Muumin Seed Oo Ka Hadlay Ergo Uu Cabdiraxmaan-Cirro U Diray

0
626

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiye-xigeenka xisbiga Waddani Axmed Muumin Seed, ayaa ka hadlay ergo uu murashaxa madaxweyne ee xisbiga Waddani Md. Cabdiraxmaan-Cirro u diray.

1

Mr. Seed o shalay saxaafadda la hadlay wuxuu yidhi “Ergedii Guddoomiyuhu soo diray way I soo gaadhay waxayna ahaayeen laba xubnood oo hoggaanka ah iyo Xirsi bay ahaayeen saddexdaa xubnood. Wixii ay ka hadlayeen iyo mawqifkayga halkaan taaganahayna waan u sheegay, kolayna ergooyinku way badan yihiin, ergo weli saxday ama mawqifka aanu taaganahay waayo anagu ma nihin shakhsiyaad  Xisbiga laba garab baanu nahay garab Guddoomiyuhu hogaaminayo iyo garab anigu aan hogaaminayo. Markaa garabkayagu waa garabka toosinta iyo caddaaladda iyo garab kaa caddaalad darrada ah ee aanu ka nimid. Runtii aniga mawqifkaygu waxa weeye shirkii golaha dhexe ee ka dhacay Maansoor Hotel, Ambaasatoor Hotel ka dhacay ee labada cisho ee horena Maansoor ka socday halkaa wixii ka soo baxay caddaalad darray ahayd, sababtay u ahaydna waxa weeye shirka golaha dhexe xubnaha golaha dhexe asxaabta xisbiyada mucaaradk ah ama muxaafidba waa taro xiddadan, guddoomiyaha waxaanu isku ogayn laba boqol iyo kaw iyo konton buu haa golaha dhexe laba boqol oo kale ayaanu ku darnay afar boqol iyo kow iyo konton baanu ka dhignay afar boqol iyo kaw iyo konton kiibaa laga dhigay siddeed boqol iyo sagaal ruux oo runtii cid ansixisay iyo meel ay ka yimaadeen aan la garanayn. Markaa cidda halkaa lagu doortay iyo waxa halkaa ka soo baxay waxaanu anagu u aragnaa inuu yahay wax xaaraan ah ilaa laga soo dabaalo xisbiga sharciyaddiisii lagu soo dabaalana halkaa aanu taaganahay ayaanu taagnaan doonaa.”

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi “Xisbiga horta anaga xubno noogama soo bixin oo anuu raga xisbiga xubinta uga tegay ma ihi guddoomiye ku xigeenkii koowaad ee xisbiga ayaan ahay ilaa imikana guddoomiye ku xigeenkii koowaad ee xisbiga ayaan ahay waxaanu diidanahay waxa weeye qaabkay wax dhaceen baa caddaalad darro ahaa, haddii la saxo qaabkaa wada hadalku wuu sii socon doonaa hadii qaabkaa la sixi waayana dee labadaa garab buu xisbigu ahaan doonaa.”