Muqdisho: Hoteelkii La Qarxiyay Oo La Ogaaday In Farmaajo Uu Shir Ugu Qaban Lahaa Madaxda Maamul Goboleedyada

24
3122

Muqdisho(Geeska/W.Wararka)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa la sheegay inuu hoteelkii Naasa-hablood ee uu qaraxu ka dhacay Sabtidii uu u qorsheeyay inuu ku qabto shirka madaxweynayaasha maamul goboleedyada Somaliya oo ka furmay Muqdisho Axadii.

Telefishanka Aljazeera, qaybtiisa Ingiriisida ayaa habeen hore baahiyay in Mr. Farmaajo uu qorsheeyay inuu subaxnimadii Axadii doraad ku qabto hoteelkaas shirka uu la leeyahay madaxweynayaasha maamul goboleedyada, laakiin markii uu Sabtidii gelinkii dambe qaraxu dhacay, waxa shirka oo furmayay Axadii loo bedelay goob kale.

Telefishanku wuxuu sheegay inaanu madaxweyne Farmaajo hoteelka ku sugnayn markii uu qaraxu dhacay laakiin uu subxnimadii Axadii iman lahaa si uu shirka u furo.

Weerarkaas ayaa wuxuu keenay in Madaxweyne Farmaajo uu caydhiyo oo xilalkii ka qaado madaxda ammaanka ee dawladiisa, waxaanu weerarkani imanayaa toddobaad ka dib iyadoo uu Muqdisho ka dhacay weerarkii ugu xumaa ee abid ka dhaca dalka Somaliya.

Dadka ka faallooda arrimaha ammaanka ayaa aaminsan in Madaxweyne Farmaajo uu ku fashilmay wax ka qabashada ammaanka Muqdisho oo keliya, marka la eego weerarada iyo qaraxyada kala duwan ee ka dhacay mudadaas bilihii uu xilka hayay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here