Murashax Cabdilaahi Aw Aaden Oo Farriin Muhiim Ah U Diray Taageerayashiisa

0
659

 

Picture3Hargaysa( Geeska )- Musharax Cabdilaahi Aw Aadan oo uga sharaxan urur siyaasadeedka Xaqsoor magaalada Hargaysa, ayaa taageerayaashiisa guud ahaan ugu baaqay inay u diyaar garoobaan maaalinta cod bixinta oo ay u  muujiyaan taageerada buuxda ee ay la barbartaagnaayeen intii ololahu uu socday.

Musharaxa Cabdilaahi Aw Aadan, oo xalay nagu soo booqday xarunta wargeyska Geeska Afrika, wuxuu  ka codsaday taageerayaashiisa inay maalinta cod bixinta si nabadgelyo ah u codeeyaan,  waxaanu mar kale ku celiyay inuu wax badan ka qaban doono caasimada baylahsan ee Hargaysa, isaga oo madeegsanaya aqoonta uu u leeyahay maamulka dawladda hoose.

Musharaxa Cabdilaahi Aw Aadan  waxa kamid aha hadaladiisa  “ Waxaan ugu baaqayaa taageerayaashayda  qiimaha mudan inay maalinta u danbaysa ee ololaha ay muujiyaan cudud lixaad leh, waxaa aan aad uga codsanayaa taageerayaasha inay maalinta doorashada si fiican iigu codeeyaan oo ay buux dhaafiyaan goobaha cod bixinta, si aan wax uga qabto baahiyaha is biirsaday ee yaala magaalada Hargaysa.”

Musharaxan waxa uu sida oo kale ugu danbayntii ugu baaqay taageerayashiisa inay ilaalinyaan nidaamka iyo amaanka guud, si doorashadu ay ugu dhacdo si amaan ah, “Waxaan markaas taageerayashayda ugu baaqayaa inay ilaaliyaan ammaanka iyo nidaamka doorashada, waayo doorasho qurux badan oo qabsoontaa dalka ayay sharaf iyo magac u tahay.” Ayuu yidhi Cabdillaahi Aw Aaden.