Mujaahid Ooto Biixi Oo Hargeysa Ku Geeriyooday

0
637

Hargeysa(Geeska)-Alle haw naxariiste waxa shalay gelinkii dambe cisbitaalka Edna ee magaalada Hargeysa ku geeriyooday Marxuum Maxamed Biixi Caalin (Ooto) oo ka mid ahaa mujaahidiintii SNM ee dalka xorriyadiisa soo celiyay.

Marxuum Ooto oo muddooyinkan dambe u jiifay xanuun, waxa uu dhawaan ka soo noqday dalka India oo uu u tagay arrimo caafimaad, waxaana maalmo uu yaalay cisbitaalka Edna Aden ka dib uu shalay ku geeriyooday cisbitaalkaas, iyadoo xalay lagu aasay xabaalaha Masalaha ee magaalada Hargeysa. Aaska Marxuumka waxa ka qayb galay salaadiin, siyaasiyiin, aqoonyahano iyo ganacsato kala duwan, kuwaas oo marxuumka Alle uga baryay inuu naxariistii janno ka waraabiyo.

Bahda Geeska Afrika, waxa ay tacsi u dirayaan, ehelada, asxaabta iyo shacabka uu ka geeriyooday Marxuum Maxamed Biixi Caalin (Ooto).