Xaga Islaamka laba micne ayay kala leeyihiin ereyga umad iyo ereyga dawlad. Kitaab uu qoray sheekh Maqribi ah oo la yidhiaa Dr. Axmad Al-raysuni waxa uu kitaabka u bixiyay “umada ayaa asalka ah” waxa uu sheekhu kitaabkaa ku leeyahay “hadalka sharci waxa uu ku wajahanyahay umada ee kuma wahahna madaxda waxa uu ku wajahanyahay umada ee kuma wajahna dawlad. Waxa uu leeyahay sheekhu “ Ilaahay waxa uu soo dajiyay aayada ah “arinkooduna uu yahay wada tashi dhexdooda ah” 38 Al-shura
Muslimiinta oo maka jooga oo aan dawlad lahay. Sheekhu waxa uu leeyahay waa maxay umad umadi waxa weeye waa umada muslinka ah waa bulsho waynta muslimiinta rumaysan in ilaah kaliyahay oo aanu shariik lahayn, Nabi Maxamadna yahay rasuul iyo nabi, nabina aanu ka danbayn, diintooduna islaam tahay oo diin kale oo xaqi jirin. Markaa umad waxa looga jeedaa dhamaan muslimiinta waa ta ilaah kula hadlayo aayadahan: “Sidaas ayaanu idiinka dhignay umad caadil ah (Akhyaar ah) si aad dadka marag uga noqotaan, idinkana rasuulku marag idiinka noqdo” “waxaa tihiin umadii u khayrka badnayd ee dadka loo soo saaro” 110 Al-cimraan
Waxa uu soo qaataa sheekhu aayada badan oo musliniinta si guud uula hadlaya waxaana uu soo qaataa ayaadaha ku bilbaabma “kuwii ilaah iyo nabiga rumeeyayayow” markaas ayuu yidhaa heli mayno meel lagula hadlayo dawlad ama gole, ama nin madaxa hase yeeshee waxa hadalka ilaahay ku dhacayaa dhamaan umada.” Halkaa hadaynu kaga tagno hadalka shekha qof kasta oo muslin ihi meel uu joogaba waxsa uu ka mid yahay umada muslinka ah ee kaliya waxa uu leeyahay Dr. Xuseen Muunis umada muslinku waa mid waxa uu ilaahay yidhi, “ Tani waa umadiinii waana umad kaliya aniguna waxa aan ahay ilaahiinii ee ee caabuda” 92 Al-Anbiya
Dr. Muunis waxa uu leeyahay aayadan xikmad wayn ayaa ku jirta maxaa yeelay waxa ay leedahay in umada kali yihiin tahay umada ilaahay ee cibaadadii xaqa ahayd caabudaysa ilaahay waa umad iimaan kaliya oo mideeya leh ee aanay (qasab ahayn) in taliya kaliya yeelato, umada muslinka ah ee iimaanka kaliya lihi way kala yeelan kartaa deegaamo siyaasadeed oo kala duwan dhibina kuma jirto” haklaa ayuu ku dhamaaday hadalkii Dr. Xuseen muunis oo ku yimid kitaabkiisa “Islaamku waa ilbaxnimo” garanay in muslimiintu meel ay joogaanba yihiin umad kaliya oo ay waajib tahay inay isu hiiliyaan, isu naxariistaan, garab isu noqdaan, walaalo ilaahay nodaan, muxuu islaamku ka qabaa in dawlado kala duwana la samaysto? Waxa su’aashaa ka jawaabaya imaamka wayn Al-shawkaani, hadalkaa oo uu ku sheegay kitaabkiisa Al-Sayl-Al-jaraar. Waxa uu yidhi imam shawkaani farqi ayaa u dhexeeya shida maamulku ahaan jiray islaamka bilawgiisii yo sida uu maanta yahay. Kol hadii islaamku sidan u ballaadhay waxba kuma jabna in madax kala duwun la samaysto(deegaan walba) deegaan kastaana waxsa ay u hogaansamayaan madaxa deegaan kooda ka talia waajibna kuma aha inay u hogaansamaan madaxda deegaamada kale” halkaa ayuu ku dhamaaday hadalkii imam shawkaani waxa aynu jeclaan lahayn in umada islaamka ah oo dhami dawlad kaliya yeelato, waa himilada qof kasta oo muslin ah waa ay se suurta gali wayday sidaa darteed wax inoo diidayaa ma jiro in aynu samaysano dawladeena gaar ka ah sida culumada sheegeen Somaliladn jiritaankeeduna waa xaq, maantana dawladaa aynu samaysanay waa taa aynu ku kala badbaadnay ee nabada ku haysano. Muslimiintana waxa ay leeyihiin dawlada badan oo dhul ahaan iyo dad ahaanba inaga tira yar buburinta somaliland iyo nabadaasi kolba wada ayaa loo soo maraaye yaan loogu soo gaban shaadh diineed.
Wa bilaahi tawfiiq