Muuse Biixi Oo Difaacay Khudbadii Madaxweyne Siilaanyo Ee Ay Xisbiyada Mucaaradku Dhaliileen, Kuna Taageeray Madaxweynaha Mawqifka Uu Ka Qaatay Xiisada Yemen

0
609

Picture6Hargeysa(Geeska):-Guddoomiyaha xisbiga muxaafadka ah ee Kulmiye Muj.Muuse Biixi Cabdi, ayaa soo dhaweeyey khudbadii madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo uu Sabtidii u jeediyey labada aqal ee baarlamaanka Somaliland, waxaana uu sheegay in khudbadaasi ahayd mid miisaan leh oo ka turjumaysa aragtida xisbiga muxaafadka ah ee Kulmiye.

Muj.Muuse Biixi Cabdi, ayaa hadalkan ka sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyey wargeyska Geeska Afrika, waxaana uu carabka ku dhuftay in khudbadaas madaxweyne Siilaanyo jeediyey aanay habayaraatee ku jirin wax dhaliilo ah.

"Khudbadii madaxweynaha, waxaan anigu u arkaayey in uu ka hadlaayey aragtidii xisbiga Kulmiye, khudbad miisaan keeda lehna waa ay ahayd, boqolkiiba boqolna wax dhaliil ahi kumay jirin.".Ayuu yidhi Muj.Muuse Biixi Cabdi.

Guddoomiyaha xisbiga muxaafadka ah ee Kulmiye Muj.Muuse Biixi Cabdi, waxaa uu sida oo kale uu ka hadlay aragtidiisa ku aadan xaalada dagaal ee muddooyinkii u danbeeyey ka taagnayd dalka Yamen iyo go’aankii uu madaxweyne Siilaanyo ku dhawaaqay ku saabsanaa wadankaasi.

"Si fiican ayaan u arkaa, liishaankaasi halkiisa ayuu qabsaday, ma'naynaan odhan duulaanka ayey ka qayb galaynaa oo kaa wali maynaan gaadhin, laakiin waxaa aynu nidhi Yamen waa dalka inoogu dhaw, dagaalkiisuna waa uu saameeya si walba, waxaa aynu leenahay dagaalkaas waa in la joojiyaa, waxaa aynu taageer sanahay dawladii la doortay, waxaa aynu diidanahay jabhadaha meesha qalaan qalka ka riday, dawladaha carbeedna ka mid ayeynu nahay, dawladaha Islaamkana ka mid ayeynu nahay mar walbana waa aynu is taageer sanaa oo iskaashi ayaa inaga dhaxeeya illayn carab baynu nahay, Islaam-na waa aynu nahee, markaa dagaalkaa carbeed ee Yamen lagu soo qaaday waa aanu ka soo horjeednaa, waa in dawladii la doortay la daayaa, waxaanu ku raacsanahay mawqifkaa ay istaagtay jaamacatul carab.".Ayuu yidhi Muj.Muuse Biixi Cabdi.