Mujaahid Ooto Biixi Oo La Sii Daayay Iyo Xisbiga Waddani Oo Cambaareeyay Xadhigiisa

0
435

Hargeysa(Geeska)-Ciidamada ammaanka ayaa xalay soo daayay Mujaahid Maxamed Biixi Caalin (Ooto Biixi) oo shalay xabsiga loo taxaabay.

aaaaaaaaaaaaaaaaa

Afhayeenka xisbiga Waddani xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa ayaa xukuumadda Somaliland ku cambaareeyay xadhigaas Mujaahid Maxamed Biixi Caalin (Ooto Biixi).

Warsaxaafadeed uu soo saaray afhayeenka xisbiga Waddani Ibraahim Mahdi Buubaa, ka hor soo daynta Mujaahid Ooto,  wuxuu xukuumadda ugu baaqay in xorriyadiisa loo soo celiyo, waxaana warsaxaafadeed uu soo saaray uu u dhignaa sidan “Xisbiga waddani, waxa uu si adag u cambaaraynayaa xadhiga siyaasadeed ee ay xukuumada kulmiye kula kacday Mujaahid Maxamed Biixi Caalin (Ooto Biixi) oo ka mida mujaahidiintii dalkan usoo halgamay, xadhiga iyo cabudhinta mujaahidiintu waa ayaan darooyinka ay xukuumada kulmiye ku hayso mujaahidiintii dalka xoreeyeey, oo ay kula kacayso wixii ay ka dagaalameen 30 sano ka hor.

Xisbiga waddani waxa uu ugu baaqaya xukuumadda kulmiye inay sida ugu dhakhsaha badan xoriyadiisa ugu soo celiso mujaahid Ooto Biixi.

Gabagabadii waxaanu xukuumadda u sheegaynaa in aan ummadan doonistooda looga hor is taagi krin xadhiga iyo cagajuglaynta ay caadaysatay, waxaananu ugu baqaynaa inay ka waantooban dhaqamadan kalitalisnimadda ah.”