee taabanaya masiirka umadda iyo nabadgelyada qaranka islamarkaana ay tartankooda ka ilaaliyaan arrimo qabyaaladeed iyo wax kasta oo kala fogaynaya shacabka walaalaha ah. Waxase ay sharaftooda iyo karaamadooda odaytinimo ku jirtaa inay soo bandhigaan barmaamijyo siyaasdeed oo ay dadka iyo dalka ku hanan karaan, waayo shacabka ay codka ka doonayaan wakhtigan la joogo way ka gudbeen kana koreen inay si fudud oo laab la kac ku doortaan hoggaamiyaha  dalkoodan curdinka ahi u baahanyahay.

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, isna waxa la gudboon inuu dhug u yeesho loolanka asxaabtu inaanu ka gudbin xadkii loogu tallo galay. Waa inuu niyadda ku hayaa inay dalka ka qabsoonto doorasho nadiif ah oo xor iyo xalaal ahi, si uu talada dalka u wareejiyo sidii loogu wareejiyay ee ahayd jawiga nabadgelyo.

Shacabka Somaliland, waxa iyaguna waajib ku ah oo looga baahanyahay inaanay dhagaysan durbaanada kala duwan ee ay siyaasiyiintu tumayaan islamarkaana aanay marna siyaasiga ay taageersanyihiin ku garab istaagin inuu ka gudbo xadka loo baahanyahay.

Ugu dambayn Muuse iyo Cabdiraxmaan, ha ogaadaan haddii ay shacabka kala fogeeyaan doorashada ka hor inay adkaan doonto cidda uu xukumayo ninka guulaystaa. Sidaas daraadeed, haka dheeraadaan hadal kasta oo kala fogayn kara shacabka ku midaysan qaranimada Somaliland, hana la yimaadaan bisayl siyaasadeed oo dadka isu soo dhaweeya, iyadoo la tartamayo.