Murrashax Cawl Oo Ka Dhexmudhay Ololaha Doorashada KULMIYE Ee Berbera

1
648

kaaasBerbera-(Geeska)-Ganacsade Xaaji-nuur Cabdillaahi Beegsi(Cawl) oo ka mid ah murrashaxiinta Xisbiga Kulmiye ee magaalo-xeebeedda Berbera, ayaa ka dhexmudhay tartanka ololaha doorashada Kulmiye maalintiisa labaad ku soo bandhigay magaalada.

 Gancsade Xaaji-Cawl waxa uu soo bandhigay cududiisa taageero ee uu haysto oo buux-dhaafiyay Xafiisyada iyo goobaha ololaha ee ku leeyahay magaalada Berbera, isagoo taageerayaashiisa ugu mahadceliyay cududa ay muuujiyeen, islamarkaana u ballanqaaday inuu wax ka qaban doono addeegyada arrimaha bulshada ee reer Berbera tebayaan, gaar ahaan Laydhka oo aafo ku noqday nolosha dadka iyo bilicda magaalada.

 Murrashax Xaaji-nuur Cabdillaahi Beegsi(Cawl) waxa uu bulshada reer Berbera kula dardaarmay inaanay codkooda siin murrashax ka shaqaysta ee ay u codeeyaan murrashaxiinta aan dhaqaale-doonka ahayn.

Murrashax Xaaji-nuur Cabdillaahi Beegsi(Cawl) Waa musharaxa keliya ee isu eekaysiiyay midabka gaadiidka ololaha, garamaan, iyo koofiyado dhammaantood lagu buufiyay calanka Kulmiye astaanka murashaxa iyo Numberkiisa oo ah 313.

Comments are closed.