Muuse Biixi Oo La Weydiiyay Wararka Sheegaya In Prof Samatar Lagu Bedelayo Cabdiraxmaan-Saylici

0
521

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha iyo murashaxa madaxweyne ee xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka jawaabay warar sheegaya in Prof Axmed Ismaaciil Samatar uu ku biiri doono xisbiga KULMIYE, ka dibna lagu bedeli doono murashaxnimada madaxweyne xigeenka Md. Cabdiraxmaan Saylici oo haddana ah murashaxa madaxweyne-xigeen ee KULMIYE.

muuse-biixi

Muuse Biixi, oo waraysi uu la yeeshay weriye Xamse Cali Bulbul oo ka tirsan HCTV, wuxuu kaloo ka hadlay xidhiidhka Djibouti uu la leeyahay oo ay dadka siyaasadda faaqidaa tilmaameen inuu dhaawac ku yimid ka dib sawir la baahiyay iyagoo wada jira ganacsade Cabdiraxmaan Boore.

Ugu horayn Muuse, wuxuu soo dhaweeyay heshiiska hordhaca ah ee dekedda Berbera oo uu sheegay inuu dalku u baahanyahay.

Isagoo ka jawaabaya xidhiidhkiisa Djibouti iyo sawirkaas cabdiraxmaan-Boore, wuxuu yidhi “Qof aanu meel isku salaanay sawir dawladeed xumayn maayo, meel walba oo la tago waa la isku arkaa. Markaas Booraa idinla joogay Djibouti xidhiidhkeeda xumayn maayo, Djibouti xidhiidhkeeda waxa xumayanaya wixii dhibaato ee xageena ka yimaada, qof kasta oo bini-aadam ah oo way is arki karaan way isa salaami karaan, way wada hadli karaan, waanu ognahay inuu mucaarad Djibouti ku yahay waa nin Somaliyed oo meel walba la isku arki karo, laakiin waxa dawgu  tahay Boore noolama iman karo wax Djibtouti xumaanteeda iyo dhibaatadeeda ah, hadduu noola yimaadana kama aqbali karno.” ayuu yidhi Muuse isagoo intaas raaciyay “tan dadka qaarkood yidhaahdaan nin baa lagu dhex arkay, ninkaas Cabdirxmaan Boore qolada Carbeed ayay saaxiib yihiin iyagaanu la socday, annaga mucaaradad iyo xan Djibouti midna noolaama iman karo.”

Muuse Biixi oo la weydiiyay kulan la sheegay inuu la yeeshay Prof Samatar, wuxuu yidhi “Axmed waan la kulmay oo waan la kulmi doonaa oo waan ku noq noqon doonaa oo waxaan tab iyo xeel isugu gaynayaa inuu xisbigayga ku soo biiro, inuu anaga na taageero oo aanu kuwa kale uga dheerayno oo aan iska iibino; qancino waa hawsha I hortaala, waa nin weyn oo culayskiisa siyaasadeed leh markaas haddii aanu KULMIYE nahay waanu raadinaynaa, geed gaaban iyo mid dheerba waanu u fuulaynaa.”

Mar la weydiiyay waxa ka jira wararka soo baxay ee sheegaya in laga yaabo in KULMIYE uu Prof Axmed Ismaaciil Samatar ku bedelo murashaxnimada Madaxweyne-xigeen Saylici, wuxuu yidhi “Axmed waxaanu aniga iyo Sayliciba halgan ugu jirnaa inaanu ku qancino inuu KULMIYE nagala shaqeeyo, aniga saylici iyo reer KULMIYE oo dhami. Axmed waa ninkaas qiimaha badan waa siyaasi weyn oo xisbiyadoo dhan ayaa u tartamaya markaas ugu yeedhi mayno Axmed inuu na taageero mooyee inuu dhexdayada muran ka dhasho.”