Musharaxa Madaxweyne Ku Xigeen Ee Xisbiga Ucid Oo Ka Hadlay Heshiis Ay Ka Dhex Wadaan Laba Beelood Oo Dagaal Dhawaan Dhexmaray

0
611

Hargeysa (Geeska) – Murrashaxihii Madaxweyne  Ku-xigeenka Xisbiga UCID, Prof Axmed Cabdi Muuse (Abyan) ayaa ka hadlay heshiis ay ka dhex wadaan laba Beelood oo dagaal dhawaan dhexmaray, waxaanu tilmaamay inay hadda meel fiican wax u marayaan, waxaanu ka digay in laga hor tago wax kasta oo fidno iyo cadawaad keeni kara.

Musharrax Madaxweyne  Ku-xigeenka Xisbiga UCID  Prof. Axmed Cabdi Muuse Abyan oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay geeridii ku timid Guddoomiye ku-xigeenkii koowaad ee Xisbiga UCID oo lagu aasay Boorama, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Muddooyinkii ugu dambeeyey Gobollada Bari ee dalka ayaanu joognay, Deegaano kala duwan ayaan soo maray, waxaanu ku jirnay hawl-galo nabadayn ah, waxaanu ku jirnay hawlo heshiisiin ah, waxaanu rabnaa in Beelaha walaalaha ah ee shaydaanku ka faa’iidaystay ee dagaalku dhexmaray in aanu heshiis dhex dhigno, haddana hawshu meel aad iyo aad u fiican ayay noo maraysaa, markaas waxaan leeyahay labada Beelood ee walaalaha ah mar dambe yaanay dhicin inaad dagaal dhexdiina ka dhaco oo yaanu shaydaanku idinka faa’iidaysanin, ILLAAHAYNA waxaan ka baryayaa inuu mar walba xaqa, wanaaga iyo khayarka inagu sugo, inuu xaqa ina waafajiyo, qof walbana waxaa u habboon inuu akhiradiisa xasuusnado, oo uu ku ducaysto inuu ILLAAHAY khaatumada khayr ugu khatimo, cid kasta oo nabadayntan ku jirta iyo cid kasta oo uurka ka jecel in nabadayntani guul ku dhammaato, ILLAAHAY miisaanka xasaanaadka ha ugu daro, ee fidnada iyo cadawaada ha laga dheerado, oo samaha ha lagu dadaalo mar walba, wax kasta oo la isku hayana sida ugu haboon ha loo xaliyo”.

Mar uu ka hadlayey Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee Xisbiga UCID geeriyada ku timid ayaa yidhi “ILLAAHAY ha u naxariisto walaalkeen Qaasim, oo xaqii u yimid, waxaana ILLAAHAY uga baryayaa inuu jannadii ka waraabiyo, Samir iyo imaana ka siiyo ehelkii, qaraabadii, qoyskii,asaxaabtii iyo umadda Islaamka ee uu ka baxay, waxaana si gaar ah tacsi ugu dirayaa Taageerayaasha Xisbiga UCID maadaama uu naga baxay, ILLAAHAY meel roon ha mariyo”

 

Geeska.net/Hargeisa Office