Mulkiilaha Wikileaks Oo Ku Guulaystay Dacwad Uu U Gudbiyay QM

0
528

Mulkiilaha Shabakada Wikileaks ee daabacda xogta sirta ah ee dowladaha waaweyn Mr.Julian Assange ayaa Jimcihii ku guuleystay dacwo uu u gudbiyey Guddiga Qaramada Midoobay ee qaabilsan arrimaha Xuquuqul Insaanka iyo Xadhiga Sharciga darada ah.

1111111111111

Guddiga Qaramada Midoobay ayaa sheegay in si sharci daro ah xoriyada looga qaaday Julian Assange oo muddo ka badan shan sano ku xidhan Safaarada dalka Ecuador ee magaalada London, kadib markii dowlada Ingiriiska ay sheegtay inay xidheyso.

Assange ayaa magangelyo ka helay wadanka Ecuador balse waxaanu weli kasoo bixin karin safaarada wadankaasi ee London iyadoo ay banaanka u taagan yihiin ciidamada Booliiska UK oo sheegay in ninkaasi ay u gacan gelin doonaan wadanka Sweden oo soo saaray amar in ninkaasi loo soo qabto, kadib markii labo haween ku eedeeyeen inuu kufsaday.

Julian Assange ayaa ka cabsi qaba in marka loo gacan geliyo dalka Sweden kadib loo gudbiyo wadanka Maraykanka oo si weyn u baadi goobaya, wuxuuna sheegay eedeynta kufsiga ah ee haweenka Sweden jooga ay tahay sheeko lasoo dhisay oo lagu doonayo in loo xabsi geeyo wadanka Maraykanka.

Guddiga Qaramada Midoobay ee dacwada ninkan eegayey ayaa sheegay inay sharci daro tahay xadhiga Mr.Assange isla markaana xabsi guriga la geliyey ay jabineyso xaquuqda muwaadinkaasi oo heysta dhalashada dalka Australia. Guddiga ayaa sidoo kale sheegay in wadanka Ingiriiska laga doonayo in ay magdhaw siiyaan ninkaasi.

Balse dowlada UK ayaa ku gacan saydhay hadalka kasoo baxay Guddiga UNka oo ay ku tilmaameen mid aan khasab ahayn inay dowlada Ingiriiska hirgeliso, waxayna Wasaarada Arrimaha Dibada ee UK sheegtay inay xidhi doonaan ninkaasi haduu kasoo baxo Safaarada uu ku jiro, maadaama ay dhaqan gelinayaan codsiga xariga ninkan ee uga yimid dalka Sweden.

Julian Assange ayaa cabsida ugu weyn ka qaba dalka Maraykanka oo ku eedeeyey shabakada Wikileaks inay shaacisay sir badan oo ay ka heleen saraakiil Maraykanka oo kashifay ceebaha dowlada Maraykanka, iyadoo xogtii wikileaks ay shaacisay ay ka mid ahaayeen gabood faladii ciidamada Maraykanka ka geysteen dalalka Ciraaq iyo Afghanistan, sidoo kale xogtaasi waxaa kamid ahaa fariimihii qarsoodiga ahaa ee Safaaradaha Maraykanka caalamka ku leeyahay iyo waliba xiriirka qarsoodiga ah ee Maraykanka iyo dowladaha saaxiibada yihiin.

Qaar kamid ah Siyaasiyiinta Maraykanka ayaa hore ugu baaqay in ninkaasi leh shabakada Wikileaks lasoo qabto, halka qaar kale ayba ku baaqeen in la khaarajiyo hadii uu Maraykanka awood u waayo in lasoo xidho.