“Muuse Haddaanu La Hadalno Waa La Qaylinayaa, Waa Madaxweyne Waa Guddoomiye, Aniga Waa Lay Caayaa Tolkayna Ma Hadlo”

0
1155

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng.Faysal Cali Waraabe ayaa Somaliland ku tilmaamay mid aan ka soconayn nidaamka qabyaalada oo aad dawladnimada u dhex xulay iyo muddo kordhinaha baarlamaanka ee dalka.

Guddoomiye Faysal ayaa xusay In masuuliyiinta dawlada iyo maayarada fashilma haddii la’la xisaabtamo ama warbaahinta laga dhaliilo ay beelahoodu difaacayaan, waxaanu ku tilmaamay nidaamka dawladnimo ee Somaliland inuu u muuqdo in been laysugu sheekaynaayo.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa hadalkan ka sheegay munaasibad casho ah oo ay xarunta daraasaadka siyaasadda ee CPA u qabatay dhallinyaro baratay hoggaaminta, waxaanu Faysal yidhi “Dadkan ina dul fadhiya yaa u kordhiyay, guurtidan isku sharaxaysa yaa u kordhiyay sidaynu u badbaadaynaa haddii aynaan sharciga ilaalinayn, been ayaynu ku noolnahay, been ayaynu ku noolnahay waa in runta loo yimaadaa, in umudda kale been loo sheego maaha sidan ku socon mayno in shanta sanoba aynu iska daba laadlaadno, doorashadu marbay dhacdaa marka olloluhu jiro ayaa la’la xisaabtamaa waxaas ayaad qaladay, waxaas ayaad qaladay,inagu markiiba waynu isla fuulaynaa waayo waxa lumay isu  dheelitirkii oo baarlamaankii ayaan shaqaynayn, haddii uu baarlamaanka UCID shaqaynaayo oo uu ku shaqaynaayo siyaasadii xisbiga anagu maanu hadalneen,iyaga ayaa noo hadli lahaa haddii maayarka aan soo doortay uu aniga iga amar qaadanaayo oo siyaasadayda uu ku soconaayo aniga ayaa ilaalin lahaa,madaxtooyada ayuu iska xaadirinayaa, waxa uu doono ayuu samaynayaa, Somaliland haddii aanay qabyaalada iska dayn, hadaanay tuugada iska dayn, qof kastaaba meesha uu joogo waa uu xadayaa, waxa uu inoo hayaa xil waa maayarkii iyo maayar ku xigeenkii way ka soo bixi waayeen shaqadooda qabiil ayaa lagu daafacayaa, Sheekh Aadan Siiro oo wali ka hadlaaya miyaad maqasheen maayarka Hargeysa, ma jirto, waayo waa qabiil, qabyaalad ayaa ina baabi’isay, Muuse imika hadaanu hadalno Facebook-ga ma galabee Sacad Muuse oo dhan ayaa qalinaaya, waa madaxweyne waa guddoomiye, aniga waa lay caayaa tolkayna ma hadlo oo bahasha ( qabyaalada)  ayaan iska tuuray, bahasha iska tuura qofka xil noo haya waanu la xisaabtamaynaa haddaad doonaysaan in aan la caayin caaqil ka dhigta oo ha fadhiisto maqaaxiyaha, laakiin xil ayuu noo hayaa waanu la xisaabtamaynaa.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here