Musharraxa Xisbiga WADDANI Oo Madaxweyne Muuse Biixi Ku Eedeeyay Inuu Qalqaalsanayo Muddo-kordhin Aan XIlligan Suurto-gal Ahayn

0
361

“Waxaa cad in Madaxweynaheennu kala-qeybsanaantii uu ku yimid aanu weli ka waantoobin; maalin walba waxa uu la soo baxayaa dhaqan cusub, isaga oo ku darsaday inuu maalinba tiir dawladnimadu ku taagan tahay duminayo…” Cirro

Hargeysa (Geeska) – Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ka hadlay buuqa siyaasadeed ee ka dhashay Dhawaaqa Xukuumaddu ku sheegtay in la furay Ururrada siyaasadda iyo khilaaf salka ku haya Xeerka Furista Ururrada oo ka dhex qarxay Xildhibaannada Golaha Wakiillada JSL.

Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan-cirro oo dalka dibeddiisa safar ugu maqan, ayaa qoraal dheer oo uu kaga hadlay Xaaladda siyaasadeed ee dalku ka galay oo uu ku baahiyey Facebook, wuxuu Madaxweynaha ku eedeeyay inuu qalqaalsanayo Muddo-kordhin loo sameeyo, taasi oo uu tilmaamay in aanay xilligan suurto-gal ka ahayn dalka.

Qoraalka Cabdiraxmaan-Cirro ayaa isagoo dhamaystiran wuxuu u qornaa sidan “Dawladnimadeenna waxa saldhiggeeda ugu weyni yahay in uu sarreeyo sharciga. Muddadii uu talada dalka hayay Madaxweyne Muuse Biixi waxaa Xisbiyadayada Mucaaradka dulqaadkooda xudun u ahaa dhawrista kala dambaynta, hannaanka dawladnimo & nabadda, welina waa ay ku taagan yihiin kuna adag yihiin, laakiin waxaa cad in Madaxweynaheennu kala-qeybsanaantii uu ku yimid aanu weli ka waantoobin; maalin walba waxa uu la soo baxayaa dhaqan cusub oo uu ummadda ku kala irdhaynayo isaga oo ku darsaday inuu maalinba tiir dawladnimadu ku taagan tahay duminayo.

Waxaa cad in uu maalinba maalinta ka dambeysa sharciyaddii dalka iyo nidaamkeennii dawladnimo sida uu doono uu ka yeelayo, nabadda iyo dawladnimadii dadka ka dhexaysayna u sadqaynayo damaciisa iyo doonistiisa, taana waxaa daliilkeeda innagaga filan fawdada uu geliyey Golihii Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland & ciidanka xabbadda nool u adeegsaday Xildhibaannadii xasaanadda Dastuuriga ah huwanaa, isaga oo aann nabarradii hore dhayin ayuu Madaxweyne Muuse horteenna ku tumanayaa sharciga dalka, wax uuna rabaa in uu gacantiisa ku baabii’yo Hay’ado Dastuuriya ah oo muddo xileedkoodii dhammaan isna mudho kordhin aan sinnaba ugu suurtogalayn cidla ka baadhbaadho, laakiin waxa uu mooggan yahay in isagana sharciyaddiisa Madaxweynannimo mugdi geli doonto haddii aanu ixtiraamin Dastuurka iyo Shuruucda kale ee dalka.

“Nin daacad hoggeeda qoday, miyuu ka dambaynayaa”? Abwaan Hadraawi.

Doorashadii Madaxtooyada xilligeedii ku qabo November 13, 2022 qiiq isku qarin iyo Urruro xilligoodii ka hor la furayo lagaa yeeli maayo, Axsaabta Mucaaradka ahina waa u diyaar in Ururrada siyaasadda xilligooda la furo, shacbigana jaho-wareerinta Muusow ka daa. Annigu diyaar baan u ahay inaan furo Ururrada siyaasadda haddii aan ku guulaysto xilka Madaxweynanimada ee JSL, bal shacbigu Somaliland ha is waydiiyaan in Ururrada siyaasadda la furo waxay ku sinnayd saxeexa Muuse ee haddii ay ka run tahay furista Ururradu muxuu u saxeexi waayey markii uu horyaallay Xeerku ee intuu soo diiday ugu soo celiyay Golaha Wakiillada?

Muuse waxa aan u sheegayaa in aanay shalay maanta ahayn. Xisbiyada Mucaaradka ah ee aqlabiyadda Jamaahiirta Somaliland wata ma kaa yeelayaan mana u qudhqudh samayso in aad hortooda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dimuqraadiyaddeeda ku burburiso.”

 

Geeska.net/Hargeisa Office