Hargeysa (Geeska) – Munaasibad Ballaadhan oo Habeen Hore lagu Qabtay Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa, ayaa waxa lagu Daah-furay Buug laga qoray Taariikhda Alle ha u Naxariistii Sheekh Ibraahim Sheekh Yuusuf Sheekh Madar oo ahaa Guddoomiyihii u horeeyay ee Golaha Guurtida Somaliland isla-markaana door Shariif ah ku lahaa Nabadeynta Beelaha Somaliland.
Buuggan oo Magaciisu yahay GO’AAN iyo GEESINNIMO, isla-markaana uu qoray Cali Cabdi Coomay oo ka mid ah Qorayaasha Reer Somaliland, ayaa Munaasibadda lagu Daah-furey waxa ka qayb-galay Masuuliyiin ka mid ah Xukuumadda, Madax-dhaqameed, Culimo iyo Dadweyne kale oo Mudan.
Ugu horeyn, waxa Xafladdaasi ka hadlay Qoraaga Buugga Sheekh Ibraahim Sheekh Yuusuf Sheekh Madar, Qoraa Cali Cabdi Coomay, waxaanu yidhi, “Waxaan u Mahad-celinayaa Shirkadda Daabacadda ee Asal oo soo qaban-qaabisay Xafladda. Buugga oo Magaciisu yahay GO’AAN iyo GEESINNIMO, waxaan qoristiisa bilaabay bishii tobnaad ee Sannadkii 2013-kii. Labada Kalmadood ee GO’AAN iyo GEESINNIMO waa laba astaamood oo Alle ha u naxariistii uu Sheekh Ibraahim lahaa. Intii aan buuggan qorayey waxaan ka helay Waayo-aragnimo Saddex jeer ka badan Da’deyda. Dhabarka dambe ee Buuggu Midabkeedu waa Caddaan, waxaan uga jeedaa Caddaaladdii Sheekh Ibraahim, Wejiga horena waa Akhtar oo waa Barwaaqo. Buuggu wuxuu ka kooban yahay Afar Cutub.”
Cabdiqaadir Sheekh Yuusuf Sheekh Madar, oo ku hadlayey Magaca Qoyska ilma Sheekh Yuusuf Sheekh Madar, waxaanu yidhi, “Waxaan Ka Mahad-naqayaa Buugga laga qoray Sheekh Ibraahim Sheekh Yuusuf Sheekh Madar oo ahaa Guddoomiyihii Guurtida Somaliland, ahaana Sheekhul-beledka Dalkeenna. Buuggu wuxuu ka sheekaynayaa Doorkii uu Sheekh Ibraahim ku lahaa Halgankii, Tacabkii iyo Nabadeyntii Dalka, ILAAHAY Naxariistii Janno haka Waraabiyo. Waxa kale oo aan u Mahad-naqayaa inankaa Buugga qoray ee Cali Coomay.”
Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho-Xidho) oo ku hadlay Magaca Xildhibaannada Golaha Guurtida Somaliland, ayaa sheegay inay muhiim tahay in la weeleeyo Taariikhda Dadka Sheekh Ibraahim ka mid yahay ee Wakhtigooda iyo Maalkoodaba geliyey in Horumarinta Dalkooda, isagoo sidoo kalena amaanay Qoraaga Buugga Cali Coomey oo uu xusay inuu Dadka ka furtay Waajibaad u yaalay.
Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax oo ka mid ah Ashkhaasta ay Muddada dheer soo wada shaqeeyeen Marxuum Sheekh Ibraahim, oo isaguna halkaa ka hadlay, ayaa yidhi, “Marxuumka waxaanu soo wada shaqeynay illaa Halgankii, Raggii Golaha Guurtida Aasaasay ayuu ka mid ahaa, Hormoodkooda ayuu ahaa, isaga iyo Raggii la midka ahaa waxay ka qayb-qaateen Shirarkii Nabadeynta ee Dalka Gudihiisa ka socday Bari illaa Galbeed. Golaha Guurtida oo Sheekhu hormood u ahaa waxay SNM u qaabilsanaayeen dhinaca Nabadda.”
Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali oo hadalkiisa sii wata, waxa uu sheegay in Marxuum Sheekh Ibraahim Guddoominayey Shirkii Beelaha Somaliland ku heshiiyeen ee Somalilandna ku hano-qaaday, “Shirkii Boorama ee lagu soo unkay Somaliland, dib u heshiisiinta ugu weynaydna ku soo dhammaatay isagaa Guddoominayey.” Ayuu yidhi.
Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Xisbul-Xaakimka KULMIYE Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed, oo isaguna Munaasibadda lagu Daah-furay Buugga GO’AAN iyo GEESINNIMO ee Taariikhda Marxuum Sheekh Ibraahim Sheekh Yuusuf Sheekh Madar, ayaa yidhi, “Qofka waxa lagu qiimeeyaa Marka Marxalad Adag la marayo, Marxaladaha adag ee uu Sheekh Ibraahim ka dabbaashay waxa ka mid ah Shirkii Boqolka Nin ee uu 1985-kii ku qabtay Sheekh Madar iyadoo Hargeysa la isku bireynayey ee aanu jiri kareynin ee Gaani halkan (Hargeysa) ka dhibi lisanayey, waxaana wakhtigaa la kari waayay in la qabto, Waayo? Marka Go’aan xaq ah la qaato, ma shaqeeyo Go’aanka Xad-darada ahi. Cadaroosh bay Diyaaraddii Hargeysa ka kacday Dadka ku duqeysay, Qof walba wuu cararay, Sheekh Ibraahim iyo Nin kale mooyaane.”
Mujaahid Maxamed Kaahin, waxa kale oo uu sheegay, “Sheekh Ibraahim wuxuu ahaa Nin Dhiiran. Iyadoo Hargeysa ay ka amar ku-taagleeyaan Nimankii Odayaasha ahaa (Faqashtii), ayuu Isaguna Shirarka ku kala waday Sheekh Madar.” Ayuu yidhi, isagoo ka sheekeeyay dhacdooyin la yaablay oo lagu xasuusto Marxuum Sheekh Ibraahim Sheekh Yuusuf Sheekh Madar.
Muuse Xirsi Obokor oo ka mid ah Odayaasha Reer Somaliland ee aqoonta badan u lahaa Marxuum Sheekh Ibraahim, ayaa isaguna yidhi, “Waxaan ka mid ahaa Guddidii Cadaroosh, waxaan ka mid ahaa Guddidii Shirkii Boorama iyo Guddidii fulinta ee Shirkii Burco, Sheekh Ibraahim lama sifeyn karo waxa uu ahaa. Shirkii Cadaroosh, ilaa Kii Boorama iyo wixii ka dambeeyay wuxuu ku sifoobay Hormoodnimo, wax la siinayo maaha ee wuu ku sifoobay.”
Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), oo isaguna halkaa ka hadlay, ayaa yidhi, “Aniga hadal badan iigama bannaana halkan, oo waxa igu filan Xafladdaa loo qabtay Sheekh Ibraahim Sheekh Yuusuf Sheekh Madar. Waxa la dabbaacay 1500 oo Koobi, Anigu waxaan qaadanayaa 200 buug oo ka mid ah, Maayarka Hargeysa oo aan kala hadlayna wuxuu qaatay Boqol Buug oo isaga ah iyo 100 buug oo Golaha Deegaanka Caasimadda ah, Boqol kale waxaanu u sheegnay oo uu qaatay Ganacsadaha Maxamed Xuseen Axmed (Indho-birta), Reer Sheekh Madar oo Sahra Qaadi Wakiil ka tahayna waxay qaateen 200 oo Buug, Khadar Cali Gaas wuxuu qaatay 200 Buug, Xisbiga WADDANI wuxuu qaatay 200, Wasiirkii hore ee Madaxtooyada wuxuu qaatay 200 buug, Faadumo Siciid waxay qaadatay 50 Buug, Shirkadda Telesom waxay qaadatay 100 Buug.”
Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xaaji Cabdillaahi Xasan Rakuub oo ku hadlayey Magaca Shirkadda AZAL oo Buuggan daabacaday, ayaa isaguna halkaa ka sheegay inay sii wadayaan daabacadda iyo badinta Buugga Sheekh Ibraahim, maaddaama oo intii ay hore u daabaceen lagu iibsaday Xafladdii Daah-furka.
Sheekh Cabdirsaaq, waxa kale oo uu sheegay in Shirkaddoodu u taagan tahay inay Bulshada la wadaagto waxyaabaha muhiimka ah, sida Buuggan ka waramaya Taariikhda Marxuum Sheekh Ibraahim, isagoo ballanp-qaaday in wax kasta oo ay bulshada u daabacayaan laga helayo wakhtigii loogu talo-galay.
Munaasibaddan oo sidoo kale ay ka hadleen Dad badan oo Muhiim ah, ayaa waxa s gunaanaday Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Cabdillaahi Ibraahim Habbane, isagoo Shahaado Sharaf Guddoonsiiyey Qoraaga Buugga wakhtiga badan geliyey Cali Cabdi Coomey.
Buuggan GO’AAN iyo GEESINNIMO oo ay Daabacday Shirkadda AZAL, ayaa noqonaya Buuggii ugu iibsiga badnaa Somaliland.
Comments are closed.