Goob-Joogayaal Ka Socad 24 Dal Oo Kormeeri Doona Doorashada Madaxtooyada Iyo Dunida Oo U Muuqata Inay Isha Ku Hayso Somaliland

0
3294

Hargeysa (Geeska)-Xukuumadda Somaliland ayaa shaacisay inay doorashada madaxtooyada Somaliland kormeeri doonaan 60 goob-jooge caalami ah oo ka socda 24 wadan oo dunida ah, kuwaas oo warbixin ka soo saari doona qaabka ay doorashadu u qabsoonto.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, oo u waramay wargeyska Geeska Afrika, ayaa wuxuu sheegay in wada hadaladii Somaliland iyo Somaliya la bilaabi doono marka ay Somaliland doorato madaxweyne cusub.

Wasiirka oo uu Geeska Afrika weydiiyay tirada goob-joogayaasha dalka u imanaysa arrimaha doorashada, wuxuu yidhi  “Goob joogayaashu markoodii ugu horeeysay ee inoo yimaadan maahee, mar kasta oo Doorasho wadanka ka dhacdo wey yimaadan, iyagoo urursan oo abaabulan iyo iyagoo kali kaliyaba wey inoo yimaadan, waxayna u yimaadan inay markhaati ka noqdaan habsami u socodka ay Doorashadu u socoto, hor dhacoodiina wey joogaan, oo imikaba wey la socdaan u diyaar-garawga Doorashada, maalinta ay Doorashadu dhacayso dabcan goobaha codka laga bixinaayo wey tagayaan, siday cadaadu ahaan jirtayna markay Doorashadu dhammaato warbixin bay ka bixinayaan Doorashada iyo siday u dhacday, waxaana insha-allaah rajaynayaa in sidii barigii horeba ahaan jirtay inay imikana markhaati ka noqdaan, Doorashada oo si nabad ah oo xor iyo xalaal ah inoogu dhacda, Doorashadana runtii Doorashooyinkii hore aad bay ugu duwan tahay oo qiimo aad u badan bay inoogu fadhidaa, haddii aynu reer Somaliland nahay, waxa inoo iman doona lixdan goob jooge, oo 24 wadan ka socda, goob joogayaashuna aad iyo aad bay u badan yihiin oo warbixintooda oo dhan Komishanka ayaa haya, balse Qaarad walba way ka imanayaan, ”.

Wasiir Sacad mar uu baaq u diraayey Shacabka iyo Madaxda Axsaabta ayaa yidhi “Waxaan ku baaqayaa in la ilaaliyo nabada, midnimada, qaranimada, in la dhawro, oo la xishmeeyo nidaamka Doorashada, ee ay inoo dhigeen Komishankeena Doorashadu, walibana Doorashadani Doorashooyinkii hore oo dhan wey ka wanaagsan tahay, habka ay u dhici doonto, insha-allaahu,waxay noqon doontaa mid aan lagu noq-noqonin, oo lagu kala badiyo marba sida loo kala cod badan yahay, markaas nidaamka wanaagsan ee aynu dhiganay, ee lagu kala bixi doono Doorashada, waxa muhiim ah in aan laga hor dhicin,oo laga dhawro wixii dhibaato iyo turxaan ah, Caalamka oo dhan ayey indhihiisu inagu soo jeedaan, wax kasta oo halkan ka dhaca oo xumaan iyo samaan ah waa la qaadaya, waana la balaadhinayaa, markaas waa in la ilaaliyo sharafta, karaamada, midnimada iyo nabada Somaliland”.

Mar aanu wax ka weydiinay wada hadaladii Somaliland iyo Somaliya halkay ku dambeeyeen iyo waxa laga yeelayo maadama muddo xileedkii Xukuumaddani dhammaad ku dhaw yahay wuxuu ku jawaabay “Marka aynu doorano Madaxweyne cusub ayeynu wada hadaladii bilaabayna, markii hore iyaga ayeynu sugaynay,oo wada hadaladu iyaga ayey sugayeen, oo iyagu (Somaliya) Madaxweynahoodii wey doorteen, imikana inagu Madaxweynaheenii ayeynu dooranaynaa, marka aynu doorano markaas ayey wada hadaladu bilaabi doonaan insha allaahu”.

Wasiir Sacad mar aanu wax ka weydiinay waxyaabaha ugu muhiimsan ee lagu heshiiyey, iyo sababta keentay in ilaa qadiyada madax banaanida Somaliland loogu soo dari waayey wada hadalada ayaa ku jawaabay “Horta wax badan oo lagu heshiiyey maba jiraanba, arinka kaliya ee heshiiska laga galay wuxuu ahaa arinka maamulka Hawada,arinkaasina xagooda ayaanu ka fulin, laakiin wada hadalada dambe arin farsamo oo qudha ma noqonayo ee wuxuu noqon doonaa in arin masiiriya laga hadlo, markaas kolay uu ka duwanaan doonaan sidii hore”.

Wasiir Sacad mar aanu wax ka weydiinay Somaliland iyo Somaliya cid isla keh masuuliyada ah in wada hadaladu hakad galaan ayaa ku jawaabay“Waxa iskugu keen dambaysay bishii afraad ee 2015, marka waxa la sugaayey inay Somaliya Madaxweyne doorato, marka waxa la yidhi aynu hakino ilaa Madaxweyne cusub aad dooranaysaan, kadibna Doorashadii Madaxweynaha ayaa dib u dhacday, markii ay doorteena teenii ayaa soo dhawaatay, marka waxa la yidhi markaynu inagu doorano Madaxweyne dib ha loo bilaabo, markaas iyaguna kamay bixin inaguna kamaynu bixin, wuxuun baa galay hakad, la sugayo Madaxweynayaasha la dooraanayo,  wada hadaladana dib ayaa loo bilaabi doonaa”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here