Geedka Garanwaaga Oo Laga Samaynayo Cunto La Quuto

0
1155

Hargeysa (Geeska)-Hay'adda PENHA ayaa soo bandhigtay faa'iidada uu leeyahay Geedka Garan-waagu oo inta badan aanay dadku ka faa'iidaysan, waxayna soo bandhigeen Cuntooyin kala duwan, dhuxul, Qalabka dhismayasha Guriyaha iyo waxyaabo badan oo geedka Garan-waaga laga sameeyey .

Xaflad (4)

Tababar ku saabsan manaacafaadka geedka Garan-wanaag oo ay soo qaban-qaabisay Hay'adda PENHA ayaa lagu  lagu qabtay Mansoor Hotel, waxaana ka soo qayb galay Wasiirka Wasaaradda Deegaanka Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare, Guddoomiyaha Nerad Maxamed Muuse Cawaale, Guddoomiyaha Guud PENHA ee Somaliland iyo Somaliya Marwo Sacdiya Muuse Axmed, Hay'addo, Ururo, iyo khubaro ku xeel dheer arimaha Deegaanka,

 Guddoomiyaha Guud ee PENHA ee Somaliland iyo Somaliya Marwo Sacdiya Muuse Axmed, ayaa waxay sheegtay in Geedka Garaawgu munaacafad badan leeyahay, wax yaabo badan oo dadka faa'iido u lehna in laga soo saari karo, waxayna tidhi "Geedka Garanwaaga haddii la is yidhaahdo ha la jaro lama dhamayn karo, waxaanu doonaynaa in loo isticmaalo bayacmushartar oo dadku dhuxul ka dhigtaan, oo qoryo laga sameeysto, oo Guriyaha lagu dhisto, caleemihiisa iyo midhihiisana cunta laga sameeysto, oo Laatin America daqiiqda  ugu badan waxa laga sameeya Geedka Garan-waaga, waxaana doonaynaa in aan inaguna ka faa'iidaysano, oo aynu dadkeena ku  tababarno sidii aynu uga faa'iidaysan lahayn waxtarka uu leeyahay Geedkani, una joojin lahayn dhuxushan inaga baabinaysa geedihii intifaaca inoo lahayd, sida Galoolka iyo dhirteena waaweyn ee qiimaha leh".

Guddoomiyaha guud ee Hay'adda PENHA ee Somaliland iyo Somaliya Marwo Sacdiya Muuse Axmed, ayaa mar ay ka hadlaysay Cuntooyinka laga sameeyo Geedka Garan-waaga ah waxay tidhi "Geedka Garanwaaga, waxa laga sameeyaa Laxoox, Buskud, Quraac".

Dhanka kale waxa iyana halkaas ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Deegaanka Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Bandare iyo Guddoomiyaha Hay'adda Nerad Maxamed Muuse Cawaale, waxayna tababarkan uga mahadnaqeen Hay'adda PENHA, iyaga oo sheegay in loo baahan yahay sidii la iskaga kaashan lahaa qiimaha uu leeyahay Geedka Garan-waagu iyo sidii meesha looga saari lahaa waxyeeladiisa.

Dhanka kale iyada oo Tababarkaas laga soo jeediyey macluumaad badan oo la xidhiidha qiimaha Geedka Garanwaaga ayaa Nick Pasiecznik oo ah khabiir ku xeel dheer arimaha deegaanka ayaa si gaar ah waxa uu sharaxaado badan ka bixiyey Geedka Garan-waaga iyo faa'iidada uu leeyahay.