“500 Dhaliyaro ah Oo Madaxtooyada Ka Hor Mudaharaada; Waxay Ka Jecel Yihiin 500 Oo Baddaha Ku Madha”Qalinkii: Mujaahid Cali Xaraaro

0
609

Marka xisbiga KULMIYE iyo Xukuumaduba xaflado u Sameeyaan qorba jooga oo weliba Huteelada uugu waaweyn looga Tumo isla markaana qasriga Madaxtooyada si weyn loogu qaabilo, Qaarkoodna xilal loo magacaabo, Dhalinyaradii dalka joogteyna la Fogeeyo lana takooro, maxaa Halkaa ka dhalan kara, miyaan Loogu talo gelin iney inta Hadhayna ay tahriibaan?

cali-xaraaro

Waxa laba sanno ka hor xaflad Loogu qabtay huteelka guuleed ee Ku yaala magaaladda Hargeysa laba Kun iyo dheeraad qorba joog ah oo U dhashay Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana qabtay oo Weliba faan ka deyey masuuliyiin ka tirsan xukuumadda iyo xisbiga Kulmiya, qudbadihii iyo ereyadii Goobtaas laga yidhi haddii aynu midh kasoo qaadano waxa ka mid Ahaa (tahriibayaasha Maantu waa Qurba jooga Beritoole) Waana hal ku-dhigii habeenkaas Loogu magac daray. Hadaba dhiiri gelinta sidaa u eeg Ma qabo iney tahay arin iska timi, ee Waxaan rumeysanahay iney tahay Qorshe siyaasadeed oo loogu talo  Galay kala yaraynta dhalin yarada Sii kordheysa ee sannad walba ka Qalin jebineysa jaamacadaha dalka, Iyo shaqo la’aanta oo xad dhaaftay, Markaa sababtu waa cabsi laga Qabo kacdoono iyo mudahraado Ay dhalin yaradu kula kacdo Xukuumadda iyo xisbiga Kulmiye, Sidaa awgeed ayaan qabaa iney Xukuumada iyo xisbiga Kulmiye u Dhiiri geliyaan dhalin yaradu iney Ka tahriibaan dalka, xaqiiqaduna Shan boqol oo dhalin yaro ah isla Markaana kacdoono iyo Mudahraado ka hor sameeya Qasriga madaxtooyada waxay ka jecel Yihiin shan boqol oo ah dhalin yaro U dhalatay JSL oo baddaha ku Dhimata ama haraad ku laayo Saxaaraha, Dhalin yaradu waa xooga dal kaste, Waana cida qudha ee rida ama wax Ka bedesha Dawladaha, kuwan maanta Joogaana waxay ogyihiin Denbiyada iyo dulmiga ay u Geysteen dadkan iyo dalkan JSL, Intaas waxa raacda, Madaxweyne ku xigeenka mr Seylici Oo iddaacada BBC-du weydiisey Su’aal ahayd xiligii doorashada Hal ku dhiga xisbiga KULMIYE inuu Ahaa “UDUB wey teygeysaaye ha

Tahriibin Walaal” mr Seylici wuxuu kaga Jawaabey Annaga may ahayn wuxuuse ereygu ka yimi reer Burco, Wuxuu ku sigtey inuu yidhaahdo Bariga Burco ayuu ereygu ka yimi Ama madaxweynaha reer kooda.

Akhriste waa masuulkii labaad ee Dalka uugu sareeyey, waxaan ku Soo xidhayaa qoraalka, Sii eegashada xisbiga KULMIYE iyo Xukuumadiisuba iney la mid tahay Nabar xun oo kugu sii fidaya iskana Daweyn karin hadii aanad halkaa Ku joojin.

Wa Bilaahi Towfiiq

W/Q: Cali Cismaan Libaax (Cali xaraare)