Muqdisho: Qarax Lala Beegsaday Hoteel Mar Hore La Qarxiyay

0
506

Muqdisho(Geeska/W.Wararka)-Laba qof  ayaa dhintay afar kalena way ku dhaawacmeen kadib markii  shalay  qarax ismiidamin ah uu ka dhacay makhaayadda Village ee magaalada Muqidsho, ee xarunta Somaliya.

1

Weriyayaasha ayaa  sheegaya in makhaayadan ay fadhiyeen weriyayaal, kuwaasi oo ka war-helay qofka is qarxiyay ka hor isqarxintiisa, iyagoo arkay in qofkasi uu la rafanayay waxyaabihii uu isku soo xidhey ee uu doonayay in uu isku qarxiyo.

Weriyayaasha ayaa meeshaasi ka cararay daqiiqada kadibna, waxaa halkaasi ka dhacay qarax, waxaa ku dhintay laba qof oo uu ku jiray ninkii qaraxa isku soo xidhay.

The Village ayaa ah makhaayad ay inta badan tagaan shaqaalaha dowlada iyo Suxufiyiinta, waxaana weeraradii sanadihii hore halkaasi ka dhacay uu dhimasho iyo dhaawac kasoo gaaray dad badan oo rayid ah iyo suxufiyiin.

Mulkiilaha Makhaayada Village Axmed Jaamac ayaa kamid ah ganacsatada dib uga soo noqday dalka Ingiriiska ee maalgashtay magaalada Muqdisho, wuxuuna hore u sheegay inaanu magaalada Muqdisho uga carari doonin weerarada kala gedisan ee lala beegsaday illaa labo makhaayadood oo uu ku leeyahay Xamar.