Muqdisho: Cisbitaal Qarax Lala Eegtay Iyo Dhakhtar Ku Geeriyooday

0
634

Picture3Muqdisho (Geeska) -Hal kalkaaliye caafimaad ayaa ku dhintay Dakhtarna waaa uu ku dhaawacmay qarax ka dhacay qaybta gawaadhida la dhigto ee Cisbitaalka Keysaney ee Muqdisho. Lix qof oo kale oo la joogay bukaan ayaa ku dhaawacmay qaraxa oo loo malaynayo inuu ka dhashay bam lagu xidhey gaadhi uu lahaa dhakhtarka dhaawacmay. Kaaliyaha caafimaad ee qaraxa ku dhintey ayaa la odhan jirey Dr Mahad Cabdi Xaafid iyadoo kan dhaawacmeyna la yidhaahdo Dr Cabdiqaadir Xuseen Jimcaale (Xoogga) waxana labaduba ay ka hawlgali jireen Cisbitaalka Keysaney. Ma jirto cid sheegatay qaraxa ka dhacay isbitaalka Keysaney, waxana uu noqonayaa qaraxii ugu horreeyay oo ka dhaca gudaha isbitaal laguna bartilmaameedsado dhakhaatiir.